Dhaqaale Burburka , Qabyaalada Iyo Kala Qaybsanaanta Ururada Siyaasadu Keeneen Waxa Sababteeda Leh Xukuumadda Madaxweyne Ahmed Siilaanyo

–    Maxa Siyaasiyinta Somaliland Kala Kaxeeyay ee waxano URUR ah lo furtay ?

–   Ma Jirta wax fikir siyaasaded ah oo u dhaxeeya Madaxda URARADA ?

–  Ma odhan karna Waxa kaliya ee u dhexeeya Siyaasiyinta Somaliland ee Ururada furatay wa QABIILKA iyo Gobolada ay Kaso jeedaan?

–  Ma aragtay URUR Barnaamijkisu sheegayo Dabaqada kala duwan ee bulshada tu taageeri doono sida , DABAQADA HOOSE , DABAQADA DHEXE , DABAQADA SARE ?

–   Ma Aragtay URUR siyaasadisa Gudaha ku cadeyay Inu QAXOONTIYADA Dalka ka Saari Doono ama u DAYN DOONO ?

–  Ma Aragtay URUR barnaamijkiisa Siyaasada Arimaha Dibada ku cadeeyay Reer Galbeedka iyo Bariga fog midka u ku xidhan doono ama ku xidhan yahay ?

Dhaman Suaalaha waxan Odhan kara MAYA maynaan Arag ! Balse waxaynu Ku kala tagersanahay DANO GAARA iyo QABYAALAD

BALSE Waxaynu Aragnay !

–          Dhaqaalaha Wanu KOBCIN DOONA

–          Waxbarashda wanu tayayn Doona

–          Musuqmasuqa ayaanu la dagaalami

–          ICTIRAAF baanu raadin wadooyin badana wanu mari

–          XALADA gobolada Bari si gaara banu u eegi doona

–          Shaqo abuur baanu samayn doona

–          Haweenka ayaanu Siyaasada ka qayb galin dona IWM-

HADABA Si aynu arimahan u waajahno inagoo ah Muwadiniin isku wax doonaysa waxa is waydiin leh . Yaa furay URURADA , Maxase Lo Furay ? Ma Bulshada Dalbatay ? Maxa manta Dhalinyaradeni Qabyaalada u kala qaybiyay ? Yaa iska leh masuuliyada waxan dhacay?

MA ODHAN KARNO umaddaa dalbatay in URURO la furo balse waxa dalbaday oo heshiis kula galay AHMED SIILAANYO  , Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi . dantoodiina lo fuli .

Waxaynu si dhaba Uga Dharagsanahay Qaab Dhismeed ka URURADA manta wadanka ka JIRA dhamaantood oo aan odhan karo marka Marada laga faydo wa qaar ku Dhisan QABYAALAD CAD , Taana waxan dhaliisheeda huwinaya MADAXWEYNE SIILAANYO ama Xukuumada Manta Talada Dalka Haysa ee uu Hogaamiyo Mr Siilaanyo

Sida aynu la wada socono waxa Dalka Ka jira Tiro URURO Siyaasadeed kuwaso dhamaantood u dhisan Qaab iskaashi Qabiil ama Siyaasiyin Kala Deegaan ah waxse ku heshiis ah –

Waxan Odhan kara Halka aynu manta marayna wa halkii aynu maraynay Dhamaadkii SANADKII 2000 oo ahayd wakhti Siyaasiyiintu ku howla naayeen Furasho Ururo Siyaasaded balse marka si dhaba loo eego dhamantood aha Qaar ku DHisan Hab QABIIL .

In ka badan Toban Sano ka bacdi waxa URURADII dib u furay Xukuumada AHMED SIILAANYO Iyado heshiis kula gashay Siyaasiyin ay ka mid ahaayeen Mohamed Xaashi Iyo Dr Gaboose Xiligii Mucaaradnimada , Hadaba ka dib Guushi Xisbigii KULMIYE markii ay Talada dalku gashay gacanta Ahmed Siilaanyo , wuxu madaxwaynuhu soo dhisay Golahiisii Wasiirada isago u magacaabay Dr-Gaboose inu noqdo Wasiirka Arimaha Gudaha – waxay  arinta magacaabista Gaboose qayb laxaad leh ka qaadatay furista URURADA Siyaasada , Ka dib marki madaxwaynuhu u saaray Gudi kaso talo bixisa Arinta furista Ururada waxaynu dhamaanteen la socona in arinta furista ay diideen dadkii aqoonta laha badankoodu iyo ardayda jaamacadaha Dalka .

Waxase ta badalkeedii ogolaaday dad marba meel lagu uruurinayay kuwaso an odhan karo waxa Qaybta ugu wayn laha wasiirka Arimaha Gudaha wakhtiga Dr Gaboose madama uu rabay inu Geed dheer iyo Geed gaban ba u fuulo furashada URUR Siyaasaded , wuxu wasiirku amar siinaayay Badhasaabada Gobolada isago laha dadka lala kulmayo si Diyaariya ,

For Example Burco markii ay marayeen Gudigu waxay la kulmeen dad laga sii shaqeeyay oo dhamaantood ogolaaday dadkaasi waxay ahaayeen Hal Xaafad oo Burca iyado anay ka war qabin haba yaraate magaalada badankeedu Taasina u muuqatay wax laga sii shaqeeyay .

Hadaba isku so wada Duubo FURASHADA URURADA SIYAASADU waxay dhawaceen Hab dhaqankii Siyaasiyiinta Somaliland Iyagoo manta u kala fadhiya QABIIL QABIIL .

Waxa Tusaale inoogu filan Daraad wad ogayden Siyaasiyiintii UDUB waxay la kala safteen si badheedh ah oo qabyaalada URUR ka WADANI iyo XAQSOOR , kuwa badan oo horena way kasi Horeeyeen .

Waxaso dhibaato iyo dhaqaale BURBUR ah waxan odhan kara waxa sababteeda laha Madaxweyne Siilaanyo oo danta iyo ilaalinta hantida Muwaadinka Dhaafiyay uun sidu u Qancin laha GABOOSE iyo team kiisi la aminsana Furashada Ururada Siyaasada .

Isku so wada duubo kala baahsanaanta iyo Qabyaalada Bulshada Dhexdeeda taala waxay gaadhay heer anay gaadhin toban ki sanadood ee u danbeeyay . wana mid ay adagtahay in la xaliyo waxad la socotaan halka ay ku danbeeyen SIYAASIYINTI URURADI la reebay Qaarkood oo an maqlaayay XAMAR bay aadeen

Maynaan maqal in siyaasi madaxtinimo uso istaagay oo xamar ka dagay manta ka hor marka laga yimaado Sagaashamaadkii , waxan odhan laha Bulshadu ha ahaato mid ka dharagsan waxa jira iyo cida sababteeda leh ,

Ma jirto wax mowqif siyaasaded ah oo u dhaxeeya ragan manta ordaaya kaliya waxa u dhaxeeya ban odhan kara wa “ IIGA SO DAG MARKAYGA” ma jiro Hal URUR siyaasaded oo kuwa kale ka manhaj duwan ma jiro mid qudha oo left ama right side – ah dhamaantood waa

BIYAHAAN WAX KA QABAN

WAXBARASHADAN WAX KA QABAN

DHAQAALAHAAN KOBCIN

MUSUQMASUQAN LA DAGAALAMI

Iyo wax la hal maala ma odhan karno wa siyaasiyin kala fikir duwan kaliya waxa different ka u ahi waa QABIILKA iyo DEEGAANKA ay ka kala yimaadeen HIMILADA ugu way ee an odhan karo way leyihina wa “IIGA SO DAG MARKAYGA “ oo ah ana aan KURSIGA KARO .

Waxan kuso gabagabayn laha oo an odhan laha MUWADIN u fiirso Dunida Ururada ama Asxaabta Siyaasadu ka shaqayso , waxay asxaabta caalamku ku kala duwan yihin , Baarnaamij Siyaasadedka waxay ku kala aragti duwan yihin Siyaasada Gudaha iyo dibada , for Example .

URURADA Siyaasada Caalamku Qaarkood waxay awooda saran oo taageeraan dadka FUQURADA AH qaarkood waxay Taageran SHAQAALAHA  Halka kuwa kalena tageeraan TIJAARTA , waxay ku kala aragti duwan yihin Siyaasada Gudaha , Qaarkood Qaxoontiga way so dhaweeyaan Halka Qaarkood na ay ka Faquuqaan , waxay ku kala duwan yihin Siyaasada DIBADA Qaarkood waxay la xidhan Reer Galbeedka Halka Qaarkood na ku Xidhan Reer Bariga Fog ama Russia ,

Iskuso wada duubo fadlan marna ma is waydiisay maxa Siyasiyintan kala kaxeeyay ?

Waxa kala kaxeeyay ee waxano URURADAN lo furtay 99% wa Qabyaalad iyo Damac Shaqsi Ku Kooban .

By: Mohamed Ahmed

Hargeisa/Somaliland