Dhimashada iyo Dhaawaca Shilal Gawaadhi Oo Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(SLpost)-24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa shilal gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac waxa ay ka dhaceen deegaanno duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

Shilalkaan oo Laba ahaa ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay meel aan sidaa uga fogeyn magaalada Ceerigaabo, waxaana ay ahaayeen gaadiid rogmaday.

Wadarta guud ee dadka shilalkaan ku dhintay ayaa lagu sheegay 4 qof, iyadoo sidoo kale dhaawaca uu yahay 11, waxaana xaaladooda ay culustahay Laba ruux.

Suxufiyiinta halkaa nooga soo warama ayaa soo sheegaysa in dhakhaatiirka Isbitaalka magaalada Ceerigaabo ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku baxnaaniyaan dadkaasi dhaawaca ah.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay shilalkaan oo lala hadlay, ayaa sheegay in Isbitaalka ay ku hayso daryeel la’aan maadaama ayna dhakhaatiir badan joogin, taasna ay sabab u tahay ka dib markii dhawaan la eryay dhakhaatiir badan oo halkaasi ka howlgali jirtay.

Shilalka sidaan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo laablaabtay deegaanada duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, sidoo kale shilalka sanadkan ka dhacay guud ahaan dalka Somaliland ayaa ah qaar sii badanaya walaw aanaan hubin tirada rasmiga ah ee ciidamada waddooyinka u diiwaan gashan.