Tirada Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka magaalada Burco

Burco (SLpost)- Saddex Qof ayaa ilaa hadda inta la ogyahay ku dhintay, tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo maanta ka dhacay deeganka Qoyta oo ku yaala Duleedka Galbeedka ee magaalada Burco.

Shilkan oo ku yimi ka dib markii ay isku-dhaceen laba baabuur oo nooca NOHA-da loo yaqaano ah, ayaa isla markiiba loo gurmaday isla markaana dadkii dhaawaca ahaa iyo Meydadkii loola carray cusbitaalka Guud ee magaalada Burco, iyadoo dadka dhintay midkood yahay dirawalka mid ka mid ah Labada Gaadhi, halka kuwa kale ka yihiin Rakaabkii kala sarnaa gaadiidka Isku-dhacay.

Shilka GaadhigaMa jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta gobolka iyo Shaqaalaha Caafimaadka Cusbitaalka oo ku saabsan faahfaahin intaas ka badan oo shilkani geystay.

Shilalka Baabuurta ayaa muddooyinkii u dambeeyey badanaya, waxaana xukuumadda iyo Dirawalada Gadiidka loo jeediyaa dhaliilo kala geddisan, halka darawallada baabuurta lagu tilmaamo inay si xawli ah u wadaan Baaburta, iyada oo xukuumaddana dusha laga saaro inay waxba ka qaban-weydo dhacdooyinkan soo noq-noqday.

SOMALIALNDPOST.NET