Dhaxalkii askariga! Qaybtii 2aad

Qaybtii hore waxa ay inoo joogtay Hitler oo jebiyey heshiiski Versailles, qaybtanna halkii ayey ka sii wadi doontaa wixii intaas ka dambeeyey.

 

Intaas kadib, Hitler waxa uu aqoonsaday in aanay dalalka reer Yurub marnaba diyaar u ahayn in ay awood ciidan wax kaga qabtaan tallaabooyinka uu dalka Jarmalku qaadayo, sidaas awgeed waxa uu ku dhiirraday in uu qabsado dhul ciidamada ka caaganaa oo la odhan jiray Rhineland. October 1936-kii, Hitler iyo Mussolini (Hogaamiyihii taliyaaniga ee xilligaas), waxa ay wada galeen heshiis ay iskugu aqoonsadeen danahooga guud, kaasi oo noqday is gaashaan buuraysi. Heshiiskaas waxaa loogu magac daray “Rome-Berlin Axis”. Dhinaca kale, Bishii November 1936-kii, waxa uu Hitler heshiis la galay xukuumaddii millatariga ahayd ee ka talinayasay dalka Japan, heshiiskaas ayey labada dhinac ee Jarmalka iyo Japan-ku isla qaateen in ay ka soo hor-jeedsadaan Nidaamkii Shuuciyadda. Dhammaadkii sannadkii 1936-kii, Hitler iyo xisbigiisii Nazi-gu waxa ay gaadheen guulo diblomaasiyadeed, taasina waxa ay sababtay in uu Hitler ku hadaaqo in uu dalka Jarmalku noqday “quwadda ugu weyn adduunka”.

 

Kadib markii ay Hitler u caddaatay in aan Faransiiska iyo Ingiriiska midnaba diyaaar u ahayn in uu iska caabiyo Jarmalka, ayaa Hitler waxa uu sannadkii 1938-kii qabsaday dalka Austria oo ahaa dalkii uu Hitler ku dhashay. Qabsashadii Austria, Jarmalka waxa ay u soo kordhisay in uu helo goob istaraataji ah. Hitler weli ma qancin, waxaana uu halkii ka sii waday dhul ballaadhsigiisii, waxa uu qabsaday guud ahaanba dalka Czech sannadku markuu ahaa 1939-kii. Dalkan Czech oo ay xulafo dagaal ahaayeen dalalka reer galbeedka, waa lagu daawaday oo waxba looma qaban markii la qabsanayey. Hitler illaa iyo hadda ma qanacsana, welina waxa uu u oomanyahay dhul cusub oo uu qabsado. Inkasta oo ay Ingiriiska iyo Faransiisku isku dayeen in ay xulafaystaan Joseph Stalin oo Midawgii Soofiyet hogaamiye ka ahaa, si ay uga hor-tagaan garadarrada caddaanka ah ee Jarmalka, hadana ma ay suurto-gelin, is aamin la’aan awgeed.

 

Taariikhdu markii ay ahayd 1 September, 1939-kii ayaa ay ciidamadii Jarmalku qabsadeen dalka Poland, Laba maalmood kadib, Ingiriiska iyo Faransiisku waxa ay ku dhawaaqeen dagaal ay kaga soo hor jeedaan dalka Jarmalka. Isla daqiiqadaas, waxa mar labaad dib u qarxay dagaalkii labaad ee dunida. Waxa uu ahaa dagaal aanu qof banii-aadam ah oo dunida ku noolaa hore u sawiran, waa dagaalkii aan hore loo saadaalin, caqliguna aanu weligii qiyaasin. Waa dagaalkii ay ka qayb qaadanayeen dadweynaha dalkoogu dagaallamayo oo dhammi haday noqoto rag, dumar iyo carruurba. Dadkiina waxa ay u qaybsameen mid dagaalka toos ugu jira, mid ka shaqaynaya warshadda hubka soo saaraysa, mid shacab ah oo hubka ku waxyeelloobay iwm. Weli hore dunida ugama ay dhicin dhimasho la mid ahayd dhimashadii uu sababay dagaalkii labaad ee dunidu, taasi oo xaddigeegu kor u dhaafay 50,000,000 (Konton milyan) oo qof! Waxa uu sababay burbur aan hore dunida loogu arag, waxa dhulka hoostiisa maray magaalooyin dhan oo dhisnaa, waxa la waayey jiilal dhan oo ciidda hoosteeda maray, waxaana ka dhashay macaalluul, rafaad, qax iyo balan-bal. dhibaatada intaas le’egna, waxa inta ugu badan mas’uuliyaddeeda iska lahaa damicii Jarmalka iyo Japan ay ku doonayeen xaq aanay lahayn! Labadaas dalba (Jarmalka iyo Japan-ka) cidda hogaaminaysay waxa ay ahaayeen laba askari. Inta ugu badanna dhaxalka askarigu waa burbur iyo baaba’ laxaad leh oo ka soo kabashadoodu ay qaadanayso muddo dheer iyo maal badan!

 

  1. Marka aynu u soo noqono Soomaalida, habeennimadii ay taariikhdu ahayd 21.oct.1969-kii ayaa uu taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Maxamed Siyaad Barre inqilaab millatari kula wareegay taladii dalka, isaga oo xabsiga u taxaabay badiba madaxdii dawladihii rayidka ahaa. Isla markiiba, Maxamead Siyaad waxa uu laalay dastuurka dalka u yaallay, waxa uu kala diray baarlamaankii, waxa ay tir-tireen xisbiyadii siyaasadda, waxay mijo-xaabiyeen maxkamadii sare ee dalka, wuxuu dhalan-rogay magicii dalka oo loogu yeedhay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Soomaaliya,waxaana uu si deg-deg ah ugu kacay falal aan cawaaqibkooga laga fiirsan. Waxa uu la kawsaday toogasho bilaa sabab ah, cago-juglayn joogto ah, been iyo male-awaal shacbiga lagu maaweelliyo. Isla dharaartaas, waxa ay hogaamintii dalku u gacan-gashay askari dhego-adag, kaasi oo u jiheeyey umadda jidkii bur-burka iyo dariiqii halaagga. Bal u fiirso Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) oo ka hadlaya dhaxalkii ay reebtay taladii askarigu, waxa uu yidhi isagoo arrintaas sheegaya hadal uu nuxurkiisu ahaa: “Waxba yaan lagu meeraysan af-soomaali ayuu qoray, Soomaaliya waxa ay god ku dhacday dharaartii uu talada dalka la wareegay M. Siyaad Barre”, sidaasna waxa uu ku qoray buuggiisa “Milicsiga dagaalkii dhex maray xukuumaddii Maxamed Siyaad iyo Jabhadii SNM”. Maxamed Siyaad Barre waxa uu la wareegay dal dhisan iyo dawladnimo taam ah, waxa aanu ka tegay dal gubtay iyo dawladnimo geeriyootay. Dhaxalkii uu reebay askarigaasi waxa ay noqotay in uu umadda dadnimo ka soo kaxeeyo, oo uu dugaagnimo keeno. Waxa aan u jeedaa, waxa uu dalkii u qaybiyey qabiil-qabiil iyo qolo-qolo, waxaana uu u horseeday in qabiilba qabiilka uu ka xoog-weynahay awood ku muquuniyo, qabiil kasta oo Soomaaliyeedna uu col la noqdo qabiilka kale ee ay jaarka yihiin. Maxamed Siyaad, waxa uu dhisay oo uu koriyey colaaddihii beelaha Soomaaliyeed ka dhexeeyey, isaga oo maalinba beel la heshiinaya, beesha kalena nacab iyo shisheeye kal-kaal ku sheegaya.

 

Dhaxalkii uu reebay askarigii dhegaha adkaa ee Maxamed Siyaad, waxa uu noqday mid dalka ku sababay bur-bur laxaad leh oo aanay waxba hadhin. Waxa bur-burtay dawladnimadii, dadnimadii, walaalnimadii, is-kaashigii iyo wada-jirkii umadda. Waxa bur-buray adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa sida goobihii waxbarashada, cisbitaalladii iwm, waxa bur-buray kaabayaashii dhaqaalaha, waxa luntay is aaminaddii umadda, waxa dalkii u qaybsamay gobol-gobol iyo degmo-degmo, waxa ay umaddii noqotay umad is neceb oo aanu qofna qof kale oo Soomaali ah bixinayn, waxa loo tartamay dawlado shisheeye, si beelo Soomaaliyeed loo tir-tiro. Taariikhda markii koowaad, waxa ay dagaalladu sababeen in gaajo iyo macalluul loogu geeriyoodo gudaha dalka Soomaaliya, waxa dalkii ka dhacay qoxoontigii ugu ballaadhnaa, oo marka bulshada saddex loo qaybiyo, qayb ka mid ahi ay dalka ka hayaantay.

 

Hadii ilaahay ogolaado, waa inoo qaybaha dambe iyo qoraallo xiiso leh.

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com