DHEGAYSO: Xukuumadda oo Golaha Wakiillada u Gudbisay Xeer lagu Aasaasayo Hay’ad loogu Madax-bannaanaynayo Maamulka Hawada Somaliland

Maxamuud Xaashi CabdiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay Aqalka Golaha Wakiillada u gudbiyey Xeer wasaaraddiisu soo diyaarisay oo jidaynaya aasaaska Hay’ad madax-bannaan u maamuli doonto Madaaradda Dalka.

Wasiirka Duulista Hawada oo maanta hortagay Golaha Wakiillada, waxa uu mudaneyaasha sharraxaad ka siiyey ujeeddada iyo nuxurka uu xambaarsan yahay Xeerkaas oo ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya Somaliland.