Dhibaatada Eydu ku Hayso Boorame iyo Wax-ka-qabasho La’aanta Dawladda Hoose

Magaalada Boorama e xarunta gobolka awdal oo xudun u noqotay inay ku noolaadaan eyda ugu badan qaar kamida magaalooyinka somaliland ku yaala , Eydani ayaa waxa ay yihiin kuwo raxan raxan u socda dariiqyada magaalada borama cabsida ay dadku ka qabaana ay cirka isku shareertay siiba habeenkii oo dhulku mugdi ama madaw uu yahay.

Waxaana xusid mudan in eyahani ay dhibaatooyin fudud iyo kuwo culusba u geystaan bulshada kala duwan qaarkood oo ay siyaabo kala duwan dadka u waxyeeleeyaan ama ha qaniinan amase haba xagtaane . Sida la wada ogsoon yahay eydu waa nijaas qaniinyadooduna ay tahay mid halis ku ah dadka ay qaniinaan balse dawadoodu ay tahay mid aan laga helin soomaliland laakiin laga helo wadamada jaarka la ah Somaliland.

Tan iyo markii dawlada hoose ee degmada borama loo doortay xildhibaano cusub oo badalay kuwii ka horeeyay ayaa waxa ay ahayd dabayaaqadii sanadkii 2012 tan iyo xiligaasi dawlada hoose ee borama waxa ay qaaday olole xoogan oo eyda lagu sumaynayo waxaana eyda la sumeeyay sanadkii 2013 kuwaasi oo gabi ahaanba laga sifeeyay magaalada borama . Waxaana sumaynta eydaasi waagaasi lagu soo beegay xili dhulku uu abaar ahaa sababtuna ay ahayd marka eyda la sumeeyo inaanay ceelasha biyaha ama meel ay biyo ka dhaw yihiin aanay tagin inta naftu ay ku silcayso hadii kale oo ay eyahaasi sumaysan ay biyo helaan waxa suuro gal ah inaanay suntu dilin oo ay badbaadaan Qorshahaasi xiligaas eyda lagu sumeeyay waa lagu guuleystay waxaana hoos u dhac wayn uu ku yimid eydii badnayd ee borama ku noolayd waagaasi hore ,dadkuna waa ay ka nabad galeen eyahaasi la sumeeyay.

Hadaba inagoo ku gudojirna faaladeena akhriste sida la wada ogsoon yahay eydu waa nafley Illaahay uu abuuray oo aan la xakamayn Karin sababtoo ah iyaga oo tarmaya oo dhaldhalaya ayaa waxa markale Borama lagu arkay eyo aad u tiro badan oo raxan raxan u socda marba marka ka danbaysana soo badanaya intooda badanina ay hoy ka dhigteen suuqyada waawayn ee magaalada borama iyaga oo mararka qaar hoos seexda gawaadhida iyo meelaha kale ee ganacsiyadu ka furan yihiin halka intooda badanina ay ku nool yihiin sariibada hilibka lagu iibiyo si ay halkaasi uga helaan wax ay quutaan oo ay ku noolaadaan . Laakiin eyahaasi tirada badan eek u nool sariibada borama ayaa waxa ay noqdeen kuwo dhibaatooyin farabaas ku haya halkaasi kuwaasi oo boobaya hilibka meesha la keeno qaarkoodna ay ku saxaroonayaan taasina ay keenayso dhibaatooyin la xidhiidha caafimaad daro baahsan walaw dadka ku ganacsanaya suuqaasi ay si aada uga cabanayaan xayawaankaasi eyda marar badana baaq u diray dawlada hoose si ay dhibtaasi wax uga qabato.

Dhibaatooyinka eydu ay borama ku hayaan ayaa ah kuwan hoose ku xusan

  1. Nadaafad daro baahsan walaw eyduna ay yihiin kuwo nijaas ah oo meelkastaba ku saxarooda waxaana sidoo kale ay yihiin kuwo saamayn laxaadleh ku haya bilicda Magaalada borama sababo la xidhiidha tira badnidooda
  2. Qaniinyo iyo xagasho ay dadka u geystaan mararka qaar gaar ahaan marka aad merayso meelaha ay ku badan yihiin adigoo aan iska war ahayn ay ku dhibaataynayaan iyo caruurta oo ay si aada uga baqda eydani waa mararka ay schoolka tagayaan , Sidoo kalana waxa ay cunayaan xoolihii dadku dhaqanayeen waxaana ay dhibaatadaasi ay xoolaha ku cunaan ay dhacdaa marka dhulku uu roob ka da,o dhibtaasina waa mid joogto ah
  3. Badnaasho ay badan yihiin islamarkaana ay u socdaan raxan raxan waxaana hoy u ah meel walba oo ay gabaad ka helayaan gaadiidka hoostooda , meelaha ganacsiga , iyo suuqyada lagu iibiyo cunooyinka khuutal daruuriga ah ee maalin walba laga mamaarmaanka ah
  4. Caafimaad ahaan oo aanay wanaagsanayd eydu sababtoo ah waxa mar walba dhacda in eydo meel walba iskaga saxaroodaan kuna kaadshaan teeda kalana waxa jirta eyo xanuunsan oo maqaarka jidhkoodu uu isbadalay kuwaasina ay yihiin khatar ku ah caafimaadka bulshada hadii aan waxba laga qabana saamayn yeelan doonta

Dhibaatooyinka eyda qoraal kuma soo koobi karno laakiin waxkastaayi waxa ay leeyihiin xal iyo ka hortag inta aanay saamayntoodu noqon mid bulshada wada gaadha .

Dawlada hoose ee borama ayaa looga fadhiyay inay arintani wax ka qabato oo ay shaqadeedii tahay hagaajinta iyo nadaafada iyo bilicda magaalada borama balse gaabis ka jira awgeed dawlada hoose ee boorama inay eydaasi waxka qabtaan taasina waa ay ku fashilantay.

Iyaga oo 21ka xildhibaan ee bulshadu ay dooratay dhamaantood ku mashquulay mooshino aan bulshada magaalada borama dani ugu jirin iyo sidoo kale ka hadalka danahooga gaarka ah 21ka xildhi baan waxay u muuqdaan kuwo soo shaqo tagay islamarkaana ka dhamaanla khilaaf joogto ah oo dhexdooda ah ay ragaadisay hawlihii ay bulshada u hayeen oo ay ka seexdeen xili ay eydu iyo qashinkuba magaalada ay buux dhaafiyeen walaw xaafadaha qaar ee boorama ku yaala ay yihiin kuwo haba yaraatee aan laga warhaynin oo qashin ay wehel ka dhigteen.

Isku soo wada duuboo maaayarka borama ayaa sheegay in ayda ay sumayn doonaan oo ay wax ka qaban doonaan laakiin hore ayay somalidu ugu maahmaahday Meel hoo u baahan hadal wax kama taro?!

Dawlada hoose waxa looga fadhiya inay si deg deg ah wax uga qabato eyda faraha badan ee borama kunool iyo qashinka buux dhaafiyay qaar kamida xaafadaha magaalada boorama.

Nuux kadiye

Wariyenuuxkadiye@gmail.com

Borama