DEG DEG: Dad Gadoodsan oo Dab Qabadsiiyey Guriga Taliyaha Booliska ee Qaybta Gobolka Awdal

 

Boorama (SLpost) – Dad Gadoodsan ayaa dab sudhay guriga uu magaaladda Boorama ka degan yahay taliyaha booliska ee qaybta gobolka Awdal Cabdi Barkhad Araweelo.

Gurigan oo ku yaala xaafada Fardaha ee Magaaladda Boorama ayaa qiiq iyo olol wada socdaa ay ka kaceen goor dhaweyd, ka dib markii dad ka cadhooday qaabka ay xukuumaddu u maaraysay rabshadaha ka dhacay Magaalada ay dab sudheen guriga.Gaddood1

Dad tiro badan ayaa isugu soo baxay bakhtiinta dabkaasi ka kacay guriga Taliyahan, sidoo kalena dab-damisyo ayaa iyaguna u soo gurmaday, xukuumadduna ilaa hadda kama ay hadal sababta ugu weyn ee dabka loo sudhay gurigaasi.

Gaddood2

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dabkaasi la sudhay guriga uu degan yahay taliyaha ciidamada Booliska ee qaybta Gobolka Awdal. Wararkayaga Dambe ayaannu idiinku soo gudbin doonnaa wixii ka soo kordha.