Dhalmadu dhul kuma xidhna! – W/Q: Axmed-nasri Daahir Xuseen

Axmed-nasriDeeqaha waa weyn ee uu Rabbi siiyo addoomihiisa waxaa ka mid ah ubadka. Maahmaaban tidhaa “ madax dad ALLUNBA laga helaa” imisa lacag iyo magacba leh ayaan Eebe siin carruur oo maalkooda iyo magacoodu toona ugoyn Karin, haddii ay ku heli karaana huri lahaa wax badan oo ay haystaan. Wiilal iyo gabdho, wiilal ama gabdho qudha, labadaba, badidooda, yaraanshahooda iyo la’aantoodaba kaliya wax kara inuu bixiyo RABI.

Dal, qaarad iyo deegan toona kuma xidhna helitaankooda, waayidooda, badidooda iyo yaraanshahoodu waase qayba iyo qoraal ALLE.

Dhul walba dal iyo qaaradba horumarkiisu wax uu ku xidhan yahay dadkiisa. Afrikana halkeey taal dadkeeda bidey, kol hadii maanka aqoonyahankeedi oo ah kii la tartami lahaa dunida siiyey “ Afrika lama dhalee waa la dhagrooba”  cajiib! Dabcan qofbaad tahay micno leh dad diin iyo dhaqan lehna ka soo jeeda noloshiisuna qiimo ku taagantahay.

Qorshe usameynata noloshu door muhiima ayey ka qaadataa horumarka qof ahaaneed, bulsho iyo qaran ahaanba. Maahmaahban tidha “ xaasa hortii xoola la dhaqda” taaso ina tusineysa in muhiimtahay in qorshe laga lahaado dhaqan iyo dhaqaalaba guurka.

Taranka dadku waxa uu soo marey marxalado kala duwan iyada oo ay jireen wakhtiyo dhimashada dadku badneeyd halka dhalashdu yareeyd taaso ay sabab u hayaane jahliga, faqriga iyo cudurada oo ku badnaa dadka balse dadaalo ay sameeyen dadyoowga dunidu waxa ay keentey in loo gudbo marxalad kale oo ah dhalashad iyo dhimashaduba badnaayen, dadkuse kameynasan marnab dadaalaka maantan waxay dunidu gaadhey in la yareeyo dhimashad halka ay badatey dhalashudu. Taasi micnaheeduse maha in dadku gacanta ku hayaan awooda dhimashad iyo dhalashadab balse waxaan la ilaawi Karin in helitaanka daryeel nololeed oo wanaagsani beekhaamiyo cimriga waxaan tusaale u ah daraasado la sameeyay oo sheegay in dadka reer jarmal celcelis ahaan cimirigoogu gaadho sagaashanaad sano halka dadka reer yurubka kale iyo mareykan lagu sheegay ilaa toddobaatanaad, dalaka carabtan lixdanaad iyo afrika oo lagu sheegay konton wax ka yar. Taasina waxay inoo mujineysaa in wadamad afrikaanka ahi ku dadaalan horumarinta sababah badiya taranka yareeyan dhimashada.

Soomaali ahaan waxaynu ka sii xagjirnaa afrikaanka kale maadamo lagu qiyaaso soomali oo dhan wax ka yar 20 milyan sida awgeed waa muhiim in la badiyo taranka. Naftuse dabar yaaney waayin. Qalinkuna yaanu dar jiidhin. Diintan ha dacal marin.maankan ka baadh intii micno leh. Ha ku fogaan argtida rayi maaha diintuye. Tixgali qofnimadaada. Ha iska dhigin waxaan jirin. Ha ka dayrin noloshaada , ha u doodin mid kale. Maskax kuma dheera reer yurub wakhtina hab sheegin.dadaalbeyse galiyeen dalkooda. Aduuna ku dood wixii kuu dana, ka tag waxaan ku anfaceyn. Dadnimadaad dhowr. Qadari bulshadaada. Hadayacin taariikhdaada. Dadaalki waalid kaaga tabacii ummadaada ha ku badalin “ Afrika lama dhalo” dhowr noloshooda. Dhaqaale jiritaankooda. Dhidib adag u taaga aayahooda. Ha dhaawicin maankooda. Hadey jiraana waad jiri, inaad muuqatood magac lahaata ogow dadkaagey ku xidhantahee. Haddey dadku yihiin macdan soomaalidu luul weey ogow. Haddey qaaradi macdan leedahay bad,bari iyo wabiyo dacal mara oo loo dalxiistago leedahay ogow waa afrikee. Dunidda horumartey mood iyo nool toona ma dheere ogow dadkeeda se gabey. Danteenu iney hagaagto aan tuujino maskaxda dadaalna muujino. Tacabka barno dadkeena. Duulimaadana ku ahaano jahliga damiirkana aynu dhayno dadoow…………dadoow…….dadooow.

W/Q: Axmed-nasri daahir xuseen

Email: saabit44@hotmail.com

Mobile: 063-4209509

University of hargeisa

Faculty of economics