Deegaanno Hoos Yimaadda Degmada Salaxley Oo Qaylo dhaan Biyo La’aaneed Ka soo Yeedhayso

Salaxley(SLpost)-Guddoomiyaha degmada Salaxley ayaa sheegay in deegaanno hoos yimaada degmada Salaxley in ay ka jirto biyo la’aan ba’an. Gudoomiyaha ayaa sheegay in aannay haba yaraatee wax biyo ah oo la cabaa oolin deegaanadaa ayna haleeshay abaar darani. Waxana uu qayla dhaan u diray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu wasiirka wasaaradda maaliyadda gaar u carabaabay

Qoolcaday, Ina Guuxaa, Toon, Higladda Iyo Dhimbiriyaale ayaa kamid ah deegaanadan ay ka soo yeedhayso qayla dhaanta biyo la’aaneed.

Gudoomiyaha degmada Salaxley oo qaylo dhaan biyo la’aaneed diraya ayaa waxa uu yidhi “Warbixinta aannu ilaa imika haynno amma aannu aragnayba ayaa ah in aannay habayaraatee wax biyo ah oo la cabaa oolin deegaanadaas. Waxa aannu ugu baaqaynaa wasiirka maaliyadda oo madaxweynuhu u xilsaaray in ay biyo gaadhsiiso deegaanada biyo beela in ay sida ugu dhakhsaha badan biyo ula soo gaadho deegaanadaas. Waxa aannu cod dheer ku sheegaynaa in aan lala soo daahin ee si deg deg ah oo waliba berri ilaa sahandambe ah loola soo gaadho biyaha deegaanadan” ayuu yidhi guddoomiyaha Degmada Salaxley.

 

Somalilandpost, Office, 2015