Dhacdo nooceedu ugub ku tahay Somaliland oo mar kale lala beegsaday mid ka mid ah Madaxda Xisbiga Kulmiye

Hargaysa(SLpost)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa goor dhaweyd ka badbaaday Isku Day dil oo ay la beegsadeen saddex nin oo aan haybtooda la garanaynin.

Ma jiro wax khasaare ah soo gaadhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye, wax wararku waxa ay   sheegayaan xiligaa in uu Muj-jaahidku uu ku sugnaa hudheelku yaala xaafada shacabka kaas oo lagu magacaabo Lake Asal.

Maxamed Kaahin

Tirada Ragaa hubeysnaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaa 3-dabay MUJ-Maxamed Kaahin markii uu ku soo baxay ninkii qoriga sitay inta uu cabeey sanayay ayaa uu ka baxsaday Taas oo lagu soo waramayaa inuu baastoolad uu sitay uu rasaas kor u riday ayeey dableydii weerarka soo qaaday ayaa halkaa ka baxsaday.

Ma jiro warrasmiya oo ku saabsan cidda ay yihiin dableydaas iyo inay salka ku hayso khilaafka siyaasaiga ah ee dhawaanahan u dhexeeyay Xisbiga KULMIYE iyo in kale

Somalilandpost.net

Hargaysa