DHEGAYSO – Wasiirka Madaxtooyada oo si ba’an u weeraray Guddoomiyaha UCID iyo Mujaahid Ibraahim Dhega-weyne

wasiirka madaxtoyadaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo ay xukuumadda u jeediyeen siyaasiyiin miisaan ku dhex leh bulshada, kuwaas oo dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqay Gole lagu magacaabay GOLAHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA oo xukuumaddu shari-darro ku tilmaantay.

Wasiirka Madaxtooyada oo maanta ka hadlayey munaasibad xadhigga lagaga jaray wejiga koowaad ee dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa degmooyinka Wajaale iyo Kala-Baydh, waxa uu difaacay dhaliilo xukuumadda loogu jeediyo  in hay’adda Waddooyinka la hoos-geeyo wasaaradda Madaxtooyada, isaga oo ku dooday  in dalka laga hirgeliyey waddooyin cusub muddadii Hay’adda Waddooyinka la hoos-geeyey wasaaradda Madaxtooyada.

Radio

 Wasiirka Madaxtooyada oo si ba’an u…

SOMAILANDPOST.NET