DHARAARO XASUUSTOOD: “Waxa aan la yaaban ahay Soomaliland-ta aniga oo sagaashan jir ihi rajada ka sugayo ee labaatan jirkiina aanu rajo ka sugayn”

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 15aad

Saddex boqol iyo siddeetan habeen oo

sedkaa yahay sabool sugi anse kugu simay

 

Labaatan sanno waqti laga joogo ayaa Xaaji Cabdikariim Xuseen yidhi; “Waxa aan la yaaban ahay Soomaliland-ta aniga oo sagaashan jir ihi rajada ka sugayo ee labaatan jirkiina aanu rajo ka sugayn.” Taasi waxay ahayd markii la isku dhexyaacay ee iska horimaadadu ka dhaceen Hargeysa. Illaahay carabkiisii ayuu u qaaday oo waa kaa weli talinaya ee uu soo gaadhay daarihii Dubai laga dhisi jiray kuwa la mid ah ee laga dhisayo Hargeysa.

Sannadkii 1998-kii ayaa Koox Haween ah oo xafiisyada Kongaraska (Congress) Dalka Maraykanka ka shaqeeya booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa. Waqtigaas qoladan xag-jirka ihi awood badan carriga kuma lahayn. Xafladdii loogu qabtay Hargeysa Club ayaa waxa ka hadlay Mudane Xaaji Cabdikariin Xueen (Xaaji Cabdi Waraabe) oo yidhi; “Mar haddii Dawladdii Maraykan ay dumarkeedii u soo dirtay Somaliland waa na ictiraaftay.” Aad ayaa lugu sacabiyey oo lagu qoslay hadalkaas sarbeebta ah ee Xaajiga.

Dhaqanka Soomaalida ee ku dhisan xurmaynta iyo dhawridda Dumarka iyo Carruurta, iyaga oo loo haysto inay dad jilicsan yihiin, ayuu ka tarjumayey Xaaqjigu. Waa tii Nin Gabayaa ahi uu yidhi markuu ka yaabay falalkii Daraawiishta ee Maxamed Cabdulle Xasan hogaaminayey; Muslinimo ninkaan kugu dhaqayn muuminimo khaas,

Gaal xamasta kuu dhawra oo aad magansata dhaama.

Waxase jirta in dalalka Hanti-goosdka ihi waxa ay ictiraafaan meesha hantidooda ay geliyaan ee ay wax ka dheefayaan ama filayaan inay wax ka dheefidoonaan. Xaq ayaan u leeyahay iyo sharciga ayaa dhigaya ee ha la ictiraafo, ictiraafaan kuma yimaaddo. Sheekadu waa maxaa kaa dhaca oo lagaa istafiidayaa?

Sidaa darted, Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waa inay markasta ku dhisan tahay dano dhaqaale, markii ay ku soo maalgashadaan shirkadaha Reer Galbeedku ee macaan jecelta iyo dilaalintu kugu soo badato, waxa soo dhowaanaya ictiraafka qolada macaan jecelta ah ee dunida xukuma.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ah nin waqti badan ka soo shaqeeyay Baanka Horomarinta Afrika (African Development Bank) oo soo arkay sida hantida iyo dhaqaaluhu u maamusho siyaasadaha adDuunka ayaa waxa uu gar-waaqsaday in Somaliland siyaasadeeda dibeddu u baahan tahay inay ka duusho raadinta maalgashiga hantiilayaasha dalalka macaan jeclta ah ee ku soo xooma meesha ay dhadhan ku arkaan.

Soddan sanno kadib, tiradeeda Dadweynaha Afrika ku nooli waxay ka badanaysaa , tirada dadka ku nool Shiinaha iyo Hindiya oo la isku daray, taas oo ka dhigaysaa qaaradda ugu dhaqaalaha badan ee ugu horomarsan. Dalka Itoobiya ee aan jaarka nahay waxa tirada dadweynahiisu noqonaysaa laba boqol oo milyan oo dhaqaale leh.

Waxay u baahan doonaan toban dekadood oo Djibouti le’eg, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in xeebtan dheer ee gaajada hadda loogu bakhtiyo ee laga qaxay in dekaddo aan ka dhisno.

Dhawr Berbera ayaa loo baahan yahay oo aan dhisi karnaa haddii aan la kaashanno hantiilayaasha lacagta baananku u furan yihiin ee amaahan karaya, xataa waa in aynu ka fekernaa meelo xeebaha ah oo la kireeyaa boqol sanno si loo dhiso sidii Hong Kong oo kale. Tuugsigii iyo baryadii waa dhamaatay, sadaqada waxa la socda “adeeg alla”.  Hadda dunida la isguma hiisho “Tol- la’yeey iyo yaa muslimow”, waxa la isku raacaa dano dhaqaale oo la isku ictiraafaa.

Waxa yididiilo leh toddobada shirkadood ee Shidaalka sahaminaya ee inoo yimid . Waxa mahad ku lehi labada muwaadin ee qorbajoogta ah ee soo dabay ama soo jilaabay shirkadahaas waaweyn. Weligeedba dilaal waa jiray, haddii ay dhadhamo ka heleen oo wax ka riteen Khawaajayaasha raganimo dheh ee yaan lagu hinaasin oo dhaqaalaha weyn ee soo socda ee la filayo yaan laga hortegin.

Nabsigii waxa uu u soo jeedaa bari oo shidaalka laga baadhayaa, dhaaxo ayaan galbeed u soo soconay oo magacyo kula baxnay oo bari laga dayriyey bal mar aan raaxada togdheer iyo saraar aan u hadhno, oo dhaanka xodayo aan ka raysano , oo xaraf iyo Hargeysana ha ina daayeen. Ha la soo dhoweeyo sahamintaas shidaalka iyo cidda wadda iyada ayaa ictiraaf ku dhan yahay.

Sharciga “Production Sharing” ee lala galo shirkadaha shidaalka soo saara waa kii Soomaaliya loo sameeyey lixdandii. Waxa gacanta ku hayey oo sameeyey UNDP. Axmed Maxamed Biixi oo ka shaqayn jiray xafiiskaas oo geologist ah ayaa Dawladdii Cigaal noqday Wasiirka Macdanta, sidaa darteed heshiiskii ayuu keenay oo uu ku dabaqay Somaliland oo Golaha Wasiirradda laga dooday oo loo ansixiyey. Ogaanshahay sharcigaas ayaa lala gelijiray shirkadaha marar aan ka qaybgaly heshiiyada oo aan wax ka saxeexay aniga oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland.

Nuxurkiisu waxa uu dhigayaa marka la soo saaro shidaalka ee kharashkii ku baxay laga jaro, saafiga soo hadha boqolkiiba konton iyo kow (51%) waxa yeelanaysa Dawladda, boqolkiiba afartan iyo sagaal waxa yeelanaya shirkadda. Waxa kale oo dawladdu ku leedahay cashuur marka la dhoofinayo. Waxa lagu qiyaasaa in foostadii saliidda ceedhiin ah ee dhulka laga soo saaro ay ku baxdo shan iyo toban doolar (15$).

Maanta barmiiilka ama foostada saliidda ceedhiin ihi waxa uu suuqyada aduunka ka joogaa boqol dooolar (100$), haddii laga jaro kharshka waxa soo hadhaya (100-15=85$), taas oo la kala qaybsanayo sida heshiisku dhigayo. Waxay Dawladdu yeelanysaa ugu dhowaan $43 barmiilkiiba (Foostadiiba) iyo cashuurtii oo u dheer.

Akhristaw bal yara riyood oo waxad ka soo qaadaa in Somaliland ay maalintiiba soo saarto (300,000 foosto) waa inta Yemeni soo saari jirtay 300,000X365X43=4708500000 ku dhowaansho waa 4 bilyan oo dollar, hadda waxa miisaaniyadda aan isku xagxagnaa waaboqol iyo konton milyan . War bal eeg inta u dhexaysaa.

Muxuu yidhi Marxuun Axmed Mooge ee aanu isku fasalka ahay Reece School (isaga iyo Axmed Gacaytii iyo Maxamed Ismaaciil Abu Raas), heestiisa aan jeclaa markan dhegaha qabay: “Aan ka raysto hawshee maad i raacday” Waar aan iska reebno dacaskee oo ka doogsanee ma isdejinaa!!!!!!