[DHEGAYSO]: Xukuumadda Somaliland oo ka Jawaabtay Dhawaaq Dawladda Ingiriisku Ku Dhaliishay Amniga Dalka

IMG_8260

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal maanta ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa sooranka dalka Britian, kaasi oo loogaga digayay muwaadiniinta u dhashay dalka Britian ee jooga Somaliland in aanay u socdaali karin Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in aanay wax nabad geliyo daro ah ka jirin Somaliland isla markaana ay ku kalsoon yihiin nabad geliyada dalka ka jirta.

DR Maxamed