DHIRTU WAA NOLOSHEENNA – W/Q: A/Yaasiin Cabdiraxmaan (Dool)

Aniga oo ah Axmedyaasiin C/raxmaan  Axmed (Dool). Waxaan qoraalkan kooban kusoo qaadan doonaa siyaabihii kala duwanaa ee  soomaalidu u ga faa’iidaysan jirtey deegaanka ay ku noolaayeen deegaantii iyo dooggii ku yaallay, oo in badan oo ka mid ahi aanay eegga ku ool dhulka.

Waxay qoraalladani hordhac u noqon doonaan buug qoraalkiisu socdo oo haddii Alle yidhi dhawaanta hor iman doona ummadda afka soomaaliga ku hadasha.

Dhirtu, waa mid ka mid ah makhluuqaadka Illaahay uumay, taas oo manfac iyo faa’iido lama koobaan ah u leh dhammaanba san-ku-neeflaha ku uuman dunida baaxadda leh dusheeda. Waxaa dhirta loo dheefsadaa siyaabo badan. Taas oo weliba aad iyo aad umihiim ah la’aanteedna aanay suurto gal ahayn inay noolaha si habsamaan ah ay u socoto noloshooda meertada ama jiraalaha ahi. Taas oo aad mooddo in aanay fahansanayn dad aad u badan oo bulshada maanta ka mid ahi, iyada oo la sheego in wakhtigan  dadku yihiin kuwo wax bartay islamarkaana dadkii hore ku tilmaama jaahilliin aan nolol iyo nidaam toona lahayn.

Bal aan milicsanno sidii ay dadkaa ummadda qaarkood u taqaanno juhalladu ay  uga faa’iidaysan jirtay ka hor intii aanay ku milmin xidhiidhka dhawna aanay yeelan dunida kale ee dadyowga soomaalida ah ee maanta jirtaa ay daba socodka u tahay, kagana dayato waxyaabo badan oo qaldan oo loo baahnaa in kuwa lagaga dayanayo laga saxo.

Waayadaas hore  ee aan ka warrami doonno dadka soomaalida ahi waxay aqoon aad u xeel-dheer u lahaayeen deegaanka ay ku noolyihiin, duunyada ay dhaqdaan iyo dhammaan inta ay dan wadaag leeyihiin ee noloshooda la xidhiidha.

Dadkaasi aynu  ka isiranahay ee waayadaas noolaa waxay dhaxalsiisay aqoontaas durugsan ay u lahaayeen deegaanka ay ku noolyihiin inay gaadhaan haqab-beel dhankasta oo nolosha ah.

Dadkaasi siyaabihii ay deegaanka uga faa’iidaysan jireen oo aad u fara badnaa haddiiba aynu wax ka tilmaanno waxaa ka mid ahaa marka laga yimaaddo daaqista xoolaha, hadhka iyo oodda. Waxaa jirey manfac aad uga badan oo intaas ka badnaa oo ay ka heli jireen dhirta. Kuwaas oo ay kamid ahaayeen:

–  Dhirta waxa laga qoran jirey ama laga tolan jirey qaar badan oo kamid ahaa weelashii lagu shuban jirey caanaha iyo biyaha ee ay ka mid aahaayeen dhoomihii biyaha lagu shuban jirey oo la kala odhon jirey Dhoon horraad iyo Dhoon dambeed, iyo Dhiillihii caanaha lagu lulan jirey oo loo kala yaqaanay Dhab ku lula oo ahayd haan yar oo dumarku dhabta saaran jireen markay caanaha lulanayaan iyo Dhul ku lula oo ahayd haan weyn oo dumarku ay dhulka dhigi jireen markay lulayaan, waxaa laga toli jire dhirta kala ah: Qabada iyo morohda. Wax kale oo laga qori jirey dhirta ay kamid ahaayeen: Yoocada, Adaahida, Garbida i.k.k. Weelashii  xoolaha lagu lisi jirey ee Qabada laga toli jirey ama dhirta kale laga qori jirey waxaa ka mid ahaa : Gaawaha, Gorofka, Hadhuubka, Toobkaha, Dhiilka iyo Jaarka oo daba dhoonka caanaha lagu siin jirey. Waxa kale oo iyaguna jirey weelal kale oo weel caannoodyo ahaa. Kuwaas oon iyaga xoolaha lagu lisi jirin, laguna lulan jirin balse martida loogu geyn jirey ama caanaha lagu dhitayn jirey milayga u dhexeeya labada caano maal. Kuwaas oo ay kamid ahaayeen: Qorogga, Markaha, Okholaha iyo Hooriska.

Mooyuhu, wuxuu ka mid ahaa qalabkii lagu ay soomaalidu u adeegsan jireen farsamaynta dhuuniga qaarkood ka hor inta aan la karin. Kaas oo lagu tumi jirey raashinka midhaha ah ka hor inta aan la karin. Mooyaha, isaga lama toli jirin, laakiin waxa laga qoran jirey dhira ay ka mid ahaayeen: Raybadka, xodayga, baxarasaafka,yoocada, ikk.

Waxa sidoo kale dhirta laga qoran jirey, weelkii  gasiinka lagu cuni jirey iyo weliba kuwo inta raashinka qaarkii sida Shuurada oo kale inta ay dabka saaran tahay waxa lagu walaaqi jirey Qudde, marka ay bislaatana waxa lagag guri jirey Dhure iyo xeedhyihii kala duwanaa ee lagu ridan jirey iyo weliba fandhaalkii lagu cuni jirey. Xeedhooyinkaas oo la kala odhon jirey labanin deeq oo ahayd mid yar iyo nooca waa weyn oo la odhon jirey fardooley. Dhamman weelkaasi oo ka qornaan jirey dhir kala duwan oo si farshaxanimo leh  loo qori jirey, loona xardhi jirey. Dhirtaas oo ay ka mid ahaayeen xagarka, raybadka, dharkaynka, waadhida, timir lo’jirka ikk.

–  Dhirtu, sidaan meelo badan ku sheegay waxay lahays dheef aan hadal lagu koobin, qoraalla lagu idlayn karin. Marka laga yimaado hadh ahaan iyo hoy ahaan, sidii uu ku sheegay naxariistiisa janno alle ha ka waraabiyee Cali Cilmi Af-yare

Adigoo dhalan dhoolayoo

Dharaartu ay kulu laatayoo

Dhafoorkaagiyo jiidhka

Dhidid uu qul qulaayo

Dhalcadaad ka gashaaye

Dhirtu waa nolosheenna

 Waxay ahayd  mid la quuto oo dad iyo duunyaba ay cunaan marka milaygu uu dhaharto ee jiilaadku dabo dheeraado Gu’guna uu dib dhaco iyo marka ay xilli samaad tahayba. Dhirtaas oo siyaabo badan oo kala gedisan loo dhuun marin jirey, kuwo quwaax iyo oon bax ahaan loo calaashado iyo qaar midhahooda in lagu gaajo baxo loo dhuun marsan jirey. Taas oo dadku carruur iyo cirrooleba ay cuni jireen waxaa kamid ahaa: Xangeeyada, Faraxuunshada, Gacayrada, Xamakowga, Maroorada adhida, Doombirada, Cilalka, Tindhadhka, Likaha, Timo yuluqda, Waarigta, Lajiidada, Jinow dhanaanka, Yucubka, Af-gubka, Faradheeraha, Shabkaxda, Uneexada ikk.

La soco qaybaha dambe ee qormadan haddii Alle idmay…

DIYAARINTII:  A/YAASIIN C/RAXMAAN AXMED(DOOL)

ayaasiin55@hotmail.com,  4131105  Telesom, 9552287 SOMTEL