Dhagarqabe Muwaadin reer Somaliland ah ku dilay Magaalada Bristol oo la Xukumay

London, (SLpost)– Maxkamad ku taala Magaalada Bristol ee Carrigan ingiriiska ayaa 12 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay eedaysane magaciisa la yidhaado Kemar Campell oo bishii July ee Sanadkii hore ee 2010 magaalada  Bristol  ku dilay Muwaadin  Somaliland u dhashay oo magaciisa la odhan jiray Allah ha u naxariistee Marxuum Abdirizaq Mohamamoud oo markii dilka loo geystay ay da’diisu ahayd 18 jir.

Dambiilahan oo markii uu dilka geystay si dhuumasho ah uga baxay dalkan UK, ayaa ciidamada Boliska ee Bristol oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee boqortooyadan Ingiriiska iyo kuwa caalamka, waxay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan ninkan dilkan geystay isaga oo ku dhuumaalaysanayay magaalada Barcelona ee wadanka Spain.

Hadaba dacwada ninkan dilka geystay oo todobaadkii hore ka bilaabantay   magaalada Bristol ayaa Mr. Kemar Campell waxa uu  maxkamada horteeda si rasmi ah uu uga qirtay in uu dilka u geystay Marxuum Abdirizaq,  hase yeeshee  dilkaas uu geystay aanuu ahayn mid uu ku talo jiray inuu nafta ka jaro Abrisizaaq oo aanuu u qasdiyin in uu marxuumku dhinto, waxaana uu qirtay waxa loo yaqaan (Manslaughter) oo macnaheedu yahay dil aan camdi ahayn, kaasoo ka duwan dilka lagu talo galay ee loo yaqaan (Murder).

Qirashadaas uu qirtay Mr. Kemar Campell ayay Xeer ilaalinta dhibanaha u doodayna ay ku qanceen, waxaana uu Xaakinkii Maxkamadu Mr. Honourable Justice Silber uu shalayto Mr. Kemar Campell  ku xukumay  Laba iyo Toban sanadood oo xadhig ah.

Kaysar Cabdilaahi oo ka mid ah Masuuliyiinta reer Somaliland ee ku nool magaalada Bristol oo arrintan ka hadlayay ayaa si aad ah waxa uu ugu mahadnaqay Ciidamada Boliska oo dedaal badan u galay inay gacanta ku soo dhigaan dhagarqabaha dilka geystay, waxaa kale oo Kaysar ugu baaqay  Waxgaradka, waalidiinta, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Bristol inay u hawl galaan sidii ay carruurtooda uga waanin lahaayeen inay ku lug yeeshaan wax kasta oo dhib u keeni kara bulshada.

Sidoo Kale waxa uu Kaysar Cabdilaahi tilmaamay in dhagarqabe Kemar Campell xabsiga la dhigay oo cadaalada la hor keenay, sidaas darteed laga taxadiro wixii dhibaato ah ee kala fogaynaya xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqan magaalada Bristol.

Waxa uu Kaysar Cabdilaahi sidoo kale uga digay in cidii ku kacda wax ka baxsan qaanuunka in sharciga la hor geyn doono, Booliskuna uu talaabo ka qaadi  doono cid kasta oo ku kacda wax dhibaato u geysanaya bulshada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net