Dhalinyaradu Waxa ay Rabtaa (1) Tacliin Tayo Leh, (2) Shaqo Sharaf leh iyo (3) Mustaqbal Rajo Leh

Bile whiteWaxa shalay caalamka looga dabbaaldegey maalintii Ilmaha Afrika oo ku began sannad guuradii 23 ee ka soo wareegtay maalintii Ururka Midawga Afrika u aqoonsadey iney noqoto “Maalinta Ilmaha Afrika”. Waxa taariikhdu aheyd 1976 markii kumanaan caruur ihi ay bannaan bax ku lugeeyey nus meyl dariiqyada magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika iyaga oo ka cabanaya tayo-xumada tacliinta ay iskuulada ku dhigtaan. Banaanbaxaas oo socdey laba asbuuc waxa bileyska dalkaasi toogasho ku diley dhowr boqol oo caruur ah, halka in ka badan kun caruur ihina ay ku dhaawacmeen. Dabbaaldegyada loo sameeyo maalintan waxa looga danleeyahay maaha in lagu xuso oo keliya kuwii dhintay, balse muhiimaddu waa in indhaha umadaha iyo dawladaha lagu soo jeediyo duruufaha heysta caruurta iyo dhalinyarada nool.

Somaliland waxa ay bilowdey dabbaaldegga maalinta Ilmaha Afrika sannadku markuu ahaa 1992 oo ku beegneyd sannadguuradii koowaad ee taariikhdaas. Waxa xaflado lagu qabtey garoonka Tima Cadde iyo xarunta MCH-ka ka danbeeya hotelka maaweel ee magaalada Hargeisa. Halkudhegga xafladdaa la qabtey 1992-gii waxa uu ahaa “Give Peace a Chance” oo macneheedu ahaa nabadda fursad hala siiyo.

Caruurtii xiliga dabbaaldeggii 1992gii dhalatey maanta waa 21 jirro, waana jiilka uugu badan ee maanta sida maqiiqa ah badaha waaweyn iskugu tuuraya iyaga oo raadinaya nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo naftooda iyo ta ehelkoodba ay wax uuga tari karaan. 20 sanadood ee u danbeeyey tahriibka iyo dadka ay dhibtu ka soo gaadho waxa u badnaa Somaliya, balse iminka waxa uugu badan dhalinyarada Somaliland oo weliba in lagu qiyaasey 70% ay yihiin caruur ka imaneysa magaalada Hargeisa. Waxa ayaan darro weyn ah in dhalinyaradaasi ay u badanyihiin qaar jaamacado dhameystey, kuwo meel dhexe kaga tegey, iyo ciyaala iskuul. Dhalinta maanta tahriibeysa wey ku yaryihiin wax reer miyi ah ama aan tacliin baran.

Tahriibka iminka socda, gaar ahaan sannadkii u danbeeyey waa miidaamo aan wax itijaaha laheyn. Waxa caruurtii ku dhibantahay Liibiya, Yemen iyo dhulal kale oo wax ku dhintaan wixii ka badbaadaana nolol xun ku noolyihiin. Waxa aad u adag inad liqdo in 23 sanadood dabadood in maanta dhalinyaradii qulquleyso  oo ay doorbideen iney nafta biimeeyaan.

Sababaha kalifey dhibaatada waxa ka mida, dhalinyarada oo aan si mug leh uugu jirin ajendaha horumarineed ee Somaaliland. Waa dhab oo waa dal faqiir ah oo aan maanta kareyn inu shaqo ka simo dhalinyarada oo dhan. Waana arrin ay umado badani inagala mid yihiin. Balse, Somaliland maaha dal caqliga iyo aqoonta ka faqiir ah. Waxa habooneyd in agendaha dhalinyaradu noqdo ka koowaad ee maanta lagu jaangoynayo dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka. Waxay aheyd in la isu keeno wixii caqli la bidayo iyada oo dawladdu hoggaamineyso oo la sameeyo istaraatejiyaddii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinta. Arrin sahlan maaha oo waa hawl adag, mana ah wax sanad iyo laba toona wax lagaga qaban karo. Balse waa arrin haddii si hagar la’aan ah oo aqoni hoggaamineyso loo waajaho ay dhici karto iney midho dhasho sanadaha soo socda.

Dadka da’doodu ka yartahay 20 sanadood waxa ay ku dhowyihiin 60% mujtamaceenna. Sidaasooy tahayna in yar ayaad arkeysa iyada oo laga hadlayo talo ku saabsan sidii jiilkaas mudnaanta loo siin lahaa, marka laga reebo dedaalka ay waddo wasaaradda waxbarashadu iyo jaamacadaha dalku oo iyada lafteedu ah wax kooban. Intaa yarina maaha wax maanta wax ka tari kara dhalinyarada sida fiican uula socota waxa qeyrkooda jooga Yurub iyo Aasiya ay ku suganyihiin ee habeen iyo maalinba kala socda Telefishanada iyo intarnetka.

Waa Maxay Waxan Dhalinyarada u Gaarka ihi?

1.      Da’da u dhexeysa 18 illaa 27 jir, waa mudada qufku mustaqbalkiisa sida rasmiga ah u sameeyo. Waa xilliga wiilka ama gabadhha da’daa ihi u dareemo inu yahay qof buuxa oo madax bannaan.

2.      Waa da’da uu qofku korodhsado aqoonta iyo xirfadda rasmiga ah ee uu ku shaqo geli karo. Wixii hore ee uu bartey waxa ay aheyduun tacliin aasaasi ah.

3.      Waa da’da ay dhalinyaradu rabto iney ismuujiso iney madax bannaanyihiin oo aaney hoos fadhiyin xeynka waalidkood.

4.      Waa da’da dhalinyaradu rabto iney xaragooto, tlifoon wanaagsan heysato oo ay laptop ku shaqeyso, ee ay haasaawaha bilabaan ee ay rabaan iney is muujiyaan.

5.      Waana da’da ay jecelyihiin in haddii ay nasiib leeyihiin ay guursadaan.

Jiilka u dhexeeya 18 – 27 jir, guux badan ayaa ku furan oo waxa saaran culeys siyaado ah oo aaney qaadi karin. Waxa markasta kala fog damacooda iyo baahidooda iyo xaqiiqda jirta ee reerohooda iyo dalkooda. Hadaba haddii aan la jiheyn oo aan si gaar ah wax loogu sheegin ama aan wax loola qaban, waxa ay qaadan karaan go’aanno qaldan oo naftooda wax yeeli kara.

Dhalinyarado waa miino dhagareysan oo maruun qarxi doonta haddii aan la jiheyn oo dariiqa toosan lagu ridin mustaqbalna loo abuurin. Waxan an maanta ku murmeyno inteena waaweyni wax macno ah u sameyn meyso dhalinyarada waayo hadafkoodii kama hadleyno.

Lixdan qodob ee soo socda ayaa ka mid noqon kara

1.       Heerka Shaqada oo Lagu Xidho Heerka Xirfadda iyo Aqoonta:

Bal malee haddii ay Wasaaradda Caafimaadku ku dhawaaqdo in liisanaddii farmasiiyada oo dhan la laaley laga bilaabo kowda bisha April, 2013, lana raaciyo in farmasiigii doonaya inu sii furnaado inu soo sameysto liisan cusub. Imisa farmasii ayaa ku yaala Somaliland? Ka soo qaadba in waddanka ay ku yaalaan 2,000 oo farmasii. Marka ay farmasiiyadii soo doontaan liisanka cusub in shuruud looga dhigo in liisanku ku xidhanyahay in farmasiiga ay ka shaqeyn karayaan oo keliya shaqaale aqoon jaamacadeed ama machad u soo bartey cilmiga farmasiiga iyo dawooyinka. Taasi waxa ay markaba keeni laheyd in dhowrka qof ee aqoontaa leh ee waddanka jooga la kala boobo oo warbaahinta laga naadiyo farmasii hebel waxa uu doonyaa laba shaqaale ah oo cilmigaa yaqaan. Ka sakow shaqada, waxa durba dalka ka furmi lahaa kuliyado iyo jaamacado lagu barto cilmiga dawooyinka iyo farmasiiga, taasina waxa ay kor u kicin alhayd aqoonta dawada. Sharcigaas oo lagu dhawaaqo lana hirgeliyo ayaa mar keliya 2,000 oo jaamici shaqo gelin kara. Waa dhab oo dadka iminka farmasiiyadaa ka shaqeeyaa badankoodu wey shaqo waayayaan haddii sharcigaa la soo rogo, balse iyana waxa u furan iney ama waxbarasho doontaan oo ay aqoontooda kor u qaadaan, ama ay shaqo kale oo ay xirfad u leeyihiin raadsadaan. Taasina guud ahaan waxa ay kor u kicineysaa tayaddii adeega bulshada, ka sakow shaqada ay abuurtey. Waxa muhiim ah in fulinta sharciga xoog la saaro.

2.       Darajada Liisanka Ganacsiga oo Lagu Xidho Tirada iyo Tayada Shaqaalaha:

Ganacsadaha qaadanaya liisanka ganacsiga ee heerka koowad ah, waa inu soo bandhigaa in shirkadiisu leedahay qeyb xisaabaadka ah oo uu hogaaminayo qof shahaadada labaad (Masters) ee jaamacadeed ku sita xisaabaad sida: Certfied Public Accountant (CPA)” oo la xidhiidha wasaaradaha ganacsiga iyo maaliyadda. Waa inu leeyahay sharciyaqaano u shaqeeya oo wixii meel ka gala iyagu uuga soo dooda. Waa inaanu isagu alaabadiisa kala soo degin dekedda oo uu shaqadaa ku wareejiyaa shirkad alaabada uuga soo sarta dekedda. Waa inu leeyahay xafiisyo iyo heykal maamul oo u qalma ganacsiga uu ku jiro. Waa iney jirtaa shuruud ah inu intaasi oo shaqaale ah leeyahay oo weliba shaqaalahaa lagu qaatey hab tartan ah oo aaney noqon wixii reer hebelow ka soo kaca. Waa inu jiraa sharci dhigaya in ragga iyo dumarkaba loo simo shaqada. Waa in shirkadahaa waaweyni leeyihiin dhakhaatiir ka warhaya caafimaadka shaqaalaha. Arrimahaa iyo qaar kale oo la hirgeliyaa waxa ay keenyaan in dad badan oo aqoon lihi ay shaqo helaan.

3.       In La Sameeyo Sharci lagu Casriyeynayo qaabka shaqo ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha:

 Shaqooyin cusub oo la abuuraa waxa ay ku xidhanyihiin hadba sida dhaqaaluhu kor uugu kaco iyo hadba sida loo adeegsado tignooloojiyada cusub taasi oo keeneysa baahida loo qabo dad aqoon iyo tababar u leh adeegsiga aqoonta iyo qlabka casriga ah. Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo badanka sharikadaha gaarka ah waxa ay weli u shaqeeyaan hab aan casri aheyn. Inkasta oo intooda badani ay koombuyuutaro soo dhigteen xafiisyada, waxa ay u isticmaalaan oo keliya in waraaqaha lagu teebkagareeyo oo keliya. Shaqada inteeda badani waxa ay ku socotaa waraaqo la qorayo oo la saxeexayo oo hadana faylal badan lagu gurayo oo xafiisyada buuxinaya. Shaqada noocaas ah waxa lagu bedeli kara nidaam elaktronik ah oo waraaqaha la iskugu gudbiyo nidaam koombuyuutar ku xidhan. Xisaabaadka ayaa la casriyeykaraa oo la isku xidhi karaa xafiisyada wasaaradaha oo dhan oo qofka madaxda ihi uu computerkiisa kala socon karo shaqada ka socota xafiisyada oo dhan, lacagayowga la bixinayo iyo shaqooyinka la qabtey ee dhamaadey.

Isbedelka noocaas ihi waxa uu keenayaa in dhalinyaro badano o baratey cilmiga kombuyuutarka iyo aqoonta shabakad-xidhista (Networking) ay shaqooyin ka helaan casriyeynta nidaamka. Waxa kaloo dalka ka abuurmaya shirkado ku takhasusay casriyeynta nidaamka maamulka iyo lacagta. Shaqo abuurista ka sakow, waxa kor u kacaya tayada shaqada iyo wax soosaarka.

4.       Ardeyda Jaamacadaha Dhigata oo Shaqo Qaran loo Diro 4 bilood mudada Waxbarashadooda.

Ardeyda Jaamacadaha ka soo baxaa waxa ay suuqa shaqada soo galaan iyaga oo tacliin soo bartey balse aan wax fikir ah ka heysan ama wax yar ka yaqaan suuqa shaqada, taasi oo ku keeni karta iney ka shakiyaan kartidooda iyo aqoontooda maadaama ay ay ku soo dhex dhaceen suuqii shaqada iyaga oo aan si fiican loogu soo diyaarin. Waxa muhiim ah in dhalinyaradaa loo sii diyaariyo shaqada oo ay jaamacadaha soo dhameystaan iyaga oo fikir ka hasta dhaqanka shaqada iyo waxa ay kala kulmi karaan marka ay tacliinta soo dhameystaan.

Sidaa darteed waxa muhiim ah in ardeyda jaamacadaha dhigata loo diro 4 bilood oo shaqo qaran ah oo ay ka soo shaqeynayaan wasaaradaha, hay’adaha dawladda iyo shirkadaha gaarka ah. Masalan, ardeyda barata cilmiga xisaabaadka waxa lagu qori karaa wasaaradda maaliyadda, dawladaha hoose, iyo shirkadaha gaarka ah sida xawaaladaha. Ardeyda barata engineerinka waxa lagu qori karaa shirkadaha wax dhisa oo ay afartaa bilood la shaqeyn karaan. Ardey kasta, ama labadii ardeyba waxa lagu qorayaa qof shaqaalaha wasaaraddaas ama sharikaddaas ah oo aqoon wanaagsan leh oo leyliya ardeydaas, wax u sharxa, waxyaabaha ay la yaabaan ka qanciyo, su’aalaha ay qabaanna uuga jawaaba. Asbuuc marka ay shaqeeyaanba, ardeyda waxa ay hal maalin tegeyaan jaamacaddii oo ay ku faaleynayaan waxa ay la soo kulmeen iyo xalka ku habboon. Waxa kalooy ka faaloonayaan fa’iidooyinka iyo waxa wanaagsan ee ay soo arkeen. Waxa kale oo ardeydaasi afartaa bilood soo qorayaan waraaq ama buug yar oo ay isku dabaqayaan wixii ay barteen iyo wxii ay kala kulmeen shaqada iyo talooyinkii hore loogu marin lahaa oo hadhow loo gudbin karo meelihii ay ka shaqeynayaan.

5.       In La Dhiiri Geliyo Dhalinyarada in ay iyaga Laftoodu Abuuraan Shaqooyin.

Dhaqankeena ayaa weligi ahaa in marka dhalinyaradu tacliinta soo dhameystaan iney cid u shaqeeyaan ama hay’ad dawladeed ha noqoto ama shirkad gaar ah. Dawlado fikirka noocaas ihi ka jiri jirey ayaa iminka ka baxey oo dhalinyarada ku dhiiri geliya iney iyaga laftoodu sameystaan shaqo oo aaney cid kale un ka sugin in ay shaqaale ka dhigtaan. Iminkadan lafteeda waxa dalkeena ka jira dhalinyaro isu tagtey oo furatey shirkado yarayar oo qaarkood ay sameeyaan barnaamijyada koombuyuutarka (software) oo ay ka iibiyaan ama u sameeyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dhalinyaro waxa jirta iyana furtay iskuulo iyo meelo lagu barto luqadaha iyo koombuyuutarada. Waxa muhiim ah in la abuuro hay’ad ama wasaarad dhalinyarada ka caawisa sidii ay shaqooyin u abuuri lahaayeen ama ay shaqo u heli lahaayeen.

6.       In Loo Tartamo Shaqooyinka Sare ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha.

Mansabyada sida Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha, Maareeyayaasha Guud, Xisaabiyayaasha Guud, Xoghayayaasha dawladaha Hoose. Mansabyadaa iyo kuwa kale ee la midka ah waa kuwa aqoon ahaan uugu sareeya wasaaradaha iyo hay’adaha waana kuwa hoggaamiya shaqaalaha intooda kale. Waxa muhiim ah in qofka mansab noocaas ah loo dhiibayaa inu sito shahaado jaamacadeed oo sare oo ay u dheertahay inu maro imtixaanno adag oo ku qasbayaa inu muddo aqoontiisa kor u qaado. Waa in la abuuro gudi qaran oo dadka mansabyada noocaas ah qabanaya soo xula, imtixaama, tijaabiya oo ka bacdina talo uugu soo gudbiya dawladda. Tasi waxa dhiiri gelin kartaa in dhalinyaradu ay dedaasho iyaga oo higsanaya iney mansabyo sare iyo xilal ka qabtaan waddanka. Waxa kale oo ay arrintani sahleysaa in dadku shaqada iyo mansabyada isu baneeyo oo ay qaar kor u kacaan oo aan meel uun la taagnaan. Waddamada ay ka midyihiin Indiya, Kuriya, China ayaa ka mid ah kuwa isticmaala nidaamkaa loo  tartamayo shaqooyinka dawladda ee sarsare ee aan siyaasiga aheyn.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com