(DHEGAYSO) Madaxweyne Siilaanyo oo Munaasibad ku Kulansiiyey Labeenta Kulmiye, Ballan-qaadyo, Talooyin iyo Dar-daaran Dhaxal-gal ahna kula ballaysimay diyaar-garowga Shirweynahooda Saddexaad

Madaxweynaha Somaliland

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay tan iyo wakhtigii uu hoggaaminta xisbiga Kulmiye uga digo-rogtay Kursiga looga arrimo talada dalka, ayaa talooyin dhaxal-gal ah u jeediyey xisbiga uu guddoomiyaha ka ahaa wakhtigii uu mucaaradka ah, kaas oo wakhtigan isu-diyaarinaya qaban-qaabada shirweynaha saddexaad ee Xisbiga.

muuseMadaxweyne Siilaanyo waxa uu hadal waano iyo dar-daaran ah ka jeediyey munaasibad loogu diyaar garoobayay shirweynaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye oo maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

IMG_5156Munaasibadda lagu qabtay xarunta madaxtooyada waxa ka qeyb galay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdixmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Koowaad Maxamed Kaahin Cabdi, guddiga qaban-qaabada shirweynaha, Gudida fulinta ee xisbiga iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.