Dhalinyaro Madaxweyne Siilaanyo U Diray Baaq La Xidhiidha Iibka Xarunta Wasaaradda Duulista

Hargeysa, (SLpost) – Koox dhalinyaradda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ah ayaa waxaa ay na soo gaadhsiiyeen baaq ay kaga horjeeddaan isku day wasiirka duulistu doonayo inuu ku xaraasho xarunta wasaaradaasi.

Dhalinyaraddani waxa ay baaqoodan ku waajahan Madaxweynaha Somaliland ku yidhaahdeen siddan.

“Nin bilowgiiba arkay Xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo ayaa laga soo wariyay,

Arooskiiba iyaddoon ka bixin alalagtii guusha

U Ekaatay inantii cusbayd hooyadeed UDUB.

Waxaan uga soconaa, ujeedada hadalkayaguna uu ku arooraa Xukuumaddii KULMIYE ee loo soo halgamay ee ay dad badan oo reer Somaliland ahi tageeradoodii siiyeen xiligii Dorashadda Madaxwayne dalka ka socotay, markii ay taladii dalka gacanta ku dhigtay, waxaa ka soo if baxay oo ay la timi dhaqaamadii Xukuumaadii hore ee Xisbiga UDUB lagu eedayn jirey. Waxana Beryahan soo if baxayay qoraalo ay baahinayeen Wargaysyadda dalka ka soo baxa oo daaha ka feyday in la iibinayo Wasarada Duulista Iyo Hawadda, arrintaas oo uu qiraal ka yahay ama ka marag kacay Wasiirka wasaaradaasi Maxamud Xashi Cabdi.

Hadaba, haddii aanu nahay dhalinyarada Casimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu fariin uu diraynaa Madaxweynaha Somaliland ee aanu codka u hibaynay, taas oo ah in sidda ugu dhaqsaha badan looga noqdo go’aankaas uu ku dhawaaqay Wasiirka Duulistu. taasoo aanu u aragno inay  caqaabad ku noqon doonto Xukuumadda, Islamarkaana ay taariikh xun ku yeelanayso Somaliland. Magacyada Dhalinyarada maqaalkan na soo gaadhsiisay.

1. Foosi Barre Axmed

2. Badri Cabdillaahi Xasan(Rakuub)

3. Cabdiraxmaan Saleebaan Caynaan

4. Mustafe Cabdillahi Maxamuud

5. Xasan Cabdi (X.Dheere)

6. Cabdirisaq Maxamud Calin(Cabdoo)

7. Camir Gaaxnuug Warmahaye

8. Axmed Maxamed Maxamuud(Ina Tiin)

9. Cumar Aaden Maxamed

10. Axmed Xaji Xasan(Facol)

11. Maxamed Maxamuud Caabi (Kabayare)

12. Gamuute Dhuul Iidan

13. Axmed Jamac Sareeye.”