Dhegayso: Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya oo ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed iyo Amni Ee dalka

Hargeysa(SLpost) Guddomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi ayaa ka Dayriyey Xaalada Nabadgelyo darro oo uu sheegay in ay ka jirto Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu sheegay in haweenkii faro baas lagu hayo oo Bishiiba la diwaangaliyo Kufsi gaadhaya 300 oo Qof oo haween ah, waxaanu Nasiib darro ku tilmaamay in Hablihii ay amaandaro darted Dibada u bixiwaayan, waxa kale oo uu sheegay in faraha ay ka baxday Tahriibku oo Dhalintii dalku ay u haajirayaan dalalka reer Galbeedka. Siddaasi waxa uu ka sheegay mar uu ka hadlayey Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Shuhadada SNM, sanad Guurada 29aad ee ka soo wareegtay Dagaalkii Burco-Duuray 17Oct-1984kii, Wakhtigaasi oo dagaal Culusi dhex maray Ciidaankii Jabhadii SNM ee u dagaalamaysay Xoreynta Somaliland iyo Ciidankii kaligii taliyihii Macangaga ahaa ee Siyaad Barre.

MUUSE

Hoos ka dhageyso

Somalilandpost.net

Hargeysa