Dhinacyada Ku Hirdamaya Liibiya oo ku Heshiiyay Dawlad Wadaag ah

Tobruk(SLpost)-Haddii uu meelmariyo baarlamaanka caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ee fadhigiisu yahay magaalada Tobruk, uuna oggolaado mucaaradka ku sugan magaalada Tripoli, ayuu heshiishkan noqon doonaa mid la soo afjaro xurgufta u dhaxaysa dhinacyada isku haya dalka Liibiya tan iyo markii hoggaaminka dalkaasi laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Mucamar Qaddafi.

Heshiiskan ayaa waxaa gadhwadeen ka ah dowladda Tuniisiya oo dooneysa in ay dhinacyadaasi ka heshiiyaan muranka u dhaxeeya.

Mohammed Awad Abdul-Saqid oo ah ku xigeenka koowaad ee hoggaanka horseedka u ah mucaaradka ka dhisan magaalada Tripoli ee General National Congress(GNC) ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay in heshiishkani uu yahay mid taariikhi ah oo ay sugayaan dadka Liibiyaanka ah, Carabta iyo caalamkuba.

Talefishinka Al-Carabiya ayaa sheegay in qaabka heshiiskan la gaadhay uu u dhisanyahay in dawladda wadaaga la dhisi doono ay hoggaamin doonaan guddi ka kooban toban qof.

Dalka liibiya ayaa sidoo kale ay dhibaato ka haystaa farac ka tirsan ururka Daacish oo halkaasi ka fuliya weeraro kala duwan.