Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa Oo Wasiirka Duulista iyo Hawada ku Eedeeyey Faquuq gaar ah oo uu kaga Qadiyey Boosas Shaqo Oo Ka Banaanaday Wasaaradaas

Baaqa-IsaxaaqaHargeysa (SLpost)-Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa ayaa Wasiirka Duulista iyo Hawada ku eedeyey inuu sigaara u cadaadiyo Kana qadiyo Boosas shaqo oo Ka banaanaday Wasaaradaas ,Gudida dhalinyarada Beeshan oo War Murtiyeed ay manta kasoo saareen Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay kaga hadleen ,Arimo dhawra ayaa waxay baaq culus ugu direen Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumada Somaliland .Baaqan ay Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa Soosaareen ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Anagoo ah Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa waxaanu maanta halkan kusoo bandhigaynaa cadaalad daroweyn oo aanu ka tirsanayno Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cadi oo si badheedha nooga qadiyey laba jeer oo Wasaaradiisu ay Hab Beeleed ugu qaybisay Dhalinyada Beelaha Somaliland kuwaasoo kala ahaa 52 shaqo oo wasaaradu dhawaan u qaybisay beelaha iyadoo aan hal qofna lagaga darin Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa shaqan oo ahayd mid aan lasoo marin Haayada Shaqaalaha isla markaana lagu qaybiyey hab qabali ah iyadoo Dhalinyaradan la shaqaaleeyey ay qaadatay ama ay Mushaharkooda bixiso NASHO .Sidoo kale waxa iyana jirta in markale Wasaaradu qaybinayo 31 boos oo cusub oo sidii hore oo kale loo qaybsanayo taasoo ilaa hada aanan Saamigayagii Beelnimo ka hayn Wasiirka Wasaaradan.

Hadaba Hadaanu nahay Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa waxanu halkan Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadaba kaga wargalinayna in aanu uga fadhino Saamigii nalaga qadiyey ee doorkii hore iyo Saamiga aanu ku yeelanayo kan cusub ee hada soo baxay, hadii kale Xukuumadu hanoo sheegto inaanay Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa ka mid ahayn Dhaliyarada Beelaha Somaliland ,anagoo sidoo kale godobta arinkaa cadaalad daradaa u hayna Wasiirka Duulista iyo Hawada, balse aan u haynin Madaxweynaha iyo Xubnaha Golaha Xukuumada ee kale , Balse iyagana ka dhursugayna bal sida ay wax uga qabtaan arinkan

Ugu danbayn waxaanu Waxgaradka Aqoonyahanka Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beesha Bariga Hargeysa halkan kala socod siinaynaa kulan balaadhan oo aanu ku qabanayno 14 /8/2013 Magaalada Hargeysa kaasoo aanu kusoo bandhigayno Arimo khuseeya Hawshan

C/Xakiim Cali Xuseen

Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Beesha Bariga Hargeysa

Hargeysa Somaliland