Dhibta Qaadku ku Hayo Somaliland

 

Run ahaantii qaadku waxay uu dhibaato weyn ku hayaa Somaliland taas oo keentay in uu dhaqaale  burbur ka dhaco gudahan Somaliland taas oo uu keenay in marba marka ka danbeysa uu dhaqaalaha dalku hoose u sii dhacayo.

Waxa lagu qiyaasay raga Somaliland ee qaadka cuna  in ay dhan yihiin boqolkiiba 90% magaalada hargeysa.

Dumarka Somaliland ee qaadka bartay waxa ay gaadheen boqolkiiba inta u dhaxaysa 5-8.

Maalintii ay bishu ahayd 8/12/2013 maalin axad ah ayaa waxay joogsamey qaadkii imanayey Somaliland, taasi waxay keentay in dalka ayaa ka dhacdo rabshado  badan oo leh dhinac kasta.

Inta aan ku sugna meelaha qaadka lagu iibiyo, waxaan indhahayga ku arkayey dad badan oo islayneya meelaha qaadka lagu iibiyo, waayo waxay sababey qaad la’aan awgeed.

Dadka qaar waxay u ahayd maalin madow, sida dadka qaar aan wareysteya I sheegna in ay tahay maalin madow,halka  dadka qaar ku jiraan  masjidka oo ku dhex wareystay masaajidka iyagoo ku tukaneyaa.

Run ahaantii waxay ahayd maalin aad iyo aad u layaab badan, waxaan qori doonta taariikhda maanta.

Qaadku waxay uu dalkeena ku haye dhibaato weyn,haddii qaadka laga joojin lahaa dalkeena, waxay gaadhi lahayn horumar aad u balaadhan.

Qaadku waxay uu inoo horseeday dhibaatooyin aad u farabadan xaga  dhaqanka iyo dhaqaalahaba.

Maanta waxa ku soo kordhay qaad cunida caruur aan qaangaadhin.

Dhinaca kale waxa kordhay raggii cunayay, oo waliba kordhiyay saamigii ay barigii hore cuni jireen.

Taas waxyaalaha u sababta ah waxaa ka mida cashuurtii qaadka saarnaan jirtay oo aan jirin, haddii ay jirtana aad uga yar tii hore loo saari jiray qaadka.

Waxa maalintii soogala iyo wakhtigoodaba waxa ay, sida uu udhan yahay u huraan qaadka.

Iyaga iyo cidda ay ka masuulka yihiin, ee caruur iyo dumarba lihii, waxaa bariinsada macaluul, hooya xumo ama hooya la’aanba, iyo waxbarasho la’aan caruurtooda ku dhacda.

Wadarta wax soo saarka dalka Somaliland, markii la qiimeyay, boqolkiiba 60% ayaa u shubmay dalalka Kenya iyo itoobiya, oo lagu soo iibsaday qaadka.

Alaabta iyo badeecada ay cuntadu ku jirto, ee daruuriga ahna waxaa ku baxay, oo dibadda laga keenay, boqolkiiba 35%.

Waxa aan filayaa alaabaha ay dibadda ka heleyso Somaliland, inay aad uga yar tahay kharashkii ku baxay qaadka sanadkasta iyo wakhti kasta oo dalkeena la keeno af-da dhibta ku hayse dhalinta Somaliland iyo dalkaba.

W/Q:   Baxsane xirsi yaasiin (Nation)

Email: jamaale1994@gmail.com

Hargeysa, somaliland