DHEGAYSO WARAYSI Xiiso badan oo Fanaanadda Sahra Axmed Jaamac kaga Xog-Warramayso Waayaheedii Faneed

Fanaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ah fanaaniinta loogu jecel yahay uguna codka macaan hobolladii Waaberi, ayaa dhinacyo dhinacyo kala duwan oo Wariye Cumar Seerbiya kula yeeshay magaalada Hargeysa kaga warrantay Taariikh nololeedkeeda, wakhtigii ay Fanka Biowday iyo Waayihii ay Fanka Soomaaliyeed ka soo qaadatay.

Sahra Axmed Jaamac oo wakhtigan ku nool magaalada Hargeya, waxa ay sheegtay inay markii ugu horeysay Masrax laga heeso soo istaagtay sannadkii 1969-kii wakhtigaas oo ay ka qayb-qaadatay Riwaayaddeedu ugu horeysay ee ay ka qayb-gasho.

Halkan waxaanu idinku soo gudbinaynaa Qaybta 1aad ee Waraysi Wariye Cumar Seerbiya kula yeeshay Gurigeeda magaalada Hargeysa oo wariyuhu ku booqday.