Dhibaatooyinka Nafsiga ee ku Dhaca Ninka Marka ay Xaaskiisa Kala Tagaan

 

Sida ay xeeldheerayaasha cilminafsigu ka marag kaceen, ragga ay xaaskooda kala tagaan waxaa inta badan ay isku arkaan shucuur fashilaad iyo niyad jab ah, baadhitaanno ay xeeldheerayaashani sameeyeen ayaanay ku ogaadeen in inta badan ay dhibtan nafsiga ah ee raggan ku dhacdaa ay ka timaaddo dhowr dhinac. Waxaa ka mid ah ninka oo ay soo fuulaan masuuliyado cusub oo aan hore u saarnayn, dhib ka soo gaadha u boholyowga ubadkiisa haddii ay hooyadood raacaan iyo culays korintooda iyo daryeelkoodu ku keeno haddii ay uu isagu la hadho, waxyaabahaas oo dhami waxa ay sababaan khalkhal nafsi ah oo uu Geeska Afrika ka soo qaadanayo kuwan hoos ku xusan oo uu ka soo xigtay shabakadda BBC Future.

  1. Tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in ninku marka ay xaaskiisa kala tagaan uu inta badan khalkhal ku dhaco noloshiisa bulsho, lagana yaabo in uu ka dhex baxo bulshada ama ugu yarana yareeyo kulamada bulshda. Gabadha qudheeduna isla duruufahaas oo kale ayaa ay marar badan la kulantaa, gaar ahaan bulshooyinka dhaqan ahaan aaminsan in gabadhu ay ku fiicantahay la noolaanshiyaha saygeeda.
  2. Muddo uu ninku qolka iyo furaashka la wadaagayey afadiisa kadib ayaa waxa uu dareemayaa wehel la’aan, waxaana ku bilowda fikir badan iyo in saacado nasasho oo ay maskaxdiisu hore u heli jirtay ay hadda weydo, waana sababta laga yaabo in rag badan furniinka kadib lagu arko isbeddel nafsi ah oo mararka qaarkood saameeya muuqooda duleed.
  3. Isbeddel dhinaca anshaxa ah: Rag badan ayaa marka ay afadooda kala tagaan lagu arkaa isbeddel dhinaca hab-dhaqanka iyo dad la macaamilka ah, xeeldheerayaasha cilmiga bulshaduna waxa ay arrintan ku macneeyeen ninka oo marka ay afadiisa kala tagaan inta badan si nafsi ah u dareema in la nacay ama uu ku fashilmay in uu hanto qalbiga xaaskiisa, isaga oo ka jawaabaya dareenkaas isaga ku jira, doonayana in uu muujiya in aanu ahayn ruux leh iin lagu naco ama ugu yaraan in weli cid jeceli ay jirto, sidaa awgeed waxa uu bilaabaa xidhiiidho dumar oo waalli ah, oo marar badan ka soo horjeeda diinta iyo dhaqanka labadaba.
  4. Sakati iyo neerfis: Dareenka wehel la’aanta ah oo lagu daray culayska kale ee nafsiyan ninka soo waajaha furniinka kadib, waxa ay saamayn taban ku yeeshaan xaaladdiisa nafsiga ah, kartidiisa iyo dulqaadkiisa, sidoo kale waxa ay dhibaato ku keentaa hawlgudashadiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dadka ay shaqo wadaagta yihiin.
  5. Aarsi jacayl: Furniinku waxa uu ninka ku keenaa dareen ah in la xumeeyey oo ay xaaskiisa ay kala tageen ceebtiisa dadkii tustay, xitaa haddii uu isagu qaladka iyo sababta furniinkaba lahaa, waxaa ku beerma dareen ah in si uu u soo ceshado karaamadiisa uu ka aargoosto xaaska ay kala tageen, arrintani waa ta keenta in rag badan marka ay xaaska kala tagaan ay ku kacaan ficillo doqonniimo ku dheehan tahay iyo go’aamo axmaqnimo ah, waxaa ka mid ah isaga oo si degdeg ah gabadh kale ugu xidhma ama u guursada, ama si aan munaasab ahayn xaas kale ku doorta, taas oo la arko in ay marar badan ku keento dhib kale oo hor leh ama xitaa furniin kale.

 

 

Geeska.