Deg-degga iyo Dadkeena – W/Q: Ceelaabe

Inta badan dadkeenu waxa ay isku dhaliilaan in aynu nahay dad si sharciga ka baxsan wax u raadiya.Inta qof wax baalmarsan ama iska dhaafey Nidaamkii haddana raba in uu wax Helo ayaa Timaheenaasi ka badan.Ku dhaqanka Sharciga iyo Shuruucda ama Nidaamiyada Haga nolosha Bulshada Ayaa laga hadlaa hase ahaate aan laguba Dhaqmin ama la dhaqan Gelin.Bal haddaba tusaalayaashan u fiirso

“Darawalada baabuurtu Waxa ay ku kacaan Falal badan oo aan aheyn Anshaxa wado marista,Waxa ay galaan meel aan wado aheyn,Waxa ay maraan Jid aan laba Haad aheyn,Waxa ay isku Qaadaan meel aan loogu talo gelin,Waxa ay Jiidhaan ama aaney waxba u heysanin Sharciyada wado marista ama sidoo kale waxa ay si xun ula hadlaan Taraafiga oo aaney uba heysanin Askari Shaqo haya,Maxaa dadkan degdega ugu wacan,Halkee Ayey ku cararyaan,Maxaa dadkan wadada wada socda intooda badan ka dhigey kuwo qof kastaaba in uu hore u socdo Mooye aanu ogoleyn in waxyar la Joojiyo,Maxaa Qeylo dhaceysa,Maxaa Jid xidhmaya,Maxaa Cidhiidhi bilaabmaya,Maxaa gaadhi kasta meel wadada sii xidheysa uu isku qaadayaa,Maxaa sharci iyo Nidaam aan la eegeynin,Xitaa Madaxdii ayaa rabta in ay waddada sida ay doonaan u maraan,Meesha ay doonaan ka baxaan oo iyagu Sharciga burinaaya,Degdega iyo Dadkeena bal u fiirso arimaha wado marista iyo Baabuurta saacadaha qaarkood”.

“Dhinaca kale Dadkeena waxa lagu tilmaama kuwo intooda badani aaney ilaalin kala horeynta iyo safafka laga hirgeliyo goobaha shaqada,Dad badan Ayaa safafka lagu jiro iska indho tira ama jiidha kuwaasi oo raba in ay iyagu ugu horeeyaan,Kuwo hore u yimi,kuwo wakhti danbe socda iwm intaba waxa la rabaa in safka xaga hore laga galo,Khilaaf Ayaa ka bilaabma,Wakhtiyada biyo dhaamiska,Codeynta doorashada ama Shaqooyinka dadka badan intaba safaf dhaadheer Ayaa loo baahan yahay,Dhinaca kale wakhtiyada cunto qeybinta ama caawimada Ayaa safaf loo galaa kuwaasi oo dad badani khalkhaliyaan si ay xaga hore u galaan,Askariga jooga waxba looma Heysto,Dadkana xishoodkii iyo Ixtiraamkii Ayaa ka dhintey oo waxa soo baxey dad wax kasta sida ay iyagu u rabaan ka dhiganaya.Meelaha kale ee Safafka loo galo ama dadka lagu kala wado kala horeynta waxa ka mid ah Cubsitaalada,oo marar badan Dadka qaar ka hormaraan kuwo in badan joogey sababo Jira awgeed ama Qasab ama garasho,Masaajidadana Jimcadaha Nin 12:40 soo Galay Ayaa raba in uu xaga hore Fadhiisto”.

“Maaha intaasi oo Qudha meelaha safafka iyo kala horeynta looga baahan yahay ama la Khaldaa,Waxa Jirta in cidhiidhiga,Buuqa ama saxmada iyo dadku ay marba marka ka danbeysa intii hore ka soo badaneyso,Waxa Jirta in aad la isku sugo ama safaf loo galo meelaha lagu Bixiyo Biilasha ama lacagta ama Xawaaladaha lacagta laga soo qaato oo dad badani ay isugu yimadaan ama taagan yihiin,Sidii loo soo kala horeeyey Ayaa cadaaladu tahay,Meelaha lacag bixinta ama lacag qaadashada waxa ku kulma dad badan oo u baahan nidaam lagu kala wado,Waase Dhibaato in qof Maqiiqan oo aan dadkaba arkeynin inta uu waxa oo dhan iska dhaafo Shaqaalaha toos ula hadlo,Haddii loo dhameeyo waa Weji iyo garasho dadkeena biyo dhigtey,Haddii lagu yidhaahdo Safka xaga danbe ka qabsana waa  Cadaalad lagu wada Farxaayo”.

“Istaanada basaska dadweynaha lacag raaco Ayaa waxa ka taagan Buuq iyo degdeg badan oo la xidhiidha in aad loo kala boobaayo Albaabada basaska kala duwan,30 qof Ayaa raba in ay hal mar Albaabka ka wada galaan,Waxa loo degdegayaa in la helo kursi lagu Fadhiisto,Cidhiidhigaasi waxa ka dhasha Yaab iyo tuugo dadka marar badan Alaabaha kala baxda,Dadkaa iskula Yaaba sida rag iyo dumar aan la isku Arkeynin ee Albaabka la isugu qaadaayo,Marka laga dagaayo Ayaa dhinaca kale qof kastaa rabaa in uu isagu ugu horeey oo mar Ayaa la wada kacayaa gaar ahaan suuuqa”.Tanina waa mid caalamka ka Jirta in dadku ay degdeg ku qaabilaan gaadiidka sida Basaska,Tareenada ama Gelida Diyaaradaha iwm.Dadka oo dhan Ayaa leh dadkii Maxaa samirkii ka qaadey,oo Xitaa meelaha qaar qof yar iyo Mid weyn lagaba yaqaano Ixtiraamka kala sareynta Cimriguna wuu ka baxaa”.

“Masaajida Ayaa degdeg lagu galaa ama degdeg looga baxaa oo Dad  wada yaacaya ama Kabaha si xoog ah u tuurayaa ay iska soo buuxiyaan,Hudheelada cuntada Ayaa waxyar oo kooban oo buuq ah lagaga dhamaadaa degdeg badani ku Jiro,Dalabaadka Maqaaxiyaha Ayaa qof kastaa rabaa in isaga loogu hor  keeno ama la wada Qeylinayaa oo Shaahlaha la wada Qabsanayaa,Sheekooyinkeena Ayaa degdeg badani ku Jiraa ama isku warankeena meelaha qaarkood.u halganka boosas kala duwan iyo Fursadaha hore Ayaa dhamaanteen inagu wada Jira,wakhti danbe kaaley horena ha laguugu dhameeyo Ayaa ina biyo dhigtey,Guriga aan ka soo Baxo 9:15 Daqiiqo Suuqana aan Joogo 9:20 ama Balanta yaanan ka dib dhicin isma Qabaneyso.

“Suuqyada laga adeegto ee buuqa badan Ayaa qof kastaa rabaa in isaga lala hadlo ama loogu hor dhaqaajiyo,Waxaase ka sii daran in Qof wax iibinayaa rabo in dhamaantiin uu idinla hadlo mid kastana iska dhigo in uu u shaqeynaayo si aanu lacagta ula dhaafin”.Dugsiyada waxbarashada ama Jaamacadaha Ayaa wakhtiga Dhamaadka xiisaska qof kastaa rabaa in  uu hore uga boodo albaabka fasalka ama midka hore ee Jaamacada”.

Isku soo wada duub lama soo koobi karo Tusaalayaasha badan ee aad kala soo baxeyso sida dadkeenu ay degdeg ama dhakhso qasab ah wax ugu dhameystaan ama ugu rabaan,kuwo intan ka badana waa la soo helayaa,Ilaalinta nidaamkuna waa mid aynu wada jecelnahay niyadana ku heyno haddana ficilkeenii aan ku Jirin,Waana xaqiiqo Jirta in meelo badan adiga oo dadkii dhibey ama hoosta laga wada karhey aad adigu dadkii ka wada horeysey ama lagu dhameeyey.Wejiga iyo magacuna dadkeena wuu Diley oo qof aad ka soo horeysey Ayaa isaga  lagu sii deynayaa ama lagaaga horeysiinayaa waa madax ama caanimo.Nidaamkase wax dhaama ma Jiro nidaamkaasi Ayaa xitaa madaxda qabanaya oo ay ku sugayaan.Dadbaana marar badan isku faro saara khilaaf ka dhasha kala horeysiinta dadka oo aan si xaq ah u soconin ama iskaga tagaba meesha.

Degdegana inta badan marar badan wuxuu kugu keena dhaawac ama ,Shilal halis ah iwm.Xawaare aan la Qiyaasi karin Ayuu ku dhex socdaa Suuqa,Marka wadadii halbawlaha aheyd loo sameeyey ayey Gadiidkii ku marayaan Xaware intii ka sareeya.Dad wax wada Khaldaaya hadana leh dadkii sharcigii ma ilaalinayaan.Qofku marka uu sharciga  isagu Jebinaayo ma arkaayo hase ahaate marka  qof kale wax uu dhibsado uu ku kaco Ayuu qeylinayaa fartana ku fiiqayaa,Nidaam ma Jiro,Sharci Ma jiro waa maxey dadkani.Walaal Xagee lagu Yaacayaa waa maxey waxan oo gaadhi ahi”Jaadkii Ayaa yimi oo wakhtigan la isma Arko aayarna lama socdo”.oo Walaal dhinaca kale bulshadeenu horta miyaaney aheyn dad kuwa waaweyn ixtiraama ama dadka jilicdasan iska horeysiiya ama u gargaara una baneeyo safafka.