“Dekedda Berbera badbaado ayay u baahan ahay iyo inay muwaadiniintu fahmaan in dekedda Berbera tahay cashuurtii laga ururiyey”

WhatsApp Image 2017-04-03 at 1.42.20 AM“Waxaan adduunyo ka dhicin isla markaana fool-xumo, liidasho iyo damiir-xumo ah, hanti dadweyne oo laga dhisay cashuurta iyo dakhli-ururinta uu dal leeyahay in si fudud loogu wareejiyo shirkad iyo dawlad shisheeye”

Chicago (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika Maxamed Mawliid Cali Haybe, ayaa ka hadlay maal-geshiga dekedda Berbera iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha bulshada iyo arrimo kale oo la xidhiidha sharciyadda loo maray wareejinta Dekedda Berbera.

Siyaasi Maxamed Mowliid oo ay wehelinayaan xubno tiro badan oo ka mid ah saraakiishii u sar-sarreysay Xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Marayanka, ayaa dhowaan iska casilay xilalkii ay xisbiga u hayeen, kaddib markii ay musuq-maasuq iyo cadaalad-darro ka tirsadeen hoggaanka sare ee Xisbiga u qaabilsan Woqooyiga Ameerika oo wada-shaqayn la’aan iyo tix-gelintii ay lahaayeen oo laga gaabiyey ku eedeeyeen.

Haddaba, Maxamed Mowliid oo isaga iyo aqoonyahanno dhalinyaro ahi dhawaan shir kaga qayb-galeen macadka Daraasaad Siyaasadda ee magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo lagu faaqiday doorka Dhalinyarada iyo ka qayb-qaadashada kobcinta dimuqraadiyadda curdinka ah dalalka dunida saddexaad, waxa uu si gaar ah uga hadlay una dhaliilay nidaamka sharci ee loo maray wareejinta dekedda Berbera iyo saamaynta ay ku yeelanayso muwaadiniinta.

Ugu horeyn, Aqoonyahan Maxamed oo warbaahinta qaarkeed la hadlay, waxa uu tafaasiil ka bixiyey kulanka ay kaga qayb-galeen magaalada Chicago, waxaanu yidhi, “Dhowaan waxaan ka qayb-galay aniga iyo aqoonyahanno kale oo facayga ah kulan ku qabsoomay xarunta daarasaadka siyaasadda ee Chicago, waxa halkaas lagaga hadlay dhalinyarada iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta dimuqraadiyadda dalalka dunida saddexaad oo aynu ka mid nahay. Runtii halkaas waxaanu ku soo bandhigay Somaliland iyo dimuqraadiyadda ka jirta iyo sida dadkeeda shacabka ahi waxa u qabsadeen. Runtiina waxay noo ahayd fursad aanu halkaas uga gudbinnay Somaliland iyo sida looga yaqaano adduunyada kale gaar ahaan reer Galbeedka oo maanta Maraykanku hormuud u yahay.”

Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo sifada sharci ee loogu wareejiyey Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka UAE, waxaanu ku dooday inaanay jirin sharciyad adduunka ka jirta oo waddan shisheeye u ogolaanaya la-wareegista hanti dan-guud ah oo cashuurta dadweynaha lagu dhisay.

“Wax Cusub adduunyada kama ah maal-geshiga dawladaha iyo waddamada shisheeye ku sameeyaan dalal kale, balse waxaan adduunyo ka dhicin isla markaana fool-xumo, liidasho iyo damiir-xumo ah, hanti dadweyne oo laga dhisay cashuurta iyo dakhli-ururinta uu dal leeyahay in si fudud loogu wareejiyo shirkad iyo dawlad shisheeye isla markaana muwaadiniintii dalka u dhashay ay shaqaale hoosaad u noqdaan.

“Taasna micnaheedu wuxuu noqonaya in goobihii danta guud ee ay cashuurtooda ku dhiseen ay uga marti-noqonayaan muwaadiniin shisheeye, walibana aanay ahayd dadkaasi qaar haysta darajada labaad ee muwaadinimo (Double Citizenship). Balse ah dad sidii Jug-soo-dhacay samada lagaga keenay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Mowliid.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dekedda Berbera badbaado ayay u baahan ahay iyo inay muwaadiniintu fahmaan in dekedda Berbera tahay cashuurtii laga ururiyey.”

Xukuumadda Somaliland, ayaa heshiis malaayiin Dollar ku kacaya oo Dekedda Berbera lagu maalgelinayo la gashay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo qorshahan ay aragti kala duwan ka muujiyeen Shacabka iyo siyaasiyiinta dalka.