Dhaliilay waan Dhaliilay !    

 

Fal-dambiyeedyada dilka ah  ee ciidanka boolisku kula kacayaan dadka rayidka ah een hubka sidan  shalay waxay ahayd curdin , daraadna ugub , saakana waa caado iyo wax aan lala nixin .

 

da siyaasiyiinta  waxaad dareemaysaa  in tiirarkii  NABADGALYADA ee qarankani ugu muhiimsanaa ee xar galay , waxaynu ahayn Bulsho xaq darada iyo cadaalad xumada  aad uga dhiidhisa , Bulsho firfircoon oon quudhsiga iyo tacadiga neceb ayeynu ahayn .  Dawlad dhan, ciidan iyo cudud milatary  ayeynu hadh cad  jiidhnay sababo la xidhiidha  tacdi iyo ciiil isbiirsaday ,

Maanta se waxay u eegtahay in aragtidaasi  meesha ka baxday oo aynu ku mashquulnay wax aan sakaaro ka biiqsan . Shicibku ha i dambeyaane , Xisbiyada siyaasadda waxaynu uga baranay  caado ah,  dhacdo walba oo hoos marta xukumada in ay ka faidaystaan oo ay shicibka ku kiciyaan , una tllmaam mesha khaladku ka jiro . Maalin walba waxaynu ognahay in ay  kharashaad , wakhti iyo dadaalba ku bixiyaan agaasinka shirar jaraaid oo ay xukumada ku dhaliilaan  kolba xaalada siyasadeed ee jirta .  Tusaale ahaa (shirka jaraaid ee hebel hebel u jawabaya, shirka jaraiid ee edaynta musuqmaqusa , shirka jaraaid ee diidmada mudo kordhinta IWM)  Shirarkaasi oo intooda badan  si adag ay xisbiyadu u hadlaan ilaa ay gaadho mararka qaar in ay MUDAHARAAD IYO KALE GUUR ku baqaan . Taasi oo ku tusinaysa heerka ay awoododu gaadhsisan tahay .

Hadii xaal sidaa yahay, Bal u soo noqo oo u fiirso doorka iyo muhiimada ay xisbiyada qaranku siiyaan ka hadalka , u doodida iyo la dagaalanka dilalka macno darada ah ee bulshada rayidka ah een hubka sidan lagu laynayo .  dib u soo tiri kow , laba , saddex …. ilaa intaad doonto wad .  Hal marna arki maysid xisbi siyaasadeed Mucaarid iyo muxaafid kuu dono ha ahaadee , oo Ahmiyad siinaya ka hadalka  iyo ka murugoonta iyo u tacsiyeynta qoysaska ay dhibaatadu ku habsatay .

Hadda mar walba waxaad aragtaa “Siyaasi hebel oo si adag uga hadlay Hebel baa taliya iyo heblayaa talisa”  ama “xisbi hebel oo ku baaqay mudaharaad  hadii doorasho la qaban waayo” Walise ma aragtay  iyaga oo misaankaas iyo culayskaas mid la mid ah siinaya ka hadalka dilalka Macno darada ah ee booliskeenu caadaysteen ?  Anigu Ma sheegin  Siyaasi hotel ka shaaxaynaya  oo saxaafadu  microphone ka hoos dhigtay .  Waxaa aan ka hadlayaa Xisbi dhan oo abaabulan , siyasiyiin qiiraysan oo  amakaag iyo anfariir ka muuqdo lana yaaban waxan dhacay ,  ka xun oo dhiigu dhaqaaqay ,

Ma sheegayo  nin intuu Tv iska soo istago  AFAR EREY idhaahda oo iska dhaqaaqa ,  Ma sheegayo nin  Waxa uu leeyahay  iyo dareenkiisu anay isla socon . oo isagoo  tacsi iyo geeri ka hadlaya Madaxa iyo daanka xoqonaya Caajis iyo dananayn la,aanina ka muuqato .

Intaas oo dhan hadii aanan hayn , adna aanad hayn sow micnaheedu maaha in fariin cad laynoo dhiibay .  sax Hadaba aan u soo noqdo shacabkiiye , Dadkaygoow  isku duubni wadareed baa laynooga bahan yahay , Ma jiro qoys ama qof aanay meel uun iska soo galin  ciidanka  booliska ,  Hadii dowlada iyo cidii aynu dirsanay ay  ANSHAX IYO ASLUUB  midna bari wayday ciidankeeni , Inagu aynu is dirno oo qof walowba  WALAALKAGA , INADEERKA , ABTIGAA AMA CIDDA EHELKAAGA AH ee ciidanka  ku jirta u nasteexee , waani oo  dareensii sida aad uga xuntahay waxa ay askartoodu samaynayn aynu qaadno olole hoose  oo  dardaaran iyo isku nasteexayn ah .

Ku kaca iyo la dagaalma xal ilama aha , xalku guryaheena ayuu ku jiraaa aynu u nasteexayno ,  saska iyo nacaybkan ay bulshada u qabaana  aynu isu soo dhawaansho ugu badalno , Ileen dan baa tidhiye

Qalinkii Cabdicasiis Cali