Dhagayso Maamulka Shirkada Daallo Oo Ka Hadlay Saamaynta Uu Ku Yeelanaayo Qaraxii Diyaaradooda iyo Ninka Is Qarxiyay oo Ku Qornaa Diyaarada Turkiga

Muqdisho(SLpost)-Shirkdadda diyaaradaha ee Daalo ayaa sheegtay in qaraxii toddobaakdii hore uusan wax saamayn ah muddada fog ku yeelan doonin hawlahooda duulimaadyada ee magaalada Muqdishu. 

Shirkaddu waxay xaqiijisay in ninka la tuhnsan yahay inuu watay kombiyuutarka qaraxu ku rakibnaa uu horey u goostay tikidh ay leedahay shrikadda diyaaradaha ee Turkiga, uuna ku talogalku ahaa inuu diyaaradaasi raaco ka hor intii aan duulimaadkaasi baaqan. 

Haaruun Macruuf ayaa khgadka telefoonka ee imaaraadka Craabta kula xidhiidhay Madaxa shirddaasi Maxamed Ibraahim Yaasiin-Colaad, waxana uu ugu horrayn weydiiyey macluumaad dheeri ah haddii ay ka heleen dhinaca dawladda Soomaaliya oo ku saabsan baadhitaanka.

IMG_3A33CF-FC2617-4B386A-9AF8CF-05F8C2-D4B34C