Degmooyin Guushoodu Saamayn ku leedahay Doorashada Deegaanka oo Natiijooyinkooda lagu dhawaaqay iyo Saami Qaybsiga la kala helay

Hargeysa (SLpost)- Komishannada doorashada degmooyinka Burco iyo Gabiley, ayaa maanta shaaciyey natiijada doorashada iyo saamiga kuraasida ay tartantamayaasha doorashada deegaanka Somaliland ka heleen labada degmo.

Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa hoggaaminaya saami-qaybsiga kuraasida labada degmo oo midkiiba uu ka helay 7 Kursi.

DEGMADA BURCO

Komishanku waxay sheegeen in magaaladda Burco ay codkooda ka dhiibteen Dhanyahay 129,271, waxaanay 21 kursi ee degmadaas ay ururrada/Xisbiyada ku tartamaya u qaybsadeen sidan:

1. KULMIYE oo helay 42,363 cod = 7 Xildhibaan

  • Nuux Maxamed Xuseen
  • Ibrahim Jamac Basaale (Gaboobe)
  • Cabdiraxmaan Xasan Nuur
  • Maxamed Axmed Xasan (Diingool)
  • Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi)
  • Axmed Cabdi Dhinbiil
  • Cabdirisaaq Muxumed Jamac Aar

2. WADDANI oo helay29,461 = 5 xildhibaan

  • Axmed Maxamed Cali,
  • Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab),
  • Cabdirisaaq Xuseen Obsiye,
  • Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi,
  • Xirsi Jaamac Cabdi

 3. RAYS oo helay 24,577 = 4 Xildhibaan

  • Khadar Nuux Siciid,
  • Siciid Axmed Maxamed Raage,
  • Maxamed Yuusuf Cabdi,
  • Max’ed Aadan Cali

 4. UMMADDA oo helay 18,380 = 3 xildhibaan

  • Muxumed Xasan Jaamac ( Xoday),
  • Rashiid Faarax Gacanlaw,
  • Farxaan Cabdi aw Xirsi

 5. UCID oo helay 7,542 = 1 xildhibaan

  • Cabdirisaaq Xuseen Faarax Janaale

 6. XAQSOOR oo helay 4,171 = 1 Xildhibaan

  • Kayse Cabdi Raage

 7. DALSAN 2,093  Wax xildhibaana Ma helin

DEGMADA GABILEY

Dhinac kale, Komishanka degmadda Gabiley ayaa galabta shaaciyay natiijadii doorashada goleyaasha deegaanka ee degmadaas

Natiijadan Saamiga kuraasida iyo magacyada 21-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Gabiley waxay ururrada/Xisbiyadu u kala heleen sidan:

 1. KULMIYE, waxa uu helay 7 Kursi.

  • Cabdiqaadir Maxamed Faarax
  • Cabdi Ciidle Cali
  • Cibaado Maax Cilmi
  • Shucayb Maxamed Muuse
  • Cali Maxamed Sh,. Saleebaan
  • Dr. Axmed Cali Maxamed
  • Max’ed Amiin Cali ALaalle

 2. WADDANI waxa uu helay 4 Kursi.

  • Xasan Axmed Maxamed
  • Cali Maxamuud ismaaciil
  • Iid Xasan Cabdi
  • Cabdicasiis Cabdilaahi ismaaciil

 3. UCID waxa uu helay 4 kursi

  • Cumar Cali Obsiiye
  • Maxamed-amiin Cumar Cabdi
  • Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal
  • Mahdi Maxamed Xaashi

 4. RAYS, waxa uu helay 2 Kursi.

  • Cabdisamad Sh. Aadan Ammiin
  • Axmed Siciid Kibaar

 5. DALSAN waxa uu helay 2 kursi.

  • Cali Axmed Yuusuf
  • Mustafe Sayid Abokor

 6. XAQSOOR waxa uu helay 1 kursi

  • Nimco Axmed Cabdi

7. UMMADDA, Waxa uu helay 1 kursi.

  • Cabdi Yuusuf Daahir

SOMALILANDPOST.NET