DEG-DEG: Guddida Doorashooyinka oo ku dhawaaqay Natiijada Codbixinta Degmada Hargeysa iyo Tirada Kuraasida ay ururrada/Xisbiyadu kala Heleen

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee codbixintii laga dhiibtay degmada Caasimadda ah ee Hargeysa, tirada  kuraasida ay xisbiyada iyo urrarada siyaasaddu ku kala calaf-qaadeen.

Natiijada degmada Hargeysa oo ah tii ugu dambaysay natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Dalka Doorashadii Golaha deegaanka ee dhawaan loo dareeray isla markaana dadweynaha kala duwan ee caasimadda iyo gobollada dalku natiijadeeda u dheg-taagayeen.

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo wakhti yar ka hor shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Guud ee Guddida doorashooyinka ku shaaciyey, natiijada Doorashada Degmada Hargeysa oo Xisbiyada iyo ururrada tartamaya u kala heleen sidan:

  1. Kulmiye waxa uu helay   7 Kursi
  2. UCID waxa uu helay   4  Kursi
  3. Waddani waxa uu helay  4  Kursi
  4. Xaqsoor waxa uu helay   4  Kursi
  5. Umadda waxa uu helay  3  Kursi
  6. Dalsan waxa uu helay   2  Kursi
  7. Rays waxa uu helay   1  Kursi

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net