Dhalinyarada Gobalka Saaxil Oo Taageeray Heshiiska Xukuumada Somaliland La Gashay Shirkarda Dp world

Hargeysa (Somalilandpost.net) Qaar ka mida dhalinarayada gobalka Saaxil ayaa soo dhaweeyay heshiiska xukuumada Somaliland ay la gashay shirkada Dp world ee laga lee yahay dalkaasi Imaaratka, waxaanay bogaadiyeen madaxweynaha Somaliland  Md; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  dhamaan masuuliyiinka ka soo shaqeysay heshiiskaasi iyo baarlamaanka Somaliland oo aqlabiyad ku ansixiyay todobaadkii la soo dhaafay.

Dhalinyaradan oo saaka shir jaraa’id ku qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in heshiiska ay cabasho jirto isla markaana odayaasha iyo wax garadka gobalku u gudbiyeen xukuumada rajeynayaana is af-garad ku dhamaan doono. Ugu horeyn waxaa shirkaasi jaraa’id  ka hadlay Xuseen Faarax Jaamac,waxaana uu  faah-faahin ka bixinayay ujeedada shirkooda jaraa’id daaran yahay, waxaanu cadeeyay in si buuxda ay u taageersan yihiin heshiiska xukuumada Somaliland ay la gashay shirkada Dp world, waxaanu tilmaamay in shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta wax badan ka qab doono waxaana uu yidhi “maanta shirkan jaraa’id ee aanu iskugu nimid maadaama aanu nahay dhalinyarada iyo aqoonyahanada gobalka Saaxil, inaanu taageero buuxda la garab istaagno maalgashiga dekeda Berbera ee caamaliga ah ku samaynayso shirkada Dp world, dhalinyaro ahaan heshiiskaasi waxaanu u taageeraynaa mashruucaasi waa mid horumar u soo jiidaya guud ahaan Somaliland dhalinta ku nool ee maanta badan koodu badaha ku madheen oo ay ragaadisay shaqo la’aan”. Ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “waxaanu bogaadin u soo jeedinaynaa madaxweynaha Somaliland  Md; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  dhamaan masuuliyiinka ka soo shaqeysay heshiiskaasi gaar ahaan safiirka Somaliland ee Imaaratka Ambassador  Baashe Cawil”.

Cabdi Ibraahim Nuur Cabsiiye oo kamid ahaa dhalinyaradii shirkaasi jaraa’id ka hadashay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan aad u taagersanahay heshiiska xukuumada Somaliland la gashay shirkada Dp world, waxaan soo jeedinayaa in shacbi waynaha reer Somaliland ay taageeraan gaar reer Saaxil isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaasi qaaliga ah, taas oo aanu ugu mahad naqeyno  madaxweynaha iyo gudidii ka soo shaqeysay oo ugu horeeyo Ambassador Baashe Cawil”. Ayuu  yidhi Cabdi Ibraahim Nuur Cabsiiye, waxaanu intaasi ku daray “waxa jira cabashooyin ay dadweynaha gobalka Saaxil qaarkood ka muujiyeen heshiiskaasi dhexmaray xukuumada iyo shirkada Dp world, cabashoyinkaasi oo waxgaradka iyo odayaasha gobalka Saaxil u gudbiyeen xukuumada waxaanu rajeynaynaa inuu is af-garad ku dhamaado”,

Aadan Axmed Amare oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa xukuumada Somaliland u soo jeediyay inay mashaariicda hroumarineed ee dalka ku maamulaan hayaan wacan oo xaqsoor ah gaar ahaan mashruucan balaadhan ee lagu horumarinayo dekeda Berbera.