Dhakhaatiir Iiraaniyiin ah oo markii ugu horreysay Somaliland u yimi inay Adeegyo Caafimaadka oo lacag la’aan ah u fidiyaan dadweynaha

Dhakhaatiirta Iraaniyinta ah

Hargeysa, (SLpost)- Waxa markii ugu horreysay Somaliland yimi dhakhaatiir ka socota dalka Iiraan oo hawlo qalliinno iyo Baadhitaanno caafimaad ka fulin doona Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeyda.

Weftiga kooxda dhakhaatiirta ah oo ka kooban 10 dhakhtar oo ku kala takhasusay noocyada kala duwan ee qalliinnada Caafimaadka guud, ayaa ka socda Xarunta Kaalmooyinka Imam al-Khumayni ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Dhakhaatiirtan ayaa inta ay dalka ku sugan yihiin samayn doona baadhitaanno qalliinno caafimaad oo lacag la’aan ah u fidin doona dadweynaha reer Somaliland iyaga oo ka hawl-gali doona Cusbitaalka Guud ee Caasimadda.

Dhakhaatiirtan oo ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa, waxa soo dhaweeyey masuuliyiin ka socota wasaaradda Caafimaadka oo uu hor kacayo wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen-xoog iyo weliba sida la sheegay shirkadda Star Group oo qayb ka qaatay inay dhakhaatiirtani dalka timaaddo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Cabdi Axmed Nuur oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii weftiga soo dhawaysay ayaa sheegay in imaanshiyaha dhakhaatiirtani ay wax ka tari doonto baahiyaha dhanka fidinta adeegyada caafimaadka ee dadku tabayeen.

Dhakhaatiirta Iraaniyinta ah

Waxaana hadalladii Agaasimaha ka mid ahaa, “Ugu horayn waxaanu soo dhaweynayaa Kooxdani dhakhaatiirna ah ee ka socda wadanka aynu walaalaha nahay ee Iran waxaanan ugu mahad naqaynaa gurmadka ay noo soo fidiyeen. Dhakhaatiirtani waxay ka kooban yihiin kuwo Qaliinka ah, Caafimaadka Guud, Haweenka, Caruurta iyo nin Injineer ah oo sahamin doona dhismayaasha Cusbitaalada. Dhakhaatiirani waxay Sabtida laga bilaabo ka hawl gali doonaan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa loo diyaariyey Dadkii ay baadhayeen, sidoo kalena waxa dadkaasi si lacag la’aan marka ay baadhaan u siin doonaan Dawooyinka ay u baahdaan, waxaana adeegyadaasi ay u bixin doonaan si taxaruc ah.”

Waxa isna halkaas Erayo kooban oo mahad naq ha ka jeediyey Dr. Mansoor Aqnansiir oo ka mid ahaa Kooxda Khatiirta ah waxa uu sheegay inay aad ugu farax san yihiin imaan shahooda Jamhuuriyada Somaliland.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net