Dhadhamo iyo dhuuni ka weyn aayaha dhallinyaradee laguu dhiibay!

“wasiir waxaan ku leeyahay wasaaradda si fiican u dhaq, dhadhankeeda iyo macaankeedana waad arki doontaa” Wasiirkii xilka wareejiyay ee Wasaaradda ciyaaraha.

Wasaaradda dhadhan iyo macaan ma yaal, waxa taala hawl u baahan innaad u gudato si xilkasnimo, daacadnimo iyo aqoon leh. Waa wasaarad halbawle ah oo lagu jaan gooyo siyaasadda dhallinyarada Somaliland, wasaaradda goblana oo aan siyaasadeedi loo baahna lagu dhiqin, wasaarad masuuliyadeedu ay balaadhantahay oo ka wakiila codkoodana ku hadlayasa malaayiin  dhallinyarta Somaliland ee u haraadan horumarka la hagraday.

Waxa ku horyaal koobkii gobollada dalka oo muddo badan dub u dhacay fashilna ku dhaw, bar bilawgiisina ku bilaabmay iga gee oo ka gaadhsii, wareegi labaad oo hadha, ciyaartoy niyad jabay oo badhkood laba toddobaad Caasimada joogeen oo haddana dub loo ceshay, xilkaad la wareegtay maanta maaha mid sahan.

Waxa ku hor yaala xal u helidda tahribka xadhkaha goostay, curinta siyaasad lagu abuuro rajo iyo mustqabal ay ku dhiiradaan dhallinyarada niyad jabsan ee aad u tihiin hoggaanka hagaaya siyaasaddooda. Wasiir waxa lagaa sugayaa isbedel dhaba oo dhallinyaradu ku dhiirato.

Waxa ku horyaal curinta xeerkii sanduuqa horumarinta dhallinyarada, sanduuqa oo madaxweynuhu kal-hore uu ku riday boqol kun oo doolar, waxa dhallinyaradu sugaysa sanduuqa rajada badan abuuray ee loo riyaaqay sidii looga shaqaysiin lahaa. Xeerkii lagu maamuli lahaa oo aad horgaysaan baarlamanka si ay u dhaqan geliyaan, dhaqaale rajo loogu abuuro dhallinyarada inaad hirgelisaan ururintiisa iyo baadi doonkiisa.

Waxa ku sugaaya samaynta wareegyo ka baxsan koobka muddo dhaafay ee gobollada, wareegyadii ciyaaraha kala duwan, tartaamadii A. B. C oo dhamaantood aan l aqaban, wareegyadii degmooyinka, laamaha iyo samaynta ciyaaro dhallinyaradu ku madadaalato oo ay kaga maarmaan kuna ilaawaan balwdaha iyo budhcad jideeda sii kordhaysa.

Waxa loo baahanyahay samaynta garoomo ka dhexeeya  dhallinyarada  oo laga hirgasho degmooyinka xaafad kasta, hadda waxa jira oo lagu ciyaara garoomo ganacsi oo qaaliya, ilmaha aan haysan doolar masoo bandhigi karo hibo ciyaareediisa. Waxa loo baahanyahay innaad samayso garoomo laga hirgasho cashuurta jeebabka sida gaarka ah ugu dhacda.

Masuuliyadda ku hortaal waa mid culus Alle hakugu asturee  waxaad ku dadaasha inaad ahaado wasiir u daacada shaqada dhallinyarada somalilad loogu dhiibay, ku dadaal inaad xafiddo hantida iyo masuuliyadda culus ee laguu xil saaray, waxa kaa dhursugaaya dhallinyarada Somaliland ee u baahan mustqabalka asaagood u naaloonayaan.

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com