DHEGAYSO Go’aamada Shir-guddoonka Shirweynaha Kulmiye ku shaaciyey Liiska Golaha Dhexe oo bannaanka soo dhigay inay Madaxtooyadu Af-duubtay Xulashada Xubnaha Golaha Dhexe

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonkii Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlana xulista Liiska ergooyinka Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo aan ilaa immika la muddeynin, ayaa shaaciyey Magacyada liiska Guddiga Fulinta ee Xisbiga.

IMG_0017Xubnaha Gudida oo ka koobnaa 7 xubnood halka xubigta ka maqnayd oo ahayd Gudoomiye ku xigeenkii Todobadaasi xubnood uu beryahanba kagaga maqnaa safari dibeda ah balse maanta ay goobjoog ka ahaayeen 6 xubnood kuwaas oo ku dhawaaqay go’aanka Rasmiga ah ee Shirkii Kulmiye la isku raacay inay rasmi ahaan loo shaaciyo waxaanay tiradoodu dhan tahay 364 Xubnood oo wixii ka danbeeya hada Xisbiga Joogto u ahaan doona hawlihiisa Xisbinimo.

IMG_0013Xubnaha Guddigan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa magacyadoodu kala yihiin.

  1. Axmed X. Cali Cadami (Wasiirka Gaashaan-dhigga
  2. Maxamed Cabdilaahi Cumar (Wasiirka Ganacsiga)
  3. Maxamed Yoonis Cawaale (Agaasimaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka)
  4. Maxamed Muuse Abees (Wasiirul-Dawlaha Madaxtooyada)
  5. Axmed Nuur Faahiye (Wasiirul-dawlaha Waxbarashada)
  6. Ismaaciil Muumin Aare (Wasiirkii hore ee Cadaaladda)
  7. Cabdi Siciid Faahiye (Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo Ciyaaraha)

Todoba Xubnood ee Shir-guddoonka, waxa maanta goob-joog ka ahaa shirka jaraa’id isla markaana ku saxeexnaa go’aankan Lix xubnood oo ka mid ah todobada xubnood, waxaana ka ka maqnaa isla markaana aanu saxeexiisu ka muuqan guddoomiye ku-xigeenka Shir-guddoonka Wasiirka Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo dalka ku sugan, balse aan la garanayn sababta uu go’aanka guddiga uga maqnaaday.

IMG_0011Maqnaanshaha Wasiirka Ganacsigu kaga muquurtay go’aanka guddiga, ayaa muujinaysa khilaaf iyo is-maandhaaf ka aloosan qaabka loo maamulay xulashada xubnaha golaha dhexe, maadaama wasiirka lagu tiriyo inuu yahay xubinta kaliya ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye siyaasad ahaan iyo feker ahaanba uu ka haysto golaha wasiirrada ee Xukuumadda.

Sidoo kale, arrintani waxa ay iftiimisay inuu jaluug saluug hoggaanka Kulmiye ka qabo qaabka loo xulay xubnaha Golaha Dhexe iyo inay Madaxtooyadu af-duubtay qaabka wax loo xulay.

DHEGAYSO