Dhakhaatiir lagu afduubay Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyey

DHAKHAATIIRMuqdisho (SLpost)- Shan qof oo Shaqaale Caafimaad ah oo saddex ka tirsani ay Dhakhaatiir yihiin, ayaa laga afduubay tuulo lagu magacaabo Cascasey oo ku dhaw magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, halka labada ruux ee kalana ahaayeen laba Darawal oo dhakhaatiirta laba Baabuur u kala waday, sida ay Masuuliyiinta deegaanku sheegeen.

Dhakhaatiirtan iyo labada Darawal, ayaa Afduubkooda lagu eedeeyey Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta, inkasta oo aanu jirin illaa hadda wax war ah oo qirasho u ah eeddan ama lagu beeninayo midna ka soo bixin Al-Shabaab, haddana waxay Saraakiil dawladda Soomaaliya ka tirsani ku eedeeyeen inay Al-Shabaab Afduubtay Hawl-wadeennadaas Caafimaad.

Dhakhaatiirta la Qafaashay, ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba Gaadhi, isla markaana ay ku sii jeedeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Guddoomiyaha degmada Garbaharey Iimaan Caddow Kaarshe iyo dadka deegaanka qaarkood, ayaa VOA u sheegay in Dhakhaatiirta ay magaalada Mandera ee Waqooyiga Bari ee dalka Kenya ku taalla kaga soo qaybgaleen Aqoon-is-weydaarsi ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka.

Dhakhaatiirtan iyo laba Darawal, ayaa la sheegay in loo qaaday deegaanka Gaddoon-Dhawe oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab maamul ahaan, isla markaana ku yaalla meel u dhaxaysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Garbaharey, ayaa sheegay inay ku daba-jiraan Malleeshiyada Dhakhaatiirta afduubay, waxaana sidoo kale socda dedaallo la doonayo in lagu sii-daayo Dhakhaatiirtaas sida ay Mas’uuliyiinta deegaanku sheegeen, kaas oo ay ku jiraan dhinacyo kala duwan oo Oday-dhaqameedyo iyo Maamul dawladeedba leh.

Somalilandpost.net

somalilandpost[at]live.com