Dhammaan Masuuliyiinta Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyada Somaliland Wax ay Tacsi u dirayaan…

Dhamaan Masuuliyiinta Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxay tacsi u dirayaan Muxiyadiin Cabdiraxmaan Tiyaabo oo ay ka tacsiyadaynayaan Geerida Naxdinta leh ee ku timid Abtigii MARXUUM, AADAN XIRSI MAXAMED (BULUC) oo Jimcihii 25/08/2012 Shil Baabuur ugu geeriyooday Gobolka Awdal gaar ahaan Boorama, Marxuumka oo lagu aasay Boorama.

Dhamaan Masuuliyiinta Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu waxay illaahay uga rajaynayaan Marxuumka inuu Naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LI-LAAHI WA-INAA ILLAYHI RAAJUCUUN