Dhawr iyo Toban Sano Kadib Hargeysa oo Ishaarooyin loo Yagleelayo

 

Hargeysa(SLpost)-Caasimda Somaliland ee Hargeysa ayaa mudo ka badan dhawr iyo toban sano markii ugu horaysay loo yagleelayaa ishaarooyinka gaadiika kala haga, ishaarooyinkan ayaa laga sameeyay wadooyinka muhiimka ah ee magaaladda dhexdeeda.

ishaarooyinkan ayay Hargeysa ugu danbaysay wakhtigii uu maayarka ka ahaa Cawl Cabdale oo ahaa maayar raadad waaweyn kaga tegay wakhtigaas magaaladda Hargeysa. hadaba waxa maalmihii ugu danbeeyay inta badan ee isgoysyada muhiimka ah ee magaaladda lagu xidhaayay ishaarooyin ah Solar system.

11759493_897655396948824_31159218_n 11911900_897654870282210_1131143802_n 11940213_897654806948883_1287052784_n

shacabiga caasimada ayaa niyad samaan ku soo dhaweeyay inay arkaan in ishaarooyin loo sameeyo wadooyinka badhtamaha magaaladda iyo kuwa muhiimka ah, waxaana la saadaalinayaa in ay yaraan doonaan shilalka habeenkii wadooyinkaas ka dhaca. sida oo kale ciidanka nabadgalyada wadooyinka ayaa ay ishaarooyinkani ka dul qaadi doonan culayska kala hagida aan kala joogsiga lahayn ee gaadiidka.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland