DHEGAYSO: Madaxweynaha Somaliland oo Ballan-qaadyo u sameeyey Dadka Naafada ah oo uu maanta guddoonsiiyey Mootooyin iyo Baaskiilado Madaxtooyadu ugu deeqday

IMG_7456Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan loo sameeyey Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo sannad kasta maanta oo kale 02 Bisha Decemberr laga Xuso Caalamka.

Munaasibaddan oo ku qabsoontay Hool Shirarka hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa ka soo qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, Ururrada kala duwan ee ka shaqeeya Naafada iyo qaar ka mid ah dadka Naafada ka ah qaybaha kala duwan ee Xubno jidhkooda, kuwaas oo ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa ballan-qaaday in dadka naafada ah laga qayb-galin doono shaqada Dawladda, waxaanu madaxweynuhu halkaas ku guddoonsiiyey naafada 28 Mooto iyo 150 baaskiilado ah oo madaxtooyadu sannadkan ugu deeqday dadka naafada ah, kuwaas oo si bakhtiyaa-nasiib ah oo qof waliba nasiibkiisa ka qaaday loogu qaybiyey gaadiidkaas.

HALKAN DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET