Dhaxalkii Askariga! Qeybta Lixaad

Maqaalkii hore waxa aynu ku soo faaqidnay qaybtii hore ee astaamaha maadiga ah ee qofka hogaamiyaha loo dooranayo lagu soo xusho, maanta waa qaybtii labaad ee sifooyinkaas, kuwaas oo la xidhiidha dabceecada iyo shakhsiyadda qofka hogaamiyaha ah.

Marka aynu soo qaadanno qaybta labaad ee hogaaminta, ee ku salaysan hab-dhaqanka iyo dabeecadda caadiga ah ee qofka, waxa ay ka shidaal qaadataa in uu hogaamiyuhu leeyahay dabeecado iyo sifooyin ka duwan dadka intiisa kale. Hogaamiyuhu waa nin daacad ah, dad la dhaqan leh, bulshay ah, dulqaad badan, af-tahan ah dadkana deeqsiin kara waxa uu rabo. Hogaamiyaha fiicani waa nin cadaaladda jecel, isagu ku dhaqma, dadkana ku dhaqa. Waa nin leh bisayl siyaasadeed, waa nin dadka la tashada oo naxariis badan. Hogaamiyaha wanaagsani waa nin diblamaasi ah, saamaxaad badan, garaad sare leh, xaaladda qiimayn kara, deggan oo aan caadifad lahayn, dadkana midayn kara oo wada-jir ku hogaamin kara, hadii ay midaysanyiihiinna aan kala qaybin. Hogaamiyaha wanaagsani waa nin samir badan oo aan haakah odhan illaa iyo intaa uu guul ka soo hoynayo hawsha uu ku jiro, waa nin kalsooni badan, dadka qiimeeya (aan yasin ama quudhsan), waa nin sharaf badan, niyad-fiican oo kaligii istaagi kara. Waa nin u dabacsan dadka uu hogaaminayo, isla markaana si wanaagsan u dareemi kara uguna kuur-gali kara xaaladda ay ku sugantahay bulshadiisu. Hogaamiyaha fiicani waa nin qiimayn kara xaaladda ay mar walba ummaddiisu ku sugantahay, isla markaana la socon kara is-bedallada ku soo kordha bulshadiisa, waa nin hammi sare leh oo ay ka go’antahay in uu ka midho dhaliyo himilada uu hiigsanayo, waa nin ammaano leh oo wax lagu aamini karo. Dhammaan sifooyinkan aan soo aragnay iyo kuwa kale oo aanan halkan ku xusinba, waa sifooyinka la eego marka la doonayo in la qiimeeyo hogaamiye la rabo in lagu aamino talada ummaddeed. Hadaba is weydiintu waxa ay tahay, gudoomiye Muuse Biixi Cabdi halkee ayaa uu ka taaganyahay sifaadkan?

Bal horta aan inta ugu muhiimsan mid-mid u soo qaato, isla markaana aan bar-bar dhigo shakhsiyadda Muuse Biixi, aniga oo ku ladhaya tusaaleyaan nool oo caddaan ah, bal si aad uga qiyaas qaadato:

Halkee ayaa uu Muuse Biixi ka taaganyahay Sifada Midaynta umadda:

Sida aan maqaalkii hore ku soo xusay, Muuse Biixi Cabdi waa nin si aad ah u kala yaqaanna dadka iyo dalka. Hadaba fahamkan uu u leeyahay bulshada iyo qaybaheega, waxa uu u adeegsaday sifo khaldan. Bal hadaba aynu soo qaadanno dhawr tusaale oo ku saabsan in uu Muuse Biixi yahay hogaamiye midnimo horseedi kara:

Tusaalaha koowaad: 25-kii, Octoober ee sannadkan 2015-ka, ayaa uu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay 23 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye. 23-kan xubnood oo ahaa xubnaha uu xeerka xisbigu hab maamuuska u siiyey gudoomiyaha in uu soo magacaabo, ayaa waxa uu Muuse Biixi u qaybiyey sidan:

12 xubnood oo ka mid ah 23 kii Xubnood, waxa uu siiyey beesha uu ka soo jeedo isagu (Muuse Biixi).

5 xubnood oo ka mid ah saddex iyo labaatankaas Xubnoodna, waxa uu siiyey beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo.

Lixdii xubnood ee soo hadayna, waxa uu u qaybiyey beelaha Somaliland oo aanay weliba qaarkood ku jirin.

Marka la eego saamiga uu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi sed-bursiimaha xaq-darrada u siiyey reerka uu ka soo jeedo, waa mid laga bad-badiyey, oo lagu talax-tegay oo xataa aanu caqligu sawiran karayn qabyaalad heerkaas gaadhay. Hadii aynu saamigan u bedalno xisaab boqollay ah, waxa uu noqonayaa 52.2%, tan macnaheegu waxa weeyaan, in uu Muuse Biixi marka laba loo qaybiyo, qayb iyo weliba dheeraad uu tolkii ugu deeqay wixii ummada ka dhexeeyey ee ay wada lahayd.

Tusaalaha labaad: Anigoo wax dili kara, Duca qaadan maayee, Dabci qorigu ha I faro! waa eray taariikhda Muuse Biixi cambaar ku ah oo laga reebay dharaarihii ay dalka dib uga qarxeen dagaalladii Sokeeye. Muuse Biixi waxa laga hayaa Muuqaallo muujinaya isaga oo si badheedh ah oo qabyaaladaysan u duraya qaybo ka tirsan bulshada reer Somaliland. Hadalkan caanka ah, Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay in uu yahay hadal si khaldan loo turjumay, oo waddo gurracan lala maray, isla markaana uu hadalkan ula jeeday kooxo ku sugnaa dhinacaa iyo koonfurta Soomaaliya. “Illawsho dhawaa ma umulbaa”, Muuse Biixi waxa uu u haystaa in uu hadalkani yahay mid ay muddo dheeri ka soo wareegtay, oo aanay cidina xasuusan karin, isla markaana uu sida uu jecelyahay isagu dadka ugu rogi karo! Horta waa mahad ilaahay mar hadii uu dafiray in uu hadalkaas ula jeeday qaybo ka mid ah bulshada Somaliland, waxa aan ka cabsi qabay in uu mar labaad ku celiyo oo uu isla mawqifkiisii soo istaago’e! laakiin waxa nool oo weliba dhalin-yar ah, dadki goob-joogga ka ahaa dhacdadan, isla markaana sidii wax shalay dhacay oo kale u xasuusan. In aanu Muuse Biixi ka tawbad keenin weli hadalladii xanafta badnaa ee uu ku af-legaadaynayey qaybo ka mid ah bulshada Somaliland waxa ku tusaya, dhacdadii u dambaysay ee uu Muuse Biixi ku af-legaadeeyey wasiir ku xigeenka hawlaha guud mudane Cali Cabdi Saa’iq iyo beesha uu ka soo jeedaba. Waxyaabaha qalbiga sii lulaya waxa ka mid ahaa, qaabkii qiirada lahaa ee uu wasiir ku xigeenkaasi uga dareen celiyey af-legaadadaas aan wax loo dhigaa jirin! Waana marag ma doon, uu raadkeegu sii qoyanyahay.

Tusaalaha saddexaad: intii lagu guda-jiray shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka qabsoomay Hotel Maansoor, isla markaana Muuse Biixi loogu doortay musharraxa jagada Madaxweynaha ee doorashada 2017-ka, waxa uu khudbad uu jeediyey Muuse Biixi ku sheegay in ay Niman ay xigto yihiin uga tanaasuleen loollankii Musharraxnimo ee ka dhexeeyey. Horta hadalkaasi waxa uu ahaa beentii qarniga oo uu Muuse Biixi gole dhan kaga hor tiraabo isaga oo weliba sidii lagu yaqaannay ku dhiirran beenta iyo huuhaada, sidoo kale hadalkani waxa uu ahaa quudhsi amaba yasid aan la qiyaasi karin oo uu mar labaad Muuse Biixi kula kacay Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ahaa musharrax la mid ah, Balse aniga immika uma jeedo waxaas oo dhan. Waxa aan u jeedaa, aragtida uu Muuse Biixi ka haysto tartanka iyo musharraxnimadu in ay tahay mid ka dhaxaysa koox ilma’adeer ah kuwaas oo isku tanaasuli kara amaba ku loollami kara. Malaha Muuse Biixi xisbiyada qarankaba waxa uu u haystaa in ay yihiin Saldanado ay reero leeyihiin, kuwaas oo uu xisbi walbaaba u xidhanyahay Saldanad amaba reer gaar ah.

Shakhsiga ay iskaga dhex darsameen qabyaalad iyo qarannimo, ee aan kala garanayn Xisbi qaran iyo Xigto qabiil, ma yahay mid dal iyo dad midayn kara? Ma yahay hogaamiye lagu aamini karo masiirka umadda? Ma yahay hogaamiye ku habboon hogaaminta dalka? Adiga ayaan kuu dhaafay jawaabaha……….

Hadallada xanafta badan ee qabyaaladda ku dhisan ee uu Muuse Biixi dastuurka ka dhigtay marnaba halkan kuma soo wada koobi karayno. Hadii si weyn loo baadhana, waxa hubaal ah in la soo helayo boqollaal hadal oo cunsuriyad iyo ciil gaaxday cokan oo uu Muuse Biixi diiwaanka taariikhdiisa gashaday.

Intaas waxa aan ku soo gunaanadayaa falan-qayntii ahayd: Halkee ayaa uu Muuse Biixi ka taaganyahay Midaynta Umadda. Waxa aanan u gudbayaa faaqidaada amaba falan-qaynta sifooyinka kale ee hogaamineed ee uu Muuse Biixi duurka kaga noolyahay.

Waa inoo qaybaha dambe hadii ilaahay ogolaado……………….

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com