DEG-DEG: Maleeshiyadii Nabad-diidka ahaa ee Suldaan Wabar oo Isku Dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland

Boorama(SLpost)- Suldaan  Wabar ayaa lasheegay in uu ka dhoofay dalka kadib markii xukuumadda Somaliland ay u ogolaatay inuu sinabada uu dalka uga dhoofo. Waxa kale oo hore u soo baxayey warar sheegayey in uu ka duullay magaalada Jabuuti ee caasimadda u ah dalka Jabuuti

Waxaa isa soo dhiibay maleeshiyadiisii nabad-diidka ahayd oo ay tiradoodu dhantahay 65 askari oo ay qaar qoryahoogii wataan.

Xukuumadda Somaliland ayaa suldaan wabar iyo ciidankiisa ka ogolaatay in maleeshiyadiisa la qarameeyo laguna daro ciidamada Qaranka Somaliland.

Maleeshiyadan ayaa hada lagu soo wadaa Magaalada Hargaysa, halkaasi oo loo dhaafin doona xaga gobolada bariga Somaliland.

Wararka ayaa intaasi kudaray in calaa qof 65ka maleeshiyada ahaa ay xukuumadu siisay qadar lacageed oo dhan calaa nin Halmiyan oo shilinka Somaliland ah (1,000,000).

Jabhadan suldaan wabar ayaa intii ay mucaaradka ku ahayd Xukuumada Somaliland aan awood muuqata lahayn marka laga reebo weeraro gaadmo ah oo ay ka gaysan jireen gobolka Awdal.

 

Source- HWN