“Dekedda Berbera halka Saxda ah baa la marinayaa haddii Shirkado Shisheeye lala galayo heshiis…”

Hargeysa (SLpost)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in haddii ay Dekedda Berbera hesho Maalgashi caalami ah wax ku kordha Tirada shaqaalaha ka hawlgala, tayada Dekedda, Badeecadaha ka soo degaya iyo Gaadiidka ku soo xidhanaya mooyaane wax iska dhimayaa aanay jirin. Waxaanu xusay in Shirkadda ay Xukuumaddu u aragto inay dani ugu jirto dalka, dadka iyo Dekeddaba heshiiska lala galo la marin doono Golayaasha Sharciga ah.

WASIIRWasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxmaed Cilmi, waxa uu ku dooday inaanay habboonayn in la majaro-habaabiyo Bulshada Somaliland oo la yidhaahdo; ‘Dekeddii Berbera ayaa la iibinayaa iyo hadallo lagu kicinayo’. Hase-yeeshee, ay fiican tahay in horumarka la taageero oo aan la xasaradaynin. Waxa uu Wasiir Ku-xigeenku sheegay in sidii Madaxweynaha Somaliland Khudbad-sannadeedkiisii uu dabayaaqadii March 2015 ka horjeediyey Golayaasha Baarlamaanka ku sheegay inay Xukuumaddu shirkado dhawr ah wadahadallo la waddo, isla markaana ta ugu habboon marka ay qiimeeyaan heshiis lala geli doono, immikana ay sidaas tahay sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO