DEGDEG: Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Ku Dhawaaqay Inay Qaadaceen Guddida Dhex Dhexaadinta ee Madaxweynuhu Magacaabay

 

 

Hargeysa(SLpost):-Isbahaysiga musharaxiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddidii uu madaxweynaha somaliland u magacaabay xalinta khilaafka ka taagan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xubnaha isbahaysiga musharaxiinta oo shir uga socday mid ka mid ah hudheelada Magaalada Hargeysa , shirkaas oo ay kaga hadlayaan muranka ilaa haatan ka taagan musharaxnimada xisbiga Kulmiye iyo go,aanka ay ka qaadan doonaan.

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah musharaxinta damacsan inay ku tartamaan xisbiga Kulmiye oo ka hadlay shirka haatan u socda ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddida uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhex dhexaadinta khilaafka xisbiga, waxaanu sheegay inaanay marna ogolaan doonin wixii ay guddidaasi soo saarto

Musharax Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay sababta ay u qaadacayaan gudidaasi ay tahay in ay gudidu u shaqeeyaan madaxweynaha “Sababta aannu u qaadacnay waxa weeyaan dhammaan gudidan la magacaabay waxa ay u shaqeeyaan madaxweynaha” ayuu yidhi Maxamed Biixi

Isbahaysiga musharaxiinta ayaa mudaba laba jeer ka baaqday kulan uu madaxweynaha somaliland doonayey inuu isku soo hor fadhiisiyo labada garab eek u tartamaya musharaxnimada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanay ku doodeen inaanu madaxweynuhu dhex ka ahayn tartanka ka dhex taagan xisbiga.

Dhawaaqa ka soo yeedhay xubnaha isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa ku soo beegmaya iyada oo wakhti yari ka hadhsan yahay qabsoomida shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo musharaxa xisbiga.