(DHEGAYSO) Guddoomiye Muuse Biixi oo Habsami-u-qabsoomidda Shirweynaha Kulmiye ku tilmaamay mid Masiirka Umadda iyo Dalkuba ku xidhan yahay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyey in Shirweynaha Xisbiga ee dabayaaqada sannadkan qabsoomi doonaa uu noqdo mid ka taliya masiirka iyo mustaqbalka jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aanu noqon mid ka tarjuma loolan ku dhex-mara shakhsiyaad ku tartama hoggaanka Xisbiga.

muuseGuddoomiyaha Kulmiye oo manta khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweyne Siilaanyo isugu keenay hoggaanka, guddida Qaban-qaabada Shirka iyo Guddida Fulinta Xisbiga oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Xukuumadda, waxa uu ku dheeraaday taariikhdii uu soo maray Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isaga oo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah iyo tuhun laga qabo inuu ka soo ifbaxo loollanka siyaasiyiinta ka dhexeeya ee shirweynaha Xisbiga.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net