Dhammaan Waa Wada Heshiis

 

Horumar waliba dunida waxa uu la yimaaddaa dib u dhacyo hor leh oo mija xaabiya horumarka laftiisa. Tan iyo sidii Soomaalilaan u hanaqaadday meelaha horumarka la taaban karo ku

tallaabsaday waxa ka mid ah waxbarashada.Dhawaan ayaa la soo gabagabeeyay imtixaannadii dawliga ahaa ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe. Haddaba inkasta oo aanay ahayn markii iigu horraysay ee aan ka qaybalo ilaalinta imtixaannada dawliga ah haddana sannadka waxaan arkay waxyaabo iga yaabiyay.

Maalinti u horraysay ee imtixaanka la bilaabay oo ku beegnayd 7-Juun-2015 maalin axad ah markii aan iska xaadiriyay goobtii aan ku qorraa, waxay markiiba indhahaygu ku dheceen meel aan sidii aan goob imtixaan ku aqaannay ahayn. Dhammaan dadka meesha ka shaqaynayay oo iskugu jiray macallimiin, madaxa goobta iyo maamulka kala duwan ee ardayda goobta ku galaysay watayba, waxa laga sinnaa oo ay dhammaantood heshiis ka ahaayeen in ardayda aan lagu samayn wax ilaalo ah oo sharci ah.

Inkasta oo aanan garan sababta dadkaas oo dhammi isugu raaceen arrintaa aan fiicnayn, haddana waxa ii sii caddeeyay islamarkaana arrintaa daaha iiga qaaday kadib markii niman barayaal ah oo ka socday mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ilaalada yara adkeeyeen, kadibna ay ardaydii cabasho u soo gudbiyeen madixii goobta iyagoo u soo marinaya maamulahoodii oo isna meesha nala joogay.

Muddo yar kadib meeshii waxa ka dhashay buuq iyo hadal laysku celceliyo, taasoo keentay in markii danbe madixii goobtu ku dhawaaqo inuu shaqada ka saarayo barayaasha ka socday dugsiga gaarka ah (private).

Haddaba inkasta oo aan la odhan karin si cad ayay heshiis ugu yihiin oo afka lagu ballaadhinayo, haddana waxaad garan karaysaa marka aad gunta ugu daadegto in xafiiltanka iyo tartanka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya  dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ah ee baryahan danbe sii xoogaysanayay, uu saamayn toos ah ku leeyahay arrintan aynu ka hadlaynno.

Dadkaa waxa kaloo iga yaabiyay hanweyni iyo cirweyni mid ay ka tahayba, sida ay u doonayaan inaad xeer walba  jabiso. Tusaale ahaan waxyaabaha ay dalbanayeen ee ay doonayeen in aanu ardayd u samaynno waxa ka mid ah, in aanu ardayda u fasaxno buugaagta, mooobillada iyo kaalkuleetarrada. Waa yaabe marka aan intaa fasaxo maxaan qabtaa, illayn carruur aad fartayda qaniin tidhaahdaa fanaxay u boodaane.

Ta kale ee ka sii darani waxay ahayd, waalidiinta oo iyaguna dugsiga dibaddiisa fadhfadhiyay oo markaad sii galayso iyo markaad soo baxaysaba indhaha  kula wada raacaya, malaha si ay muuqaalkaaga uga akhristaan nooca aad noqon doonto, ma mid ardaydooda si ay jecel yihiin u sameeya mise mid sida sharciga ah u ilaaliya.

Arrinta sii fududaysay in ardaydu si waalli ah qishka ugu walfaan ayaa ah buug dhawaan laga diyaariyay dhammaan imtixaannadii la soo dhaafay ee sannaddadii hore la qaaday kuwaas oo hal meel laysugu keenay. Buugaagtaa waxa la sheegay in xafiiska imtixaanaadku ka soo qaatay imtixaankii sannadkan isaga oo aan haba yaraatee waxba ka baddalin, oo xabbad kastaaa nambarkeedii wadato, si malaha ardayda lacagta badan buugta laga siiyay aanu ugu hungoobin.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

Email:cbdrxmngeni@yahoo.com