“Deegaanka waxa ku jira Xubin aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistahay”

DHOLAYAREHargeysa (SLpost)- Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoolayare) oo xil-wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale tiraba laba jeer, xilliganna ka tirsan Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan u sharraxay sababtii uu ku kalliftay inuu isu-sharraxo Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka qabsoontay dabayaaqada sannadkii 2012-dii.

Aadan Dhoola-yare, ayaa ka hor diyaar-garowgii doorashada Goleyaasha deegaanka ee xilligaas furtay Urur-siyaasadeed lagu magacaabi jiray Wada-jir oo ku hadhay qiimayntii urur-siyaasadeedyada, balse waxa uu markii dambe ku biiray, guddoomiye ku-xigeennada ka noqday urur-siyaasadeedkii RAYS oo ka qayb-qaatay tartankii doorashada Goleyaasha deegaanka, kaas oo uu isaga sharraxay Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo aanu ku guulaysan.

Mr Dhoola-yare waxa uu arrintan kaga hadlay barnaamijka Milicsiga Siyaasiga oo ka baxa telefishanka Universal, kaas oo lagu weydiiyey sababtii ku kalliftay in isaga oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB uu isugu sharraxay Golaha deegaanka Hargeysa.

“Bartilmaameedka aan hiigsanayey wuxuu ahaa inaan markaan ugu yaraado maayar ku-xigeen ka noqdo dowladda Hoose haddaan ku soo bixi waayo maayarka, haddaan soo bixi lahaana waxay u dhici lahayd sida ay maanta tahay. Caalamka markaad eegto, sida Maraykanka oo kale, waxa madaxweyne noqdo nin Badhasaab soo maray. Markaa waligay way igu jirtay inaan magaalada Maayar ka noqdo, waayo waxaan aaminsanahay inay dowladda Hoose tahay aasaas fiican oo aad wax ku gaadhi karto meel ka sarreysa, waayo ninka Maayar ka noqda Caasimad sida Hargeysa oo kale madaxweyne ayuu noqon karaa, waayo Caalamka rag badan oo maayarro soo qabtay, ayaa markii dambe madaxweynayala noqday,” Sidaas ayuu yidhi Aadan Dhoola-yare oo u warramayey Weriye Faysal Fadh-Fadhle.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markaa aniga hiigsigaygu kaas ayuu ahaa, mana odhan karo Wasiirbaad ahayde maxaad deegaanka isugu sharraxday, waayo deegaanka waxa ku jira Xubin Shilis (Maayar) oo aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistay.”

SOMALILANDPOST.NET