Dhankee loo socdaa: kor mise hoos?

21 Juun, 2015, oo ahayd maalin Axad ah, ayaanu soo gaadhnay madaarka caalamiga ah ee Cigaal. Hanfigii u darnaa martida Jabuuti ku cusub, ayaan kaga maydhay hawadii sankayga, sambabkayga iyo jidhkaygaba ay aad isu yaqaaneen ee Hargaysa. 3:35 galabnimo ayey diyaaraddu ka maarantay baalasheedii ay daruuraha ku soo kala jeexaysay oo ay taayaradeedii u laabnaa la soo baxday kuna socotay. Wax yar kadibna, annaga ayaa kuraastii dabadu nagu daashay ka sara joogsannay oo cagahayaga ku soconnay. Gudaha markii aannu u soo gudubnay ayaa naruuro hor lihi i saaqday. Halkan ma joogto inantii shaadhka iyo surwaalka xidhnayd ee madaarka Jabuuti aan ku soo arkay. Waxa jooga dumar asturan oo Soomaalinimo ka muuqato.

Shandadaha oo yara raagay ayaa shan iyo toban illaa labaatan daqiiqo igu qasbay in aan ku sii jiro gudaha madaarka ay ka muuqato aqoonsi la’aanta waddankiisa haysataa. Anigoo u samir daran sidii gabadh uu albaabka guriga soo garaacay saygeedii oo aanay sannado badan is arag, oo sugi kari la inta ay ka furayso, ayaan hal-haleel uga soo booday irridda yar ee aan labada qof isku waydaaran karin. Indhahii dadaalka badan sameeyey, laakiin iminka guul-darradu soo waajahday, ayaa ilmadu isa soo tubtay xirribaha hoostooda. Waxa ay arkaan shaqsi ay u busayleen waxa badan. Waa hooyaday Khadra Cumar Xasan. Waxaan la yaabay isbeddelka sidan oo dhan u ballaadhan ee ka muuqda wajigeeda. Runtii aad ayay isu beddeshay. Wuxuu gabaw ka muuqdaa foolkeeda; labada daan iyo cadka ka soo foorarsaday labada indhood hoostoodu ha ugu badnaadeene. Waxaa kaloo joogay xubno ka mid ah qoyskayga. In yar ka dib waxaa albaabka ka soo galay ashkhaas isugu jiray bahda Hiil Qalin iyo asxaab kale. Qaar ka mid ah asxaabtaa, waa markii koowaad ee aannu is arkayno, walaw aannu hawada iska naqaannay.

Shafka ayaanu isku cam-caminay, si aannu u bogsiinno ama u sii carinno cuncunka gudaha laabta naga soo haraaciyaya ee xiisaha ku magacaaban. Inkasta oo uu igu lammaanaa warwarkii aan diyaaradda kala soo raacay magaaladii aan ku noolaa, haddana daqiiqadahani waxay iga dejiyeen culays nafsadeed oo dhuunta ii galay. Dareenkaas caynba-caynka ah aniga oo ku sugan, ayay asxaabtu iga codsatay in aan la galo sawirro ay doonayaan in ku muujiyaan sida baxsan ee ay ii soo dhaweeyeen. Qosol aan si awood sheegasho ah ugaga soo saaray baradiisii, ayaan iska raadiyey. Waxaan se galay digtooni aan cidi ii dirsan aniguna aanan codsan, dibintayda sarane, wax daaray mooyee, way bood-boodaysay. Sawirradaa dacaayadoodu markasta way igu soo noqnoqonaysay.

Advertisement

Wax yar ka dib ayaanu soo qaadnay jidka madaarka ka soo baxa ee magaalada soo aada. Waxa aanu toos u soo abbaarnay dhakhtarka wayn, oo intii hore oo dhan shaki igaga jiray in aan nabad ku gaadhi doono. Jidka wayn ee dhakhtarka iyo madaxtooyada hor mara, baabuurtu hal dhan ayay u wada susumaysaa; dhanka galbeed. Mar kale ayaan hal-haleel ku soo galay qaybta gargaarka degdegga ee dhakhtarka wayn. Waxaa yaalla aabbahay oo faalig kaga yuurursaday qaybta bidix. Waxba uma dhaxayn markii aannu dhaayaha isku dhufannay iyo kolkii isaga ilmadu ka soo boodday indhihiisa. Wadhi ku raacday adduunyooy, aabbahay oo ordaya ayaan afar sano iyo badh ka hor kaga tagay Hargaysa, maanta waa kaa hortayda gaylaansan sidii libaax gamuun oofaha ka tumaatiyey.

Caafimaad iyo nolol toona u maan sidine, markii aan dhunkasho qalbi qaboojin ah madaxa, dhoofarrada iyo dhabannada ku murxiyey, ayaanu isaga afur doonannay guriga oo ku yaalla xaafadda Sheekh Madar. Dalka waxa aan tagay ramadaanta oo afar casho la sooman yahay. Dhulkani, waa meeshii aan ku soo barbaaray oo si kale maanta ii la muuqda. Wax yar kadib ayay, sidii caadada ahayd, hal mar masaajiddadu isla oogsadeen eedaankii ruuxda beer qaadayey isku eryeen. Imisa sanno ayaanan arag intaas oo masaajid oo mar wada eedaama? Dadka magaalada joogaa eedaanka waxa ay ugu faraxsanaayeen in cuntadii loo fasaxay, laakiin aniga gaajo kale ayaa i haysay oo dareenkaygu gaar ayuu ahaa. Hadda ayaan yaqiinsaday in aan joogo Hargaysa, magaaladii sida dumarka loo ammaani jiray.

Waxaan doonayaa in aan kaaga sheekeyo Hargaysa oo joogta sannadka 2015. Maxaad ka filaysaa? Allaw khayr ka dhig.

Bulshada iyo xaaladdeeda

Dhammaadkii 2011-kii, ayaan qoray qormo aan ugu magaca daray Midhihii Curdinka Ahaa. Waddanka Yugaandha ayaan markaas ka soo noqday, ka dib waxbarasho aan halkaa ku qaadanayey. Waagaas ayaan sheegay balaayo iyo badhaadhe soo labanlagdoonaya. Badhaadhihii gaabis ayaa maanta ka muuqday, laakiin balaayadii waxay saaran tahay faras heenyeysan. Dadku sidii ayey u cabanayaan. Qaar cabasho aan daw ahayn ayey u cabanayaan cid aanay daw ugu lahayn. Qaar kale, waxa ay ka cabanayaan garanmaayaan, waayo dhibta iyo meesha ay ka imanayso toona ma yaqaannaan in ay fahmaana diyaar uma aha. Dhismayaal qurux badan ayaa Hargaysa ku soo kordhay. Dhismayaasha gaarka loo leeyahay ayaa ugu wacdaro badan, sida mar kastaba qaalibka ah. Wasaaradaha iyo xafiisyada dawladda, bilic ka dhalatay maalgalin lagu sameeyey, ayaa ka muuqata. Sidii ayaa jaamacadaha, kulliyadaha iyo aqoonyahanka soo baxayaaba u sii badanayaan. Waxaa xusid mudan, in kulliyadaha ama maadooyinka dalka iminka laga helaa aad u soo badanayaan, halkii markii hore ganacsiga iyo koombuyuutarrada uun lagu qamaami jiray.

Waddooyin qiimo ugu fadhiya magaaladan si walba u taagta daran, ayaa meelo badan laga hirgaliyey. Mahadda ugu badan waddooyinkaa cusub dadwaynaha ayaa iska leh, oo qarashka bixiyey. Soomaalida waxa lagu sheegaa dad ganacsigu dhiiggooda raacay. Haddana, kolka aad eegto sida loo ganacsanayo, sida ganacsiga iyo xirfaddiisa looga faramadhan yahay ayaad arkaysaa xidh-xidhnaanta cuquusha dadka. Qof haddii uu keeno raashin, laga fikiri maayo raashinkaa wixii lagu dari lahaa iyo weelkii lagu cuni lahaa keenistooda, ee raashinkii ayaa la soo wada miisanayaa. Waxa maqan hal-abuur ganacasi, ama waxa afka carbeed lagu yidhaahdo “ikhtiraac”.

Taksigu, waa adeegga ku cusub Hargaysa. Aad ayaa tagaasidaa loogu reeyey, xagga isu socodka, ilaalinta waqtiga iyo degdegsiimaha wax-soo-saarka qofka. Laakiin waxaa war ka taagan yahay, in magaaladuba wada tagsiilayaal noqotay. Iyada oo ay sidaa tahay, ayey nidaam-darro baahsan, badawnimo, xilkasnimo-la’aan iyo maxaa iga galay, ka taagan tahay jid-marista Hargaysa. Dadka, xoolaha iyo baaburtu waxa ay isu dhex qaadayaan si fawdo ah. Dhab ahaantii, mararka qaar, in aad Hawd guntii joogto iyo in aad Hargaysa joogto kala garan maysid. Jaahwareerka sidaas ah, ayey xukuumadduna kol-kol ugu sii dartaa dawakhaad madaxuba la sii go’o. Wasiirka arrimaha guduhu, iyada oo shaqadiisu arrimaha gudaha iyo nabadgelyo tahay, ayuu shaqadii dawladda hoose ama hawshii maayarnimo isku qaaday. Waddada badhtamaha magaalada marta, ayuu amray in ay hal jid noqoto oo baabuurtu galbeed u wada socoto. Maayarkuna maalmo ka dib, ayuu qaaday tallaabo lagu macnayn karo ‘wasiirku wuu iska cayaarayaaye, dhanka kale (bari) u wada socda’, dadkuna labada jeerba amarka way u hoggaansameen. Tani waxa ay caddaynaysaa, dadku in ay dawladnimada oggol yihiin, amar in ay qaataanna diyaar u yihiin, laakiin aan madax iyo mijo toona loo bislayn.

Doorkan, in aan anigu dhan ka rararanahay iyo, in wixii aan soo arkay dhan ka rarnaayeen, ayaan kala garan waayey. Quruxda iyo manfaca waddooyinkaa aan soo sheegay, waxa ku hoos lammaan qaddar-jab iyo cimri gaabni. Maalinta uu roob da’o, jidadkaasi waxa ay noqdaan wada bohol, hareerahana way ka soo fagmaan. Dhaqaalaha, agabka, wakhtiga iyo farsamada la galiyeyba waxa ka muuqda hagrasho badan. Dadka waxa lagu beerlaxawsadaa; aqoonsi ma haysanno oo awooddeennu waxaa inoo wada saamixi mayso. Xafiisyada dawladda ee quruxda badan, gudahooda marka aad gasho, nidaam darro, musuqmaasuq iyo tacajab badan ayaad ugu tagi. Wax kastaaba waji, garasho iyo reernimo ayey ku xidhan yihiin. Dadku, sida ay u dhan yihiin, ama 90%, waxa ay ka shaqeeyaan hal kambani; waa siyaasad. Waxaa u xafiis ah meeshii lagu kulma iyo goortii la kulmo. Ajandaheeda lama yaqaan meel uu ka bilaabmay, meel uu ku dhammaan doono ama ku waajahan yahayna cidi ma oga. Xaalku waa jaantaa rogan. Mararka qaar, waxaad mooddaysa arrin laga shaqeeyey oo muxaafad iyo mucaaridba heshiis lagu yahay in dadka waxaa lagu jaanjaamiyo oo maskaxda laga qabsado.

Kumaankun arday ayaa dugsiyada sare sannad kasta ka baxa. Kummanaan ka mid ah kumaakunkaas, ayaa awood u hela in ay jaamacad galaan, xagga dhaqaalaha awgii. Intaa gashay, intii hore uga jirtay iyo intii mar hore ka qalin jabisayba, suuqa ayey tuban yihiin, sidii adhi furuq galay, illayn qorshe shaqo-abuur oo loo sii diyaariyey ma jirine. Tobankii qof ee reer Hargaysa ah, gaar ahaan dhallinta, sagaal ka mid ah ayaa ka fikiraya sidii ay waddanka uga firdhan lahaayeen ee u tahriibi lahaayeen. Inta ka badbadinaysa ee kibirku wado ee aan shaqo la’aan iyo nolol xumo wadin, iyo inta khaatiga taagan ee ay ka dhab tahay, way is leeg yihiin. Arrimahaas dawladdu waxa ay kaga jawaabta in ay qurba-joogta xaflado la isku arkay u qabato oo ku maamuusto, ololaheeda taageero-raadinta ahna ka dhex wadato.

Marka aan kiiska la iska waalayn, si caafimaad qabtana wax loo eego, dawladdani way ka wax qabad badan tahay kuwii ka horreeyey. Sidaas oo kale, ayey mar kalena, uga balo iyo shar badan tahay. Iyada oo dadku u kala qaybsanaayeen garab muxaafidnimada dawladda la miyir beelay iyo koox mucaaridnimadu illaa dhuuxa socotay, ayaan maalin la kulmay nin oday ah. Wada-sheekaysigayaga oo dheeraa, laba qodob ayaan midna soo hubiyey jiritaankiisa, ka kalena aan dadwaynaha u daynayaa soo xaqiijintiisa. Ka hore, wuxuu quseeyey waxbarashada, gaar ahaan dugsiyada hoose/dhexe. Saddex carruur ahi in ay iskuulka dawladda u dhigtaan ayuu ii sheegay. Dugsiyada hoose/dhexe waxay ka mid yihiin waxyaabaha dawladdu lacag la’aanta ka dhigtay, isla markaana ku faanto. Wixii xukuumadi qabato xaq ayey u leedahay in ay ku tar sheegato, inkastoo marka horeba ay ahayd waajib lagu lahaa. Intii aan bilaashka laga dhigin, ninkani, saddexdiisa carruurta ah, toban kun oo shilin ayuu ka bixin jiray, midkiiba. Waxaa dhabanna-hays igu noqday, markii uu yidhi, saddexda carruurta ah maanta midkiiba waxaan ka bixiyaa afar iyo tobankun oo shilin, isla iskuulkiina way dhigtaan. Marka uu sidan i lee yahay, wuxuu ii caddaynayey in aan waxba ka jirin warka sheegay in dugsiyada hoose/dhexe bilaash yihiin. Aniga oo la amakaagsan midhkaas, ayaan dib ugula noqday qoyskaygii. Wiil yar oo fasalka 7-aad dhigta ayaa jira. Isaga iyo qoyskuba waxa ay ii caddeyeen, in bil kasta laga bixiyo saddex iyo tobankun oo shilin. Dugsiyada dawladda mid ka mid ah, ayuu wiilku dhigtaa. Arrinkaasi haddii uu sidaa ku rumoobo, arrimo badan oo wax qabadka dawladda lagu tirinayo ayaa u baahanaya in hoos loo hubiyo.

Qodobka kale, ee ninku ii sheegay waxa uu ahaa, in dawladdu abuurayso dabaqad dadka oo dhan ka nolol iyo awood sarraysa. Waxa uu daliishaday, oo tusaalayaal badan u soo qaatay, ganacsiyada, mashaariicda, badeecadaha iyo ammuuraha la midka ah ee xukuumaddu siinayso ama kootu ugu xidhayso ashkhaas iyo kooxo gaar ah. Halkan waxa ka dhadhamaysa, in eexda dawladda lagu xamanayo wax ka jiraan.

Biyaha, maceeshadda iyo caafimaadka

Xaafadda New Hargaysa ayaan ku dhashay, Sheekh Madar, oo jaar la ahna, waan ku soo barbaaray. Labadan xaafadood, tusaalayaal soo noqnoqon doona, ayaan kaa siin doonaa. Guri New Hargaysa ku yaalla oo ehelkaygu lee yahay, isla markaana ah kii aan ku dhashay, 2011-kii biyuhu waxay ugu soo dhici jireen habeen-dhaaf. Hadda qasabaddii biyaha gurigaa waxa laga saaray laba sanno ka hor, waayo gongon biyo ahi wuu ka soo dhici waayey. Xaafadda Sheekh Madar, suuqa ayey u dhaw dahay. Halkaas ayuu ku yaallaa gurigayagu. Sida xaafaddaa hore, ayey biyuhu habeen-dhaaf u soo dhici jireen illaa 2011-kii. Hadda shantii habeen, ayey habeen, si Alle og yahay ugu soo dhacaan. Kor iyo hoos, xaggee loo socdaa?

Meel kasta booyad biyood ayaa ordaysa. Arrintaasi ku-talogal iyo farsamo-xumo, labadaba way ku timi. Magaalooyinka bariga, oo Burco ugu horrayso, dadkii ku noolaa iyo reer miyigiiba Hargaysa ayey u soo qaxeen. Dadkaa ku soo qulqulaya iyo kuwa ku dhex dhalanayaaba tiradii dadka caasimadda ku nool kor ayey u qaadeen, dawladduna ilkaha ayey ku daawanaysaa oo qorshe uma ay samayn. Soo farsamo-xumo ma aha? Ku-talagalna wuu jiraayoo, goorta surmiga loogu bakhtiyayo daamaha kale, ayaa xaafadda Jigjiga yarna labada gamcoodba lagu maydhanayaa, oo aan biyuhu marna ka go’in. Sow ku-talogal taasina uma eeka? Dawladdu miyaanay magaalada iyo waddanka oo dhan masuul iyadu ka wada ahayn? Maxaa qaybina oonka ugu go’aysaa qaybina u biyo-batalaqsanayaan?

Nolosha iyo maceeshadda Hargaysi waalli ayey ku sii siqaysaa. Kor-u-kacaas nololeed, waa wax lagu yaqaanno caasimadaha, ceebtoodna ma aha oo waa caadadood, laakiin wixii aan soo arkay, waxa ay ahaayeen dhimo ama noolow – waa yeelkaa. Magaalada saddex dabaqadood ayaa ku nool. Dabaqadda ugu hoosaysaa Ilaahay ayey leedahay. Runtii, ganacsatadu shacabka uma naxdo, dawladduna ka daa ma tidhaahdo. Aan ku siiyo masaal basiid ah. 2011-kii, qiimaha xabbadda yaree cadayga ah, saddex boqol oo shilin (Shl 300) ayuu ahaa, maanta waa kun shilin (Shl 1000). Sixirka cadaygu, isaga ayaa ugu jaban daruuriyaadka dadka, maanta saddex jeer in ka badan ayuu kor u kacay.

Hoosta ayeynu ka soo bilaabaynaa, si aynu kor ugu soconno. Koobka caanaha ahi, saddex kun oo shilin (Shl 3000) ayuu ahaa waagaa, maanta waa lix kun (Shl 6000). 2011-kii, marka aan timajaraha tago, ee si kaalay arag ah gadhka iyo madaxaba la iigu soo xiiro, waxaan bixin jiray tobankun oo shilin ama hal doollar iyo badh (10,000 shl / $ 1.5). Maanta saddex doollar ($ 3) ayaa lagu xiirtaa. Ramadaantii 2011-kii, xabbadda xabxabka/qaraha ah ee wayn, labaatan kun oo shilin (Shl 20,000) ayaa la siin jiray. Ramadaantii dhawayd ee 2015-ka, konton kun oo shilin (Shl 50,000) ayuu ahaa.

Raashinka lagu nool yahay, oo badanaa doollar uun lagu qiimeeyaa, marka haaf-haaf loo miiso, wuxuu ku wareegi jiray saddex iyo toban illaa labaatan doollar ($13 – $ 20). Sannadkaa 2011, shubka sonkorta ahi wuxuu ahaa labaatan doollar ($20) iyo wax ka hooseeya, maanta waa soddon illaa soddon iyo shan ($30 – $35). Shubka bariiska ahi shan iyo toban doollar ($15) ayuu ahaa, maanta waa shan iyo labaatan illaa soddon inta u dhaxaysa ($25 – $30). Shubka daqiiqda ah, oo aan waligii shan iyo toban doollar ($15) kor u dhaafin, maanta waa shan iyo labaatan ($25). Boqol illaa boqol iyo konton doollar ($100 – $150) ayaa halkii qoys raashin ahaan bishii si suququl ah ugu filan, marka halka ugu hoosaysa laga soo qabto.

Nuskiilooga tamaandhada/yaanyada ahi 2011-kii laba kun iyo shan boqol (Shl 2500) ayuu ahaa, maanta waa toddoba kun oo shilin ama hal doollar (Shl 7000). Qoyska aan dabaqadda sare ahayn, tiro ahaanna ka kooban lix illaa siddeed ruux inta u dhaxaysa, maalintii suuqa waxa ay kaga soo adeegtaan konton kun oo shilin (50,000), waxna ugama soo noqdaan. Dad badan guryaha ay ku ay ku nool yihiin kiro ayey ugu jiraan, iyana waa qarash dheeraad ah. Reerka dabaqadda hoose ahi xaggee ayuu ka keenayaa boqol iyo konton doollar oo raashin ah iyo konton kun oo shilin oo maalin kasta ah?

Qof kasta afkiisa waxaa ka soo boodaysa ‘’noloshii way qaaliyawday; Hargaysa laguma sii noolaan karo’’. Dad badan ayaan xataa war isu hayn marka hadalkaasi afkoodka soo baxayo, wareerka oo ku batay dartii. Dadka wixii soo galayey ma kordhin, wixii ka baxayeyna kor mooyee hoos uma soo noqon yaqaan. Gaadiidka dad waynaha, gaar ahaan basaska, qiimihii lagu raacayey waxba kuma soo kordhin, waayo litirka shiidaalka ahi waa halkii doollar ee aan ku ogaa. Laakiin, maadaama iyaga laftooda nolosha magaaladu saamaysay, waxay shaqo-ka-fadhiisin ku sameeyeen kirishboyadii u shaqaynayey. Ninka baska wataa, isaga ayaa dadka lacagta ka urursada.

Sababta dalka i gaysay, sida aan kor ku soo xusay, waxa ay ahayd xanuunka aabbahay. Sidaa awgeed, adeegga caafimaad iyo dhakhaatiirta cidlo ayaanu iska helnay. Dhakhtarka wayn ee Hargaysa, adeeggiisu waa bilaash, laakiin haddii aanad waji ku lahayn ama aanad cid ka garanayn, Ilaahay ayaa kuu maqane iska samir. Qofka oo qudhbaxaya, ayaan cidina sidaa u eegayn, kol haddii aan bukaanka iyo cidda la socota toona la garanayn. Dukaammada, bakhaarrada iyo hudheellada wax laga cuno, waxaa si walba uga mashquul badan farmasiiyada dawooyinka laga iibsado. Ma kala go’o safafka loogu jiraa, dakana 10% qudha ama wax ka yar, ayaa sita waraaqo dhakhtar u soo qoray oo ay dawo ku iibsadaan. Sida nacnaca iyo xanjada, ayaa dawooyinka dadka looga iibiyaa, sharci qabanayaana ma jiro. Sidaas, ayaa waliba Yemen oo ahayd mid ka mid ah suuqyada ugu waawayn ee dawooyinka dhacay laga soo waarido, ay ka socdaan dagaallo, dulmi iyo cuqubo cid laga galay lagu sheegi karo.

2014-kii, ayuu agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku warbixin ka hor akhriyey golaha baarlammaanka. Waa kan hadalkiisii:

‘’lama garanayo inta dawo ee dalka soo gasha. Waxa jira siyaasad la yidhaa ‘’Supply chain management policy’’. Siyaasaddani waxay inoo fududaynaysaa inaynu ogaano Hay’ad kasta cadadka dawo ee dalka soo galiso, waxa loo isticmaalo. Qaar way oggolaadeen oo warqad bay noo soo direen, qaar kalena wali na may oggolaan, waxaanan doonaynaa inaanu ogaanno sannadkii inta dawo ee inna soo gasha, qiimaha intay yihiin iyo sida ay u baxaan. Taasi waa xarumaha dawliga ah, ta private-kuna wuu noo dhiman yahay. Waxa kale oo aannu doonaynaa inaannu samayno ‘’National medicine authority’’. Qoladii xakamaynaysay baadhaysayna daawooyinka tayadooda, waxaanan u magacawnay qof ka shaqeeya xakamaynta dawooyinka kaas oo la shaqayn doona Haya’adaha kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. Waxaanu jecelnahay inaanu gaadhsiino shaybaadho lagu eegayo laguna tijaabinayo daawooyinka Burco iyo Boorama, mana haysano heer caalami shaybaadh lagu eego tayada daawooyinka inta badan. (WHO) Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaanu u dirnaa si ay u soo baadho. Tababarro badan oo shaybaadho ah ayaannu samaynay’’. (qoraalkan oo aan wali la soo daabicin waxa aan ka helay xarrunta baarlammanka).

Waddanka dhan ee intaa leeg, bari illaa galbeed, hal qof oo ka shaqeeya xakamaynta dawooyinka ayaa ku magacaaban. Camalkiisa Alla ha ku abaal mariyee, waagii Siyaad Barre dalka ka arrimin jiray, qofna dawo lagama gadi jirin, haddii aannu warqad dhakhtar soo qoray sidan, waddankuna ma ahayn bahalo galeen wax kasta loo soo waarido. Kor iyo hoos, xaggee loo socdaa? Ma tan baa wixii rag kaadidooda u soo cabbeen?

Balwadaha

Qaadka suuqa ayaa lagu iibiyaa. Halkaas ayaa loo doonan jiray oo laga soo iibsan jiray laguna iibin jiray. 2011-kii, kolayada qaadku, waxa ay u soo siqayeen xagga xaafadaha iyo dhulka la deggen yahay ee aan suuqa ahayn. Sannadkan 2015-ka, laba kollay oo qaad ayaa ka furan xaafaddii Sheekh Madar. Ragga iyo dumarka, siiba dhallinta, qaadka si joogto ah u cuntaa cirka ayey isku sii shareertay. Illaa lix shirkadood ayaa jaadka waddanka maanta soo galiya, dawladduna si fiican ayey u taqaan sida ay cashuurteeda u urursan lahayd. Xarrumaha suuqa iyo kolayada lagu qayilo, qaar ka mid ah waxaa lagu soo kordhiyey adeegga internert-ka oo bilaash ah. Laabtoobkaaga ama moobaylkaaga soo qaado, qaad inta aad doonto iibso, shaaha iyo biyaha fadhiga ayaa laguugu keeni, maalin qudha ha naga maqnaan ee noo kaalay, salliga Nebiga badso (SCW) oo illaa waaberiga qayil, ayaa ka taagan goobo aan indhahayga ku soo arkay.

Annaga oo maqaaxi laga qaxweeyo fadhina, ayuu noo yimi nin dhallinyaro ah. Waa ramadaantii, goor afurkii ka dambaysa. Si wacan ayuu u labbisnaa, lahjadda rasmiga ah ee Hargaysana wuu ku hadlayey. Wuxuu noo sheegay, in uu afuray, laakiin aanu casho iyo suxuurtoona haysan oo caawimo naga doonayo. Anigu jeebkayga gacanta maan galin, wuxuu sheegayo oo aanan rumaysnay darteed. Nimankii ila fadhiyey, jeebkooda wax adduun ah haddiiba ay ka waayeen, ayuu nin nala fadhiyey u sheegay in ZAAD mooyee aanaan googo’ sidan. Degdeg ayuu ula soo booday taleefoon lambar, wuxuuna yidhi halkaa iigu dira ZAAD-ka. Wiilkaa baahi cunto ma hayn, ka mana muuqan, waxa ay u badan tahay in uu qaad doon ahaa oo balwaddu meel walba la gashay.

Guriga ka soo horjeeda gurigayaga, oo jiingad yar ah, khamriga ayaa lagu iibiyaa maanta, hore se looguma aqoon. Caagadda laga cabbo biyaha mooyo-saxada ah, boqol doollar wax ku dhaw ayaa la siiyaa. Maan arag, waxaa se la ii sheegay in xashiishadda lagu dhex iibiyo Hargaysa. Berigii hore, suurogal ma ahayn in nin iyo gabadhi hudheel la seexdo yimaaddaan oo qol ka kiraystaan, iyaga oo aan keenin markhaati caddeeya in ay is qabaan. Nin tagsiile ah, oo aannu isku baranay Hargaysa, ayaa maalin ila soo hadlay. Wuxuu ii sheegay in uu i gayn doono hudheel. Hudheelka, toban doollar ayaa la bixiyaa, dabadeed 24 saacadood ayuu kuu kiraysan yahay. Wuxuu kaloo ii sheegay, in uu laba dumar ah noo soo kaxayn doono, oo sidii la yeeli jiray aannu yeeli doono. Maadaama oo aan qurbe ka imi, ilbax tagay ayuu ii haystay, kalsoonida uu arrinta iigu soo bandhigayna halkaas ayuu ka keenay. Markii aan u sheegay in aan xaas lee yahay oo aanan dhillaysigaa ku gali karayn, ayuu dib iiga fadhiistay oo isku khajilay. Maan rumaysan ninkaas, illaa aan waydiiyey niman aannu isku cayaala iskuul ahaan jirnay, oo ii xaqiijiyey jiritaanka arrintaas. Kor iyo hoos, adiga ayaan kuu dhiibaye, xaggee loo socdaa waa taase?

Qof in aad xorriyadda ka xayuubiso, waxa ay ku xidhan tahay in aad askariga qayb jaad ah siiso, qayb kale oo jaad ah ayuuna xorriyaddiisa ku heli karaa mar kale. Dhallinta habeenkii dadka middiyaha galinaysa ee dariiqyada ku baadhanaysa, ma hayso baahi nololeed. Iimaanka ayaa qoonmay maadaama ay yaraan ku bilaabeen balwadda.

Segegernimada fahanka iyo dhiigbaxa garashada

Fahamkii silloonaa iyo caqliyaddii sawaabnayd ee 1960-kii lagu qaabbilay hannaanka hoggaanka ummadda iyo dawladnimada, ayaa ahayd dalluun dheer oo lagu hoobtay. In hayb iyo reernimo wax lagu kala goosto ama lagu wadaago, waxa ay maanta u muuqataa wax waallida ka darajo liita. Caqliyaddaa maroorsan ayaa meel walba maanta gashay oo lagu boqna go’ay, meel kasta oo Soomaaliyi joogto. Oday dhaqameedka ka saaqiday shaqadii rasmiga ahayd ee uu waligiiba dadka u hayn jiray, waxa uu u muuqdaa mid la soo baxay wajigiisii sharka ahaa ee uu shaqada sheydaan ku qabanayey. Haddii lagu waydiiyo, laba gaadhi oo isku dhacay cidda xaqa u leh ee sharci ahaan ay tahay in ay wax ka qabataa waa ayo? Waa hubaal in aad la soo boodayso ciidmada nabadgelyada waddooyinka ama taraafiga. Hargaysa maanta oday dhaqameedku isaga ayaa ka taraafig ah. Shil baabuur oo dhacay oo aannu isagu dhammayn ma dhammaado, qof gaadhi jiidhay ama la dhacay oo aan isaga loogu yeedhini waa inna waxba ka ma jiraan. Waxaa u dhiman in uu siidhi qaato oo waddada istaago. Laba arday, laba ganacsade, laba siyaasi, laba aqoonyahan iyo laba dumar ahi haddii maanta wax dhex maraan, cidina sharci iyo maxkamad wax uma doonatee, xagga odayaasha ayaa loo ordaa. Salaad aan oday u eedaamin, ka dibna u aqimin, dabadeedna aannu isagu tujini, waa xaaraantii nebi xarrimay in ay ansaxdo.

Cashuurta dawladdu dadka ka qaaddo iyo deeqaha cid kale siisaba, afar meelood uun bay ku baxaan. Mushaharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dawladda, oo iyaga laftooda la sii gacantogaaleeyo, iyo saddex meelood oo qasaare hadoodilan ah. Saddexda meelood waxa ay kala yihiin; wax mucaaridka la iskaga celiyo, waxa odayaasha beelaha lagu shukaansado si dawladdu taageero uga hesho iyo wax jeeb shaqsiyaad gaar ah ku dhaca. Cumaamaddaa, koofiyadda iyo bakooraddaa xadkeeda ka soo talawday, ee seetada goostay, waxa ay ka shaqaynayaan sidii aannu dadku halkaa u dhaafin, inta madaxoodu saan lee yahay. Lixdankii oo reer baadiye la wada ahaa iyo maanta oo aqoon iyo ilabaxnimo la sheeganayo, maanta ayaa laga arag iyo agabba xun yahay. Arradnaanta garasho iyo dhaqangalin la’aanta aqoonta ee Hargaysa daadsani waa mid yaab iyo amakaag leh. Sabab odaygaas iyo siyaasiga ay isku shushubtaan lee yihiin darteed, waxaa la go’aansaday in shar iyo khayrba qabiilku sargooyo wax kasta oo ummadda dhexdeeda yaala. Salaadiintu, inta ay ka shaqaynayaa nabadda iyo isu soo dhawaynta dadka, waxa ay mudan yihiin abaal marin iyo duco wada socota, hase ahaatee su’aashu waxa ay maanta tahay; shaqada dhabta ah ee oday dhaqameedku bulshada u hayaa waa maxay?

Pro. Cabdi Xuseen Gaas, guddoomiyihii Jaamacadda Hargaysa, ayaanu ramadaantii maalin ku wada afurnay gurigayaga. Siyaabo kala duwan ayey u wada shaqeeyaan aniga hooyaday, sidaas darteed ayuu noola afuray ugu yaraan laba jeer, inta aan ka xasuusto. Pro. Gaas, sida uu afkiisa iiga sheegay, dalka waxa uu ka tagay markii uu fasalka siddeedaad ka baxay. Nin yar oo carruur ah ayuu ahaa waagaa. Waxa uu galay Maraykan, dalkana Siyaad Barre ayaa ka talinayey. Muddo ku siman 35 sano ayuu carriga Soomaalida ka maqnaa. Waxa kaloo uu ii sheegay, markii uu dalka imanayey, in uu ahaa qofka maanta i hor fadhiya qof aan ahayn. Qof ku noolaa soddon iyo shan sano dhul nidaam leh, dawlad leh, xeerar iyo sharci lagu dhaqmo oo lagu kala socdo leh, muddadaasna waxbarasho iyo shaqo aqoon ku dhisan hayey, waad sawiran kartaa sida uu maskax ahaan u dhisan yahay. Pro. Gaas, hadal afkiisa ka soo baxay oo aannu reer la socon maqlimaysid; waa wax dabeecad u noqday. Hebelkii reer hebel; heblaayadii reer hebel; kii wasiirka ahaa ee hebel ee reer hebel; agaasimihii reer hebel, wax wada noocaas ah oo aad ka yalaalugoonayso ayaa qaddarkii aannu wada afuraynay afkiisa ka burqanayey. Muddada uu aqoonyahan Cabdi Xuseen Gaas ku milmay ee faraha ku kala raacay, waa saddexdii sano ee uu xilka guddoomiynimada jaamacadda hayey, shan iyo soddonkii sano ee uu dunida horu-martay joogayna waa mooyi; biyo col dhaanshay. Geela duqdiisii durdurisay, aarankiisiina maxaad u malayn? Barafaysorkii marka uu reer ku hadaaqayo, ardaygiina maxaad u malayn?

Arday gaadhaysa lix kun oo ruux (6000) iyo saddex boqol oo shaqaale ah (300) ayey jaamacaddu ka kooban tahay. Sida golaha baarlammanka, wasiirrada iyo deegaanka loogu qaybsaday hab reernimo, ayaa Jaamacadda Hargaysana xilalkeeda iyo shaqadeeda loogu qaybsaday isla habkaa faddaraysan. Goobaha waxbarshadu, sida jaamacadaha iyo dugsiyadu, waa meelaha qudha ee laga dheehan karo waxa uu ku dambayn doono aayaha iyo masiirka ummadaha maanta dunida jooga. Waardiyaha albaabka ilaaliya illaa guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa, waxa lagu dhisay 4.5, wax sidaa ka duwanna lama oggola diyaarna looma aha in ay wax ku kala socdaan. Arday jaamacadda dhigata oo aan la sheekeystay waxa ay ii sheegeen, guddiyada ardaydu samaysato ee fasallada dhexdoodu in ay hannaankaa ku dhisan yihiin. Laba arday oo isku hayb ahi, si kasta oo ay firfircooni iyo karti hoggaamineed u lee yihiin, laba fasal oo isku heer ah ma wada hoggaamin karaan. Waxa taas ka sii calool xumo wayn, arrin kale oo ay ardaydaasi ii sheegeen. Bare cusub kolka lagu soo qoro fasal ka mid ah jaamacadda, ardaydu judhiiba waxa ay raadiyaan macallinka cusub haybtiisa. Marka la soo ogaado, arday ayaa ka cadhoota oo fasalkaba uga baxda. Buuq iyo qalalaasaha macmiilka noqday ee jaamacadda haysta tan iyo maalintii la aasaasay, halkaas ayuu ku arooraa. Kor iyo hoos, xaggee baas ee loo socdaa? Mahaddaas oo dhan waxa iska leh siyaasi iyo odayaasha la daba boodayo ee aan waxba isku falayn.

Nin ka shaqeeya xafiisyada dawladda ee magaalada Oodweyne ayaanu sheekeysanay. Ninkaasi waxa uu aad u maagay siyaasiyiinta guud ahaan, gaar ahaanna kuwa hadda xilka haya. Cidina in aanay dadka iyo dalka dan ka lahayn iyo hadal tiro noocaas ah ayuu dhurayey. Ninkaasi, illaa dawladdii Siyaad Barre ayuu ka soo shaqaynayey. Dastuurka Soomaalilaan, dadka waxa loogu sheekeeyaa, in 97% ‘’Haa’’ ugu coddeeyaan. Hase ahaatee ninkani wuxuu ii sheegay, in magaalada Oodweyen iyo hareeraha waxa dad dega, oo uu dhawr boqol oo kun ku sheegay, ay ka codeeyeen 300 oo kaliya ah. Intaas oo qudha afkiisa kuma uu haysane, wixii waraaqo soo hadhay oo dhan in isaga iyo rag kale ku buux-buuxiyeen ‘’Haa’’ miidhan, Hargaysana ay geeyeen sanaaduuq buuxda, ayuu afkiisa iiga sheegay. Maxaad sidaa u samaysay? Kolkii aan warsaday, si fudud ayuu ii yidhi; ‘’Mabda’ ayaan u dagaallamayey’’. Baarlammaanka hadda iska dhex fadhiya golaha, markii la soo dooranayey, wuxuu ii sheegay in uu kelidii hal nin u codeeyey shan iyo toban jeer (15) isaga oo masuul ummadeed ah. ‘’Mabda’ ayaan u dagaallamayey’’, ayuu sidii oo kale, tanna iigu macneeyey, markii aan waydiiyey waxa khaayinimadaa ku kallifay.

Dawooyin loogu talogalay dadka xoolo dhaqatada ah ee degmadaas deggan, ayuu mar gacanta ku hayn jiray ninkan odayga ahi, sida uu ii sheegay. Dawadaa in uu dadka ka iibin jiray, ka ay is garanayaan bilaash ku siin jiray ama jaad ka siisan jiray, wixii lacag soo baxdana uu jeebka ku shuban jiray, ayuu mar kale ii sheegay. Sidii oo kale, ayaan markanna waydiiyey, waxa uu sidaa u sameeyey. Kuye; ‘’waxa dawladdu i siisa igu ma filna’’. Midhka maadda iyo qosolka lihi waxa weeye, sheekada markii aannu bilaabaynay, xaajigani wuxuu iiga dhaartay in aannu waligii wax musuqmaasuqin, eex, qabyaalad iyo khiyaama toona ku dhaqmin. Islaan baa laga hayey, anna waan yaabayey Xaadsan oo madax adhi diidday. Imisa qof oo noocaas ah ayaa tolow ummadda xil u haya, oo aan kala garanayn nolosha iyo geerida in farqi u dhexeeyo? Dadkuba musuqmaasuqa, eexda, lunsiga hantida ummadda iyo ku-takrifalka awoodaha, waxa ay u yaqaanaan si kale oo aan anigu fahmi waayey.

Gebogebo

Dadka waddanka, gaar ahaan intii aan caasimadda kula soo kulmay, waxay ahaayeen dad aad u niyad san. Xaruur, qaninimo iyo qalbi-wanaag heer sare ah ayaa dadka ka muuqday. Dadku, iyaga ayaa nabadgelyada ilaashada. In kasta oo marar badan iyaga laftooda loo adeegsado xasillooni-darrada iyo qalalaasaha, haddana shacabku guud ahaan, aad ayey uga feejigan yihiin qulqulatooyin, sida colaado dalka wada saameeya oo waddanka ka dhaca.

Iyada oo duruufo badani iska jiraan, haddana ganacasigu wuxuu ku socdaa xawaare caqiibadiisa leh. Sidaa darteed, waxaa xataa kor u soo kacay fursadihii shaqo ama shaqo-abuurka. Waxaan la soo kulmay dhallin badan oo ku nool nolol qurux badan. Hay’ado, ururro bulsho, dawladda, shirkado, goobo waxbarasho iyo xarumo ganacsi ayey u shaqeeyaan. Qaar kale iyaga ayaa iskood shaqo u samaystay oo isku filnaansho gaadhay. Ardaydii aanu ka wada baxnay jaamacadaha Hargaysa iyo Kamapala, 95% way shaqeeyaan. Waxa kale oo aan soo arkay dhallin si dhab ah uga xorowday qabyaaladda oo danahooda ka raacday. Hal-abuurka iyo curinta fanka waxaa ka soo muuqda laba xiniiyood oo kuuskuusan. Laakiin xiniinyahaasi waxa ay la mid yihiin shamac lagu shiday ban cidlo ah oo dabayli ka dhacayso. Da’yarta arrimahaa ku shuqlani ma helaan taageero maaliyadeed, mid farsamo iyo mid niyadeed toona. Mararka qaar caqabado dhanka bulshada iyo nolol maalmeedkooda ah ayaa boqno-goys ku haya.

Wax badan oo la qabtay, si dawladnimo iyo rayid ahba, marba marka ka dambaysana sii kobcaya, ayaa jira. Wax kale oo badan oo sii qarribmaya ayaa iyaguna bad ah. Si kooban marka aan hadalka u idhaahdo, waxa aan soo arkay dal leh dad, laakiin aan tol lahayn.

Khadar Cabdi Cabdilaahi

Follow us On