DHEGAYSO: Madaxweyne Siilaanyo oo mar kale U Hanjabay siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku hawlan Qaban-qaabada Doodda Qaran

IMG_0229Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo todobaadyadii u dambeeyey safar dibadeed ku maqnaa, ayaa maanta ku soo laabtay dalka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa uu tafaasiil ka bixiyey safarka uu muddo saddex todobaad ah ugu maqnaa dalalka Faransiiska iyo Ingriiska.

Madadaxweynuhu waxa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta Wakhtigan, isaga oo sooo qaatay qaban-qaabada kulan loogu talo-galay dood-qaran oo Axsaabta mucaaradku doonayaan inay cadaadis ku saaraan xukuumaddiisa.