Dhaqan Gal La’aanta Xeerka Bangiga Dhexe Ee Somaliland Ma Waxa Lala Sugayaa Hanaqaadka Bangiga Dhexe Ee Somalia? – W/Q: Mohamed Dahir (Hiiliye)

hiiliyeQAYBTII KOOWAAD

Waxa aan hore oogaga hadlay intiinii la socotay arrimo gundhig u ah dhisida bangiga dhexe ee Somaliland maqaalkii cinwaankiisu ahaa “MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOO DHISO BANGIGA DHEXE IYO BANGIYADA QANACSIGA  SOMALILAND?”.  Hadii aad ku qorto googleka cinwaankana waxa aad ka helaysaa mareegaha internadka.

Maqaalkan waxa aan rabaa in aan ku iftiimiyo sharciga bangiga dhexe oo Madaxwaynuhu saxeexay 12 April 2012,oo imika laga joogo sanad buuxa,balse aan la dhaqan galin. Waxa aan si gaar ah uugu eegi doonaa arrimaha loo sibirsaarayo dhaqangal la’aantiisa iyo waliba awoodaha iyo madaxbanaanida uu siiyay xeerkani bangiga dhexe.

Waxa kale oo aan ku eegi doonaa maqaalkan saamaynta uu ku yeelan karo bangiga dhexe ee Somalia iyo lacagta uu soo daabacanayaa lacagta Somaliland iyo bangiga dhexe ee Somaliland,anigoo waliba si gaar ah  diirada u saari doona aqoonsiga IMF ee bangiga dhexe ee Somalia iyo sidoo kale  heshiisyada cusub ee  Somaliland iyo Somalia dhex maray iyo kuwa mustaqbalka dhaw la filayo in ay dhexmaraan.

XEERKA BANGIGA DHEXE: XEER LR.54/2012

Xeerkan waxa uu saxeexay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane, Axmed Maxamed Maxamud Siillanyo 12 April 2012,oo imika laga joogo sanad iyo saddex maalmood,nasiib daro se aan la dhaqan galin.Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 139 qodob,oo hadii la hirgalin lahaa ka dhigi lahaa bangiga dhexe bangi dhexe oo rasmi  ah  (The bank of last resort)  halka uu imika ka yahay khasnad dawladeed,oo lacagta lagu xareeyo lagana soo saaro,oo haba yaraatee aan saamayn kale lahayn.

QAAB-DHISMEEDKA IMIKA BANGIGU KU HAWL GALO

Wakhti xaadirkan qaab-dhismeedka bangigu waa gudoomiye,ku xigeen,iyo agaasime guud. Dhab ahaana waxa shaqeeya gudoomiyaha iyo agaasimaha guud,oo aanay si cid ugu kala qeexnayn shaqadu,kuna kala awood sareeya kolba kooga ka agdhaw madaxtooyada. Ta kasii khatarsani waxa weeyi ayaa iyaga ka sii sareeya oo dusha ka eega oo aan ahayn siyaasiyiin balse ah dad aqoon,khibrad iyo dhexdhexaadnimo leh?,jawaabtu waxa weeyi ma jiraan cid dusha ka hagta oo leh astaamahaa aynu soo sheegnay,balse waxa haga maamulka madaxtooyada oo inta badan sida caadadu tahay dhinaca siyaasada wax ka eega,ayna dhici karto in ayna haysan dad aqoon gaar ah u leh milgaha maamulka bangiyada iyo maaliyada.

QAAB-DHISMEEDKA XEER LR.54 DHIGAYO

Sida uu dhigayo qodobka todobaad ee xeerkani,qaab dhismeedka Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu ka koobnaanayaa:

  1. Guddiga agaasinka (board of directers) oo ah unuga ugu sareeya ee siyaasadeed samaynta iyo go’aan qaadashada.
  2. Gudoomiye, kaas oo u xil saaran maaraynta iyo hogaaminta guud ee Baanka Somaliland.
  3. Gudoomiye ku xigeen iyo agaasime guud oo masuul ka ah socod siinta hawl maalmeedka.
  4. Saraakiisha iyo shaqaalaha kale.

Hadaba,suaasha iswaydiinta lehi waxa weeyi maxaa loo dhisi waayay guddiga agaasinka (board of directors)?,maxaa lala sugayaa?,waayo waa talaabada uugu horaysa ee muujinaysa in diyaar loo yahay iyo in kale in bangiga dhexe dhismo,ka dibna ay dalka ka hirgalaan bangiyada qanacsigu.

LA SOCO QAYBAHA KALE

By: Mohammed Dahir Ahmed (Hiilliye)

Certified Chartered Accountant (ACCA)

M_ddahir1@yahoo.co.uk