Deg Deg: Qaraxyo Daran oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Caasimadda Turkiga ee Ankara

Ankara [SLpost]- Daqiiqado aan badnayn ka hor, Laba qarax oo waaweyn oo ruxay caasimadda Ankara ee dalka Turiga ayaa ka dhacay badhtamaha magaalada Ankara. Waxaanawararka  uu Somalilandpost Aljazeera ka soo xigtay lagu sheegayaa in ay qaraxyadaasi ahaayeen mid meel dariiq ah oo u dhaw wado tareenku maro loo dhigay dadweyne farabadan oo si nabada ugu banaan baxayey waddooyinka waaweyn ee Ankara kuwaas oo dareenkooda ku muujinayey sida ay u ga soo horjeedaan weerarrada ay kooxaha Kursitaanka ahi dalkaasi Turkiga kaga soo qaadayaan dhinaca Galbeedka.

 

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen halka daraasiin kalena ku dhaawacmeen qaraxyadaasi. Baraha bulshadu kuwada xidhiidho ayaa la soo galiyey muuqaalada dad dhallinyaro u badan oo waddooyinka wadhan dhimasho iyo dhaawacna iskugu jira.

Gawaadhida gurmadka degdega ah ayaa dadka lagu daadgureeyay oo lagu geeyay qaar ka mid ah cisbitaalada magaalada halkaasi oo lagu dawaynayo dhaawacyada. Dhiig yaraan jirta ayaa laga dayrinayaa waxana lagu dhawaaqay in dhiigag loo rabo dadka dhaawaca ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi hasa yeeshee waxaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan kooxaha Kurdistaanka ah ee gooni u goosadka u dagaalamaya tan iyo sannado badan, ilaa hadda waxaa la soo sheegayaa inay qaraxaasi ku dhinteen 30 qof balse khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi ka dhacay badhtamaha caasimadda Ankara ee dalka Turkiga isaga oo faah-faahsan lama soo sheegin maadaama ay wararkaasi hordhac yihiin qaruxuna uu imminka uun ahaa.

tan iyo sanadihi ugu dambeeyey waxaa dalka Turkiga ku soo badanayey gaar ahaan dhinaca Galbeedka weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada noocan kale ah ee ay kooxaha Kurdiintu la beeggsanayeen ciidamada dagaalka ee Turkiga iyada oo ay Dawlada Turkiguna dhankeeda kaga jawaabaysay falcelin xanuun badan iyo dharbaaxooyin hawada iyo lugtaba isugujira oo ay kula dul dhacaysay kooxaha Kurdistaanka ee rabshadaha ka wada Gudaha dalka Turkiga.

wixii ka soo kordha iyo wararka kale ee dunidaba waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe Idamka Rabbi.

Â