Laasqoray (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee maalmahanba socdaalka ku maraayey Gobollada dalka, ayaa saaka subaxnimadii gaadhay magaalada Laasqoray ee Bariga gobolka Sanaag, ka dib markii ay ka amba-baxeen magaalada Maydh ee isla gobolkaas oo ay xalay u hoyden.
Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku gaadhay degmada Laasqoray oo noqonaya Kormeerkii u horreeyey ee Madaxweyne Somaliland ahi ku gaadho deegaamadaas, ayaa ahaa mid aan hore loo sii shaacin oo dadka degmadaasi mar kaliya ku war-heleen weftiga madaxweynaha ee ka dul-degay.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa si seer sare ah, oo qiimo iyo sharafi ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyey ka dib waxa uu madaxweynuhu ugu horaynba soo kormeeray Cusbitalka Degmada Laasqoray oo ah Cusbital qadiimo ah, Mudana ay gacanta ku haysay Maamo Canab Jaamac Maxamed, sidoo kalena waxa uu kormeer kaasi la mid ah ku tegay Wershedda Laasqoray oo ah wershed fac-weyn ku leh dalka ahna mid soo saarta Kalluunka Qasacadaysan iyo waxyaalo badan oo kale.
Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay Dekedda Laasqoray oo dib u habayn lagu samayn doono .
Waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan Xagla-toosiye oo balan qaaday in marka uu ku noqdo Caasimada u soo diri doono gaadhi Ambulance ah, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka bada, Mudane Buureed iyo Wasiirka Gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami.